DAAWO+AKHRI: Ex-Wasiir Cali Marreexaan Oo Si Qoddobaysan Iskaga Difaacay Eedihii uu Xil. Naasir X. Cali Shire u Soo Jeediyey+ Arrimo uu Kala Doorransiiyey

0
1

“shakhsi ahaan ta aniga ta I khusaysa warkeedu mid laga hadhayo maaha ee isaga [Xil. Naasir]saddex qoddob mid ahaan uun baa laga rabaa, cadaymaha cidda uu waxaas oo dhan ka sheegayna waa looga fadhiyaa”

“wuxuu yidhi guryaha booliiska loo iibiyey $920 kun baa lagu iibiyey, beentii baanay ahayd oo way ka badnayd…wuxuu sheegey shirkadda jeelka dhisaysa in lagu wareejiyey $540 kun, taasina beentii bay ahayd oo shirkaddda lacagta la siiyeyba way ka badnayd intaas”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta ee xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) ayaa si adag uga jawaabay warbixin uu guddoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilladu Xil. Naasir Xaaji Cali Shire toddobaadkan warbaahinta u soo bandhigay, taasi oo ku sheegay musuqmaasuq uu ku dooday in miisaaniyad sanadeedkii 2016-2017 ee xukuumaddii Siilaanyo gashay oo Wasiir Cali Marreexaan qayb ka ahaa.
Haddaba Ex. Wasiir Cali Mareexaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa naqdiyey hadalka ka soo yeedhay Xil. Naasir Xaaji Cali Shire, isaga oo ugu hanjabay in uu saddex arrimood midkood soo galo xildhibaanku. Ugu horeynse waxaa uu Cali Marreexaan jawaab ka bixiyey oo dooda uu ku beeninayo eedaha loo jeediyey kuwaas oo uu shan qodob kusoo ururiyey.
“horta aniga laba jeer bay ku soo qaadeen [warbixinta ay sheegeen], labadaas qaybood markaan dhegeystay illaa shan wax bay taxeen, midi waxay ahayd xabsiga Burco iyo lacag shirkadda [dhisaysay] la siiyey iyo meel loo iibiyey, midina waxay ahayd guriga wasaaradda hawlaha guud ee Burco laga dhisay oo ay iyana laba jeer soo qaadeen lacagta ku baxdayna way soo qaadeen”. Sidaas ayuu yidhi Ex. Wasiir Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), waxaanu intaa ka dib faahfaahiyey oo uu qoddobo kamid ah u soo qaaday qaabka haykalka dawladnimo loogu salleeyo warbixinnaha caynkan oo kale ah ee golayaasha qaranka la hor keenayo “haddaan qoddob qodob uga hadlo, marka hore markaad doonayso inaad warbixin ka hor jeediso baarlamaanka, dee waad garanaysaan dadkii warbixinaha ka akhriyi jiray oo aniguna muddo dheer oo toban sanno ah ayaan ahaa [xildhibaa], markaad siyaasad ka hadlaysana sida aad doonto ayaad u dhigdhigi karaysaa, laakiin markaad xisaab ka hadlayso figures and facts baa lagaa rabaa oo 2 + 2, waa afar baa lagaa rabaa inaad tidhaa, se inaad tidhaahdo sidaas markaanu u eegnay lacagtaasi kamay muuqan waana la musuq maasuqay, dee sidaas lagaaga hadhi maayo ee soo caddie baa lagu odhanayaa. Markaas dee waxa la yidhi hadalku inta uu uurkaaga ku jiro ayuu amaan yahay, sidaas darteed waa in marka hore waxa aad golaha la hor imanayso ayaad iska soo hubsato”
“shanta qoddob waxa ay ahaayeen, wuxuu yidhi [guddoomiyaha guddidu] guryaha booliiska loo iibiyey $920 kun baa lagu iibiyey, beentii baanay ahayd oo way ka badnaydba, waxaana ay ku timi iibka guryahaasi digreeto madaxweyne oo soo baxday 4/6/2017, taasoo madaxweynuhu ku amrayay in saddexdaas guri in laga iibiyo laguna wareejiyo dhismaha jeelka burco, markaa waxaa laga yaabaa inaan xildhibaanku qoraalka [digreetada] arag.
Qoddobka kale oo uu sheegey shirkadda ALBARAKA ee jeelka dhisaysa lagu wareejiyey $540 kun, taasina beentii bay ahayd oo shirkaddda lacagta la siiyeyba way ka badnayd intaas, shirkaduna way ka hadli doontaa oo dhukumentiyadu meel walba way yaallaan oo way ku soo oodmi karaysaa. Qoddobka saddexaad ee uu sheegayna wuxuu yidhi $380 kun baa maqan, taasina waabeentii oo cadaymaheedii iyo qoraalladeedii oodhana waanu haynaa. Jeelka Burcona 2014-kii annagoo Baarlamaanka ku jirna waalaga yaabaa inaad saxaafadda ka daawateen, baa aniga iyo xildhibaan kale oo gobolka Togdheer laga doortay oo ah Xil. Waabeeyo booqanay jeelka, waxaanannu ku aragnay wax la yaable oo ahaa dhisme 1945-kii la dhisay oo 400, oo qof ku jiraan oo dhibaataysan, warbixin baanu ka diyaarinay, oo baarlamaankana waanu ka hor akhrinay madaxweynahana waanu u gudbinay, dabadeed madaxweynuhu wuxuu amray in si degdeg ah loo dhiso jeelka, waxaanu u xil saaray wasiirkii cadaaladda ee xilligaas Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiirkii hawlaha guud ee xilligaa Cabdirisaaq Khaliif, labadooduna hawl aad u qiimo badan bay ka qabteen, annaga oo gobolkaas nalaga soo doortayna hawshaas waanu kala war haynay, markaas hawshiisu back-ground-kaas buu lahaa oo wuxuu maanta kamid yahay dhismeyaasha ugu waaweyn ee Burco.

Waxa kale oo aanu sheegin oo aad arkaysaan inaanu waxbaba baadhin saddexda guri ee booliska eek u yaallay laynka booliska waxaa degennaa 17 qoys oo biliis ah oo saraakiil u badan, waxaa meesha ka rartay dawladda iyo shirkadda uu soo hadal qaaday ee DAHABSHIIL, dhammaatoodi hantii lagu raray iyo wixii loo dhisay iyo kharashkii ku baxayba waxaa laga wada qoray nootaayo sharci ah oo qof kasta laga saxeexay, hawshaasna waxaa maamulayay oo gacanta ku hayay taliska guud ee booliska oo isu dhan, qof kastana waxa laga saxeexay nootaayo, waxaana ku baxay hawshaas $674 kun, laakiin maba uu soo hadal qaadin oo waxba muu sheegin ee wuxuu iska yidhi uun $380 kun baa la la’yahay.
Arrinta kale ee Burco ee uu kahadlay, waxaan marka hore idiin sheegayaa in xafiiska wasaaradda hawlaha guud ee Burco uu yahay xafiiska ugu weyn wasaaradaha ee gobolkaas ku yaalla, cabirka dhulka xafiiskaasina lix boqol oo mitir oo laba jibaaran buu ku fadhiyaa, waxana aanu ka rarnay 65 qoys oo muwaadiniin ah, guri dabaq ah oo 16 qol ka koobanna waanu ka dhisnay, waxaana uu warbixinta uu soo bandhigay ku yidhi $170 kun baa ku baxay kamanay muuqan oo waa beentii, lacagtuna intaa way ka badnaydba, nidaamka sharciga ah ee dawladda u yaalla ee qandaraasyadana way wada martay, shirkada Barako ayaa dhistay buu yidhi waana beentii iyaduna oo waxba kama jiraan laakiin shirkad kale oo Surad la yidhaahdo ayaa dhistay, inay wuxuba booshaaq ahaydna taasaa ku tusaysa, waxaanan leeyahay waxan warbixin lama yidhaahdo ee Booshaaq baa la yidhaahdaa, waayo haddaad garanwaydo shirkad shacbi ah inaad wax kale ugu yeedho oo tusaale ahaan wax SOMTEL gashay haddaad TELESOM ku eedayso waa lagula yaabayaa, markaas waxa ugu fudud ee ay ku tusaysa waxa uu sheegay waxay tahay inaanu waxan uu ka hadlayaba fikrad ka haysan, markaas shanta qoddob ee uu sheegayba sidaas ayay ahaayeen”. Ayuu yidhi Wasiir Cali Marreexaan. Intaa kadib waxaa uu Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, guddoomiyaha guddida hantida iyo dabagalka ee golaha wakiillada kala doorran siiyey saddex qoddob mid ahaan, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in gobolka laga soo doortay uu sixi kari waayo dhismeyaasha laga hirgeliyey. Naasir [Xildhibaanka warbixinta soo bandhigay] Burco ayaa isagaba laga doortay oo in uu iyadoo dawladdii horena dhammaatay, tan dembena isaga oo aan dhismeyaashii ka war haynin uu baarlamaanka ka hor caytamo, waa hadal meel waayay oo waxba laga soo qaadi maayo, laakiin anigu shakhsi ahaan hawshani mid laga hadhayo maaha ee isaga saddex qoddob mid ahaan uun baa laga rabaa. Midda koowaad waxaalaga rabaa in waxaas uu dudubiyey ee beenta ah uu aniga iyo cidiikale ee uu ku aflegaadoodayba raalligelin buuxda ka bixiyo, ama inuu maxakamadda is geeyo oo uu soo qaato kutubtiisa iyo cadaymihiisa, baarlamaankana anigaa imika u tegaya oo aniga iiga soo hanjabi maayo xafiiskaygiiye anigaa warbixinta u geynaya, meesha uu waxan ka keenay, ummada dhan ee uu caayay, dawladdii hore ee uu wax ka sheegay waxaas oodhanba waa looga fadhiyaa, ta aniga I khusaysaana warkeedu waa kaas”.

SHARE
Article horeYaa Balaga U Lulaya Duminta Waxbarashada Somaliland?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here