DAAWO+SAWIRRO: Xil-Wareejintii Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Jewiga Madal lagu wada qiray Hoggaamintii iyo Waxqabadkii Agaasime Axmed Abokor

0
37

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaraddaas u soo magacaabay Md. Maxamed Faarax Xareed.

DAAWO:

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labada Agaasime xilalkii kula kala wareegeen ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee wada-shaqaynta la leh Wasaaradda, Madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in muddadii koobnayd ee uu Axmed Abokor ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda uu wada-shaqayn fiican la sameeyay Xafiiska Imtixaanaadka, taas oo suurtogalisay in wax badan laga qabto la-dagaallankii Qishka ee sannad-dugsiyeedkii ina dhaafay ee 2016/17.

 

Md. Daa’uud waxa uu xusay inay Wasaarad ahaan in badan tebi doonaan doorkii hoggaamineed ee Agaasime Axmed Abokor, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Agaasimaha Guud ee cusubna ay ka rejaynayaan wada-shaqayn u dhiganta tii Agaasime Abokor.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here