DAAWO SAWIRRADA: Madal Ilyartu Is Qabatay Oo Lagu Falanqeeyey Mashruuca Dhsimaha WADADA CAD Ee Isku Xidha Hargeysa-Sallexley Illaa Ina Guuxaa

0
16

London (Hubaal)- Xaflad ballaadhan oo ku saabsan mashruuca dhismaha wadada cad (Hargeysa – Sallaxley- In Guuxaa) oo ay isugu yimaadeen jaaliyada London ee Deegaanka Maroodi Jeex iyo Gaaroodi ayaa lagu qabtay sabtidii 19-12-2015 magaalada galbeedka London.

Xafladan balaadhan oo loogu talo galay dardar gelinta Mashruuca dhismaha Wadada Cad ayaa lagu soo bandhigay warbixin dheer oo ku saabsan halka uu Mashruuca dhismaha Wadadu wakhtigan xaadirkaa marayo iyo inta ka hadhayba.

Xafladan waxaa ka soo qayb galay ururada samafalka ee ka howl gala deegaanada Maroodi Jeex iyo Gaaroodi, waxgaradka, aqoonyahan ka, dhalinyarada iyo bulsho weynta kale ee reer Somaliland.

Xafladan waxaa lagu iclaamiyey dhaqaalaha ku baxaya wejiga sadexaad oo ah kan ugu danbeeya Mashruuca dhismaha Wadada (Final Phase). Kaas oo loogu talo galay inay Wadadu gaadho Ina Guuxaa ama xadka dawlad deegaanka Soomalida Ethiopia. Xafladaa waxaa laga cadeeyey inay ku baxayso lacag dhan $3.5m (Sadex Milyan iyo badh) dhamaadka mushruuca. $150,000 ka mida lacagtaa waxaa lagu qoray gebi ahaan jaaliyada UK. Halka $80,000 oo ka mida lacagtaa loo qoondeeyay jaaliyada ku nool London iyo Milton Keynes.

 Halka $70,000 kalana lagu qoray jaaliyada ku nool magaalooyinka kale ee dalka UK.

Gababadii xafladan dhaqaale ururinta iyo warbixinta iskugu jirtay waxaa la goo’aamiyey in la bixiyo lacagahan khaasatan London ugu danbayn 30th March 2016 hadii alle idmo.

 Mahad dhamaanteed Allaah iska leh.

Mustafe Good Ahmed

Gudida dhaqaale ururinta mushruuca Wadada Cad UK

waddd
wad
wadd

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here