DAAWO: Maareeyihii Hore ee Xidhiidhka Raashinka Somaliland Oo Xilkii Xafiiskaas Ku Wareejiyey Maareeyaha Cusub+ Nuxurka Dardaarankii Madasha Laga Jeediyey

0
15

KA BOGO SAWIRRADA 

+Video-ga Madashii Xil-wareejinta Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Ahna Maareeyihii Hore e Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas

Hargeysa (Hubaal)-Maareeyihii hore ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo dhawaan loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha, ayaa xilkii xafiiskaasi ku wareejiyey Maareeyaha Cusub ee dhawaanta uu Madaxweyne Siilaanyo usoo magacaabay Mr Siciid Xasan Cabdilaahi.

Munaasibadan ay Xilka kula kala wareegayeen labada masuul ayaa waxa ka soo qaybgalay shaqaalaha Xafiiskaasi raashinka Somaliland, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada iyo Agaasimeyaal.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Maareeyihii hore ee Xafiiska Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo isagu xilkaasi wareejiyey waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland markii naloo dhiibay waxa aanu ugu nimid wax ka yar 40,000 dollar i, Wax Gaadiid Ah waxaanu ugu nimid hal gaadhi oo markaa ku jiray geerash, maantana waxa aan kugu wareejinaynaa in hay’addu leedahay saddex gaadhi oo midi gawaadhida madaxtooyada uu la qiimo yahay, waxaanu kugu wareejinaynaa laba Landcrueser oo mid nooca dambe ee maalinta dambe naloo dhiibay yahay oo V8-ka ah oo ay nagu caawisay hay’adda WFP, runtiina mahadnaq ayaan uga soo jeedinayaa madaxda hay’adda WFP, waxa kale oo ka mid ah gaadhiyar oo bass ah oo nooca shaqaalaha lagu qaado ah.

Miisaaniyada aad maanta xafiiska ugu imanaysaa waxa ay tahay 533 milyan, waxa kale oo aanu kugu wareejinaynaa heshiiskii oo dhamaystiran iyo wax alla wixii aanu mashaariic dadka u haynay oo runtii iyaduna hawshoodu bilaabmayso.

Waxa kale oo iyaduna ka mid ah guusha aanu gaadhnay ee ay WFP ay nala qaadatay in raashinka wadanka ka soo baxa ee dalaga aynu beerano ah inay iibsadaan marka uu ka soo baxo dalagaasi shuruudaha u yaala, oo ay imanayso in anagu aynu marka hore beerano wax ina dheer oo hadaynaan beeran wax ina dheer dee waxba ma iibin kartid markaa marka hore waa in aad wax ku dheer la timaadaa ugu yaraana waxa aanu isla qaadanay waar hadii aad wax soo saartaan gobolada bari ee bilaa raashinka ah ayaanu geyn karnaa marka lagaba tago Somaliland-ta kale oo dhan.

Markaa taasi waxa ay keenaysaa in aad wasaaradii beeraha aad la kaashataan oo wax beerashadii dedaal iyo tacab badan, markaa waxaas oo dhami waxa ay ka mid yihiin guulaha ay gaadhay xukuumadan uu hogaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo oo kuwanina ay ka mid yihiin”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maareeyayaha cusub ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi kaas oo sheegay in uu wadashayn wanaagsan la yeelan doono wasaaradaha iyo hay’ada WFP ee ay xidhiidhku ka dhexeeyo, waxaanu sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ugu mahadnaqay xilkan uu u magacaabay, isagoo tilmaamay in aanu maanta halkan hadal badan ka odhan doonin maadaama oo isagu yahay ka xilka la wareegaya.

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Yuusuf Garas uu shaqo badan soo qabtay, waxaanu tilmaamay in xafiiskan Xidhiidhka Raashinka Somaliland iyo hay’adda WFP uu khalkhal badani ka dhexeeyey balse markii uu yimid ee loo soo magacaabay Yuusuf Cismaan Garas uu ku guulaystay inuu khilaafkii meesha ka saaro oo uu heshiis wadashaqayneed uu la saxeexo hay’adda WFP, waxaanu sidoo kale Maareeyaha cusub illaahay uga baryay inuu xilkan u fududeeyo oo hawsha uu halkaasi ka sii wadi doono.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Aamina Maxamuud Diiriye, Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac, kuwaas oo dhamaantood Maareeyaha cusub ee xilka la wareegay Illaahay uga baryay inuu xilkaasi u fududeeyo.

Hassan H. Keefkeef

HUBAAL Editor-in-chief

Hargeysa, Somaliland

Mrkeefkeef@gmail.com

Hubaal100@gmail.com

Hubaal10@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here