Dad Guusha Iyo Guul-darada Somaliland Labadaba Daliilaya, Mucaaridka Ayaa La Hayaaa!! W/Q: Kaamila Cabdi

0
31

Dhamaan umada muslimka ah oo dhan waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka salaam, ka dib waxaaan hambalyo u dirayaa madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyay wada hadaladii jamuuriyada Somaliland  iyo dowlada fadaraalka somaliya u socday ee ay marti galisay dawlada jabuuti.

madaxwaynaha jamuriyada Somaliland waxa ka go’an in uu inta karaankiisa ah uu dalka meel kasta gaadhsiiyo, mucaaridkana waxaan leeyahay ku taageera wanaaga iyo wax-qabadka madaxwaynaha iyo xukumadiisa ee iska daaya dhaliilo aan micno lahayn in aad wakhtiga shacabka kaga lumisaan .

Waxaa ayaan darro ah in maalinta alle soo gooyo ee uu madaxwayne  axmed maxamed maxamuud silanyo uu  guul u soo hooyo dalka sababta ay mucaaridku ay u dhaliilan, waa ayaan darro wayn, waxay ahayd in mucaaridku ku farxaan guulaha  uu dalka gaadho ee ma aha in ay ka xumaadaan oo ay noqdaan, dad ka xun horumarka dalka, mise maaha muwadiniin doonaya in dalka la horumariyo oo qadiyada Somaliland meel kasta lagaadhsiiyo aan rabin.

Wada hadalada waxaan odhan karaa waa guul ay gaadhay Somaliland in ay maanta dhigeeda la fadhiisato oo ay waxay danteeda ah ka soo ridato, madaxwayne waxaan ku leenahay wixii  dalka,dadka iyo indhah caalamka u soo jiidaya Somaliland ku dhaqaaq mucaaridkana dhag ha u dhigin dhaliilahooda, salka iyo raadka toona lahayn ee wixii ay doonaanba iska dhaliiilaya.

Allaa mahad leh

Kamiila Abdi

kamiila.nuura@gmail.com

Sweden Stockholm

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here