Dabeecadaha Dadka Iyo Waxyaalaha Saameeya. Qalinkii: Axmed Iid Aadan

0
226

Nin dadka ay hayntoodu yar tahay ka mid ahaa ayaa beri xoogaa lacag ah helay oo dadka ladan ka mid noqday. Ninkii asxaabtii uu hore u yaqaannay oo dhan waa uu ka goostay oo waxa uu samaystay asxaab kale oo sidiisa oo kale xoogaa lacag ah haysata!

Nin kale ayaa maalin maalmaha ka mid ahayd meel ay dad badani joogaan soo ag maray isaga oo aad u tallaabaynaya oo aad mooddo in uu kor u boodboodayo. Ninkaas socodkiisu sidaa ma ahaan jirin ee waxa uu iska dhigdhigayey qof kale oo waxa uu u socday sidiisii caadiga ahayd si ka duwan!

Nin saddexaad oo isna ahaa nin aad u furfuran oo farxad badan ayaa mar qudha isbeddelay. Waxa la arkay ninkii oo aamusan oo aan juuq odhanayn. Isbeddelkaas dadka ay isyaqaanaan waa ay dareemi jireen, hase yeesho ee wax ugu wacnaaba ma ay weydiin jirin!

Waxyaalo badan ayaa anshiga dadka saameeya oo mararka qaarkoodna wax ka beddela. Waxyaalahaas waxa ka mid ah lacagta. Lacagtu habdhaqanka qofka ama fikirka waa ay beddeshaa.  Marar badanna waxa la yidhaahdaa, qofku marka uu saboolka yahay shakhsiyaddiisa dhabta ah waxa laga qiimayn og yahay marka uu wax helo ee uu maalqabeen noqdo. Macnaha marka uu qofku adduun badan helo uun baa la kala ogaan karaa in uu qof wanaagsan yahay iyo in kale.

Beri baa saddex kooxood ama saddex qolo oo aan isku meel joogin isla markaasna aan is ogeyn hawlo isku mid ah loo kala diray. Qoladii koowaad waxa laga codsaday in ay lacag la’aan ku hawl gasho oo ay hawsha soo dhammayso. Qoladii labaad na waxa loo ballanqaaday xoogaa lacag ah oo aan badnayn in la siin doono haddii ay hawsha xilligii loogu talo-galay ku dhammayso. Qoladii saddexaad iyaga waxa loo sheegay in lacag aad u badan la siin doono haddii ay shaqada loo diray ka soo dhalaasho. Saddexdii qolo waxa hawshii ugu hor dhammaysay qoladii lacag la’aanta ku hawlgashay, waxana ku xigtay qoladii lacagta badan loo ballanqaaday, halka qoladii lacagta yar lagu hawl geliyey ay ugu danbaysey.

Waxa arrintaa laga la bixi karaa in dadku ay jecel yihiin waxyaalaha ay qabanayaan in ay magac ama manfac mid uun ku helaan. Labadaa wax u dhexeeya se dan kama galaan, waayo magac iyo manfac wax u dhexeeyaa waa silic iyo gacma-daalis oo khayr ma laha.

Waxyaalaha kale ee dabciga ama anshiga qofka saameeya waxa ka mid ah waxa loo yaqaan “Ku-dayashada”. Waa qofka oo ku dayda qof kale oo uu is leeyahay waa uu kaa wanaagsan yahay ama wax baa uu ku dheer yahay. Haddii aynu aragno qof, qof kale wax kaga dayanaya sida hadalka, socodka ama wax kale in aynu la yaabno ma aha, waayo in wax la isaga daydo siiba wax wanaagsani waa wax caadi ah oo aan malaha lagu khasaarayn. Waxase ka sii fiican in uu qofku tayooyinka Ilaahay ugu deeqay ku kalsoonaado oo aanu waxyaalaha dhalanka ah cid kaga dayan. In aad waxyaalo dhalankaaga ka mid ah ka tanaasusho oo aad u gudubto waxyaalo aan dhalankaaga ka mid ahayni wax fudud ma aha oo waa wax aad ku lug gu’i karo.

Labadaa arrimood ee aynu soo sheegnay marka laga yimaaddo waxa jira wax saddexaad oo isna saamayntiisa leh. Waxaasi waa wax aynu u naqaanno “Iscaleemasaarka”. Qofka ayaa isqiimeynaya oo isu bogaya ama iscajabinaya. Waa uu iscaleemasaarayaa oo waxa uu isu qaadanayaa in uu yahay qofkii dadka ugu wanaagsanaa ama ugu cilmiga badnaa ama ugu mudnaaba. Arrintaasi dabeecadaha dadka isbeddel ayaa ay ku keentaa, waxana laga yaabaa in ay qofka sidaa yeela wax badani ku seegaan. Waa tii hore Soomaalidu u tiri: “Sida aad isu taqaan ma aha, ee waa sida laguu yaqaanno”!

Saddexdaa qodob ee aynu sheegnay waa saddex wax oo qofka ay saamaynta ku yeelanayaan u gaar ah. Waxa jirta haddaba arrin afaraad oo ah malaha ta ugu daran ee dad badan waayadan danbe lug goysa. Waa arrin qofka xagga bulshada kaga timaadda, waana sida ay bulshadu qofka u haysato. Bulshada marka aynu leenahay waxa aynu u jeednaa dadka asxaabta ah iyo kuwa ay qofka aqoonta gaarka ah isu leeyihiin.

Way adag tahay in uu qofku ogaado sawirka ama fekerka dhabta ah ee ay bulshadu ka haysato. Bulshadu marar badan qofka jar baa ay uga tallaabsataa oo runta uguma roonaato. Tusaale ahaan, qof baa meel khudbad ka jeedinaya. Marka uu khudbaddaas dhammeeyo haddii uu dadkii dhegeysanayey ee ay is garanayeen weydiiyo bal in uu khudbaddii si wacan u jeediyey iyo in kale. Waxa laga yaabaa in ay yidhaahdaan, si aad u heer sarraysa oo ay aftahamo ku dheehan tahay ayaad u jeedisay iyada oo laga yaabo in uu ninkaasi ahaa maskiin yar oo naxnaxayey markii uu hadalka jeedinayey. Ma dhiirri-gelin baa mise waa si’ kale?!

Anshigu waa sida uu qofku u dhaqmo ama uu uga falceliyo waxyaalaha nolosha la xidhiidha ee la soo gudboonaada. Waxa uu la xidhiidhaa waxa uu qofku ku fekiro, waxa uu qabto iyo sida uu u qiimeeyo wixii uu qabtay. Waxyaalaha dabciga qofka saameeya ama wax ka bedbeddelaa intaa aynu sheegnay waa ay ka badan yihiin, hase yeesho ee intaas baynu hadda ku soo koobaynaa.

Haddii uu qofku doonayo in aanu iswaayin waxa u fiican in uu naftiisa ama hibooyinkiisa ogaado. Haddii uu sidaa yeelo waxa u kala caddaanaya waxyaalaha uu ku fiican yahay iyo waxyaalaha uu ku liito, waxana laga yaabaa in uu halkaa ka sii ambaqaado oo uu geeddiga hore u sii wado. Waxa kale oo muhiim ah in uu qofku ogaado in aanay dadku isku mid ahayn ee ay kala duwan yihiin. Waa in uu ogaado in uu isagu qof yahay, dadka kalena ay shaqsiyaad kale oo isaga ka duwan yihiin. Dad kala dudduwan na khasab ma aha sida ay u fikiraan, waxyaalaha ay qabtaan, sida ay wax u qiimeeyaan, siyaalaha ay u hadlaan ama u dhaqmaani in ay isku mid noqdaan.

Wax qof la hagaagsan ayaa qof kale maroor la noqon kara, sida darteed arrimaha noloshu waa kolba dhinaca uu qofku ka eego iyo sida markaa la joogo ay wax ugu muuqdaan. Nin waxgarad ah ayaa beri yidhi: “Ha ku dadaalin in aad mar walba wax fudud qabato ee waxa aad ku dadaashaa in aad mar walba wax sax ah qabato”.

Axmed Iid Aadan

E-mail: ahmediid@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here