HUBAALMEDIA.COM
DAAWO SAWIRRADA: Soomaalida UK Oo Geesinnimo Kala Hortagey Nin Weerar Argagaxiso Ku Qaaday Muslimiin Salaadii Taraawixda Kasoo Baxay Xalay
June 19, 2017 - Written by Mustafe Faro

AKHRI: Khasaaraha Weerar Argaggixiso Muslimiin Masjid ka soo baxay ku qaadday &  Soomaalida London Oo Iyagu Si Geesinnimo Leh Gacanta Ugu Dhigay Ninkii Falka Fuliyey

 Soomaalida   Ingiriiska Oo Lagu Majeertay Geesinnimo Ay Kala Hortageen Nin Weerar Argagaxiso Ku Qaaday Muslimiin Salaadii Taraawixda Kasoo Baxay Xalay

London(Hubaal/Aftahannews):- Inta la xaqiijiyey Hal Qof ayaa dhintay, Toban kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii weerar argaggixiso lagu qaaday Dad ka soo baxay Masaajid ku yaalla magaalada London oo ay Salaaddii Taraawiixda ku tukanayeen xalay.

Booliisku waxay sheegeen in siddeed ka mid ah dadkaas loola cararay Isbitaal qaarkoodna ay dhaawacyo halais ah qabaan ka dib markii ay ku dhaawacmeen weerar argaggixiso. Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay weerarkaas ka dhacay agagaarka Masaajidka degmada Finsbury Park ee Waqooyiga magaalada London. Dhacdadan ayey Boolisku ku tilmaameen Shil weyn.

Shilkan ama weerarkaasi wuxuu ka dhacay Waddada Seven Sisters. Ciddammada Booliska ayaana goobtaas isku gadaamay. Guddiga Muslimiinta ee Britain, ayaa sheegay in Gaadhi si u kas ah loo jiidhsiiyey Dad cibaadeysanayay.

Adeegga Gawaadhida gurmadka degdega ah ee London, ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka. Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada ka dib, ayaa muujinaya argaggaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo Dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday iyo sidoo kale Ninka Gaadhiga Dadka jiidhsiiyey oo ay Gacanta ku dhigeen Muslimiinta goobtaas ku sugnaa, gaar ahaan Xubno Soomaali ah.

Dadkaas Ninka qabtay, ayaa sida Muuqaalka lagu daawaday, Af-Soomaali ku hadlayey; “Xejiya oo ha dilinna, yuu baxsannin..” weedhahaas iyo kuwo kale ayaa ka mid ahaa hadallada Muuqaalka laga daawaday ee ay Muslimiinta Soomaalida ah ee Ninkaas qabtay qaarkood ku dhawaaqayeen. Waxaanay markii Boolisku goobtaas yimi ku wareejiyeen Ninkaas.

timthumb (1) timthumb (2) timthumb WEERARKA-MUSLIMIIN-MASJID-KA-SOO-BAXAY-LAGU-QAADAY-XALAY-WAQOOYIGA-LONDON-19-JUNE-2017

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews