DAAWO SAWIRRADA: Marwada Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiiradda Maalliyada Oo Maanta Ka Qayb Galay Xaflad Loo Sameeyey 20 Neef Oo Loogu Deeqay Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
68

DAAWO SAWIRRADA: Marwada Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiiradda Maalliyada Oo Maanta Ka Qayb Galay Xaflad Loo Sameeyey 20 Neef Oo Loogu Deeqay Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa (Hubaal)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamuud Jirde iyo Wasiiradda Maalliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyey deeq xoollo ah oo ay ardayda dugsiyada sare ee Dayib-gurey Secondary School iyo Quulle Aadan Secondary School ay ku wareejiyeen xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ugu talo galeen in ay munaasibada ciidal-udxiyada lagaga farxiyo ubadka ku jira xaruntan.
Munaasibad loo sameeyey wareejinta deeqdan oo Marwada Madaxweynaha iyo wasiiradda maalliyada kasokow ay kasoo qayb galeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiyaddaas, Madax kala duwan oo katirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale waxa khudbado halkaasi laga jeediyey ay maamullada dugsiyaddaasi kaga warrameen ujeedada deeqdan xoolaha nool ah oo ka kooban labaatan neef oo adhi ah, kuwaas oo ay sheegeen in dugsiyadan oo kaalmo wax ku ool ah ka galay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare oo ay guulo ka soo hooyeen ay dabaal deggii ay u samayn lahaayeen fooladaynta ardaydaas ay kharashkii kaga bixi lahaa u door bideen inay kaga farxiyaan ubadka yaryar ee lagu xanaaneeyo xaruntan.
WAxa iyaguna halkaas khudbado wax ku ool ah kasoo jeediyey wasiiradda maalliyada Somaliland MArwo Samsam Cabdi Aadan iyo Marwada MAdaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-weris Waxaanay ardayda iyo maamulka dugsiyadan uga mahad naqeen tallaabada ku dayashada mudan ee ay qaadeen iyo sunnaha wanaagsan ee ay u jideeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan.
Haddaba waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa muuqaalladii madashaasi iyo sawirradii xafladda, waana kuwan hoose ee ka bogasho wacan

Quulle Aadan iyo Aamina
waris.jpgawaris

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here