Dablay la Weriyey Inay Aano Daba Socotay Oo  Dil Ka Geysatay Deegaan Koonfur Kaga Quman Ceerigaabo

0
1

 

 

Dilku Waxa Uu Dhacay Xilli Loo Fadhiyo Gogosha Shaqaaqadii Ceel Afweyn

 

 

.

Ceerigaabo (Hubaal) deegaanka Ceeryaan oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo sidoo kalana dhinaca bari kaga beegan tahay Ceel-afweyn ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo wada daga halkaasi.

 

Dagaalkan shalay  subixii qarxay ayaa sababay dhimashada 3-qof ilaa hadda waxaana jira dhaawac laakiinse tiro ahaan la sheegay in uu illaa sideed qof yahay.

Dagaalkan  ayaa udhaxeeya laba ardaa oo abtirsiin ahaan  katirsan beellaha Ceelafwayn heshiis kooda loo fadhiyo  Iyadoo Khilaaf Muddo Soo Jiitamaayey uu Jiro haddana wararka laga helayo ayaa tibaaxaya in dillalkani daba socdeen aanooyin laba bilood ka hor halkaasi ka dhacay.

Masuuliyiinta dawladda oo badankoodu ku sugna deegaannada gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn ayaa iyaguna sheegay in dilalkani aanay la sawrac ahayn dirirta dhexdhexaadinteeda loo fadhiyo Ceel Afweyn,. Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Maxamed Cali.(Gaafaadhi) oo iyagu ku sugnaa shalay magaallada Ceerigaabo aya shacbiga gobolkaasi ku dhaqan ugu baaqay nabada inay ilaashadaan.

SHARE
Article horeDAAWO: Warbixin Laga Diyaariyay 30 Sanno Kadib, Diyaaradihii Hargeysa Duqeeyay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here