DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Qalin-jabinta Dufcaddii 2aad Ee Jaamacadda Frantz Fanon

0
1

 

 

Hargaysa-(Hubaal)-  Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay dufcaddii  2aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Frantz Fanon University ee magaaladda Hargaysa, waxaana munaasibadda qalin-jebinta ardayda kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen waxaanu kula dar-daarmay inay waxbarashadooda sii wataan islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadkaba waxaana kamid ahaa hadaladiisi Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaadheen aad baan idiin hambalyaynayaa idinka iyo macalinkiina Prof: Bulxan, waxaan idinkula dar-daaramayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan dalkana u shaqayasaan, maanta rajo weyn ayaa muuqata oo waliba idinka idiin muuqata, horumar fiican ayaynu rajaynayaa insha Allaahu waxaanan idiin rajaynayaa guul” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Qayb Ka Mid Ah Xukuumaddiisa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here