DAAWO: Wasiirro Ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Booqday Tuka-raq iyo Jiida Hore Ee Ciidanku Fadhiyaan

0
57

Tuka-raq(Hubaal)-Wefti isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano oo ka socda Dawladda Somaliland ayaa booqday Deegaanka Tuka-raq oo ay todobaadkii hore la wareegeen Ciidanka Qaranka Somaliland.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Biyaha Somaliland Saleban Cali Koore , kana mid yihiin Xildhiban Cabdiqaadir Indho-indho oo kamid ah Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale booqday Saldhigyada Ciidanka ee jiidaasi qaarkood, halkaasoo ay kula kulmeen Saraakiisha Ciidamada iyo DadKa Deegaanka oo ay ku booriyeen inay ka wada shaqeeyaan Ilaalinta nabad-gelyada iyo xasiiloonida deegaanka.

Weftigan ayaa socdaalkoodu la xidhiidhaa xaqiiqo-raadin Ku saabsan xaalada deegaankaasi iyo sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen.

Hore waxa Magaalada Tuka-raq u booqday madaxda Maamulka Gobolka Sool markii Ciidanku halkaa gaadhay kormeer indho indhayn ku tegay , iyadoo ay Saraakiisha Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Sool sheegeen inay dib u furayaan Kastamka Cashuuraha ee Magaaladaas ku yaalla oo ay Maamulka puntland gacanta Ku hayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here