“Dabeysha GEESKA Ka Socota Diyaar Baanu U Nahay, Marka Hore’se Farmaajo Ha Yimaado Hargaysa Oo Safaarad Ha Ka Furto, Sida Afwerki Addis-ababa Uga Furtay Oo Kale” – AKHRI+DHEGEYSO: Waraysi Xiiso Leh Oo Uu Feysal Cali Waraabe Bixiyey  

0
1

“Aniga & Cali Khaliif Rag Waawayn Baannu nahay Oo Isagu [Farmaajo] Wuu Naga Yar Yahay, Annaguna Talo Waalidnimo Ku Dheehan Tahay Baanu Siinnay”

 “Xilka Somaliland Ka Saaran Xisbul-Xaakimka Mid Lamid Ah  Ayaa Xisbi Kasta Ka Saaran  Hadday Taasi Fashilantana, Muuse Ayaa Fashilmaya, Annaguna Waanu Fashimaynaa”

“Dabeysha GEESKA Ka Socota Diyaar Baanu U Nahay, Marka Hore’se Farmaajo Ha Yimaado Hargaysa Oo Safaarad Ha Ka Furto, Sida Afwerki Addis-Ababa Uga Furtay Oo Kale”  

++++++++++

Faysal Cali Waraabe Oo Sharraxay Asbaabta U Fasaxday Inuu Tago Shir Ay Dawladda Somaliland Qaadacday Ka Qayb-galkiisa+Faahfaahinta Kulan  Fool-ka-fool Ah Oo Ay Farmaajo Isku Hor-fadhiisteen

 

Guji Halkan Si Aad U Dhegeysato Waraysigan oo Ay Laanta Af Soomaaliga Ee BBC-du Caawa La Yeellatay Feysal Cali Waraabe

Brussels (Hubaal/BBC Somali)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali WAraabe ayaa xalay si faahfaahsan uga warramay ujeedadii uu daarnaa kulan ay isaga iyo Dr. Cali  khaliif Gallaydh Hotel-ka uu magaallada Brussels ee xarunta midowga Yurub kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ugu soo gebogaboobay shir ay beesha Caalamku u qabatay maamullada Soomaaliya kaasi oo qaadhaan loogu yaboohayay. Guddoomiyaha UCID oo maalmihii uu shirkaasi furmayay isagu tegey Brussels wallow aanu ka qayb galin shirka oo dabcan aan Somaliland lagu soo casuumin haddana waxaa uu sheegay in  uu korka ka ilaalaynayay waxyaabaha lagaga wada hadlayo oo dabcan uu sheegay in Somaliland xaq u leedahay in dhaqaallaha caalamkuugu talo galay Soomaalida ay badhkeeda qaadato. Faysal Cali Waraabe waxaa uuu sheegay in   wixii magaca Soomaaliya lagu bixinayo ay Somaliland xaq u leedahay in  toos ah qaybteeda ay  u hesho.   “Xoolaha waan wada leenahay, tan Muqdisho lagu cuno waan wada leenahay, waxaanu jecelnahay imminka in la helo qorshihii aan waxayaga ku qaadan lahayn” ayuu yidhi Faysal oo  xalay waraysi dhinacyo kala duwan oo faahfaahsan khuseeya siiyey laanta afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da.  Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha UCID ka war bixiyey  oo uu sababeeyey tegitaankiisa  goobta shirku ka socday iyadoo ay dawladdii Somaliland meesha ka maqan tahay “ maadaama aanu annagu nahay dal madax banaan oo aan ka tirsanayn maamulka Farmaajo, kama qayb galayso dawladayadu,  laakiin annagu siyaasiyan [xisbi ahaan] xil baa naga saaran arrimaha dalkayaga, xilka ka saaran madaxweynahayaga Muuse Biixi, kaas mid le’eg baa annagana naga saaran, annagu markaa waxaanu u nimi meesha inaanu Somaliland mawqifkeeda u kaambayn garayno oo aanu qaadhaan bixiyeyaasha iyo wadamada dhaqaallaha bixinayana la kulano”. Ayuu ku dooday Guddoomiye Faysal. Mar uu ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in arrimahaasi fulintooda iyo waajibaadkooda ay dawladdu iska leedahay, masuuliyadaasna ay shacbigu u dhiibteen dawladda Somaliland ee uu madaxweyne Muuse Biixi hogaamiyo, sidasi oo ay tahay halka  uu isagu ka soo galayo arrimahaasi meesha ay tahay waxaa uu Faysal ku jawaabay “shirkan dawladdu mawqifkeedii waa laga siin waayay ay xaqa u lahayd, markaas annaga ayaa u madax banaan inaanu kaalintayada qaadano, waayo xilkaas xisbul-xaakimka Somaliland ka saaran [qaranka]  ayaa xisbi kastaba ka saaran, taas micnaheeduna maaha in la yidhaahdo markaan madaxweyne noqdo ayaan dalka u shaqaynayaa, laakiin hadday dawladaasi fashilanto, Muuse Ayaa fashilmaya, oo Somaliland baa fashilmaysa, xataa annaguna waanu fashimaynaa, markaas xilkaas na saaran uun baanu annagu isu xilqaanay”.

Mar wax laga weydiiyey kulan ay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh oo Somaliland ka socday la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, wuxuu sheegay Faysal Cali Waraabe in kulankaas uu codsaday Farmaajo “madaxweynuhu wuu na codsaday, annaguna waanu ka aqbalnay, waxaana aanu kala hadalnay oo aanu u sheegnay in aan maanta soomaalidu u baahnayn dhibaato   wixii loo doortayna ay tahay inuu hagaajiyo,  Somalilandna iyadu finalka ayey u soo baxday oo warkeedu wuu cadyahay. Waxaa kale oo aanu u sheegnay in intii uu isagu yimi ay dagaalo bilaabmeen oo wixii aanu ku heshiinay maamulladii isaga ka horreeyey ee ahaa  in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Arrimahaas ayaanu u sheegnay. Mida kale rag waawayn baanu nahay aniga iyo Cali Khaliif oo isagu [Farmaajo] Labadayadaba wuu naga yar yahay, annagun waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waanu naga qaatay”.

Dhinaca kale  Faysal Wuxuu ka hadlay oo uu ka jwaabay su’aal laga weydiiyey dabaysha isbeddel ee gobolka geeska afrika ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay isaga u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe   ku jawaabay “annagu dabayshaas isbedelka ee geeska afrika ka socota diyaar baanu u nahaye, horta Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya, sidaas uu Madaxweynaha Eritariya yeelay ee uu addis ababa uga furay safaaradda” ayuu yidhi.

 

SHARE
Article horeSomaliland: Maxkamadda Saaxil oo Xukuntay Magafeyaal Tahriibinayey Dhallinyaro
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here