HUBAALMEDIA.COM
“Dad Xilal Loo Magacaabay Ayaa Dayn Halkaas Taagan Oo Guryahoodda La Xaraashayaa [Anigana] Waxaad Ka War Haysaan Inaan Wasiir Ahaan Jiray Oo An…….”
July 13, 2017 - Written by Mustafe Faro

 “Meeshaan Anigu Wax Ka Keenni Waayay, Ninka I Weydaarta Wax-Ba Kama Keenayo’e Ogaadda”- Xuseen Axmed Caydiid

 “Nin-Baa Berri Aqal Soo Garaacay, Markaasaa La Yidhi Iska Joog, Markaasuu Yidhi Waar Maanta Waa Buntirsi, Markaa Reer Baligubadloow Aynu Qalab Aruursanno”

xuseen axmed caydiid

Hargaysa(Hubaal):-wasiirkii hore ee  Xuseen Axmed Caydiid oo ka mida   Xisbiga WADDANI ayaa khudbad uu  u jeeddiyay Dadweynaha magaalada Baligubadle ee Xarunta gobolka HAWD, waxa uu sheegay inuu Xisbiga KULMIYE uu uga tagay markii laga hor joogsadday in deegaankiisu ay ka dhex tartamaan Xisbiga KULMIYE, xilligaas oo uu taageersanaa Xil. Kijaandhe oo isagu olole u galay in uu u tartamo murashaxnimada madaxweynaha ee KULMIYE balse markii dembe ka tanaasulay hankiisa siyaasadeed. Sida xalay lagu baahiyey Hadhwanaagnews.com oo aanu warkan kasoox iganay   Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ku dooday isla markaana uu shacabka reer Baligubadle ku booriyay inay isku tashaddaan oo ay Kaadhka doorashadda qaataan  “Waa la sheegay wixii la is farraayay, waxaanse ku darayaa Nin-baa berri aqal soo garaacay, markaasaa la yidhi iska joog, markaasuu yidhi waar maanta waa Buntirsi, markaa waxaan leeyahay reer Baligubadloow maanta waa Buntirsi. Waa la tartamayaa, cod-baa lagu tartamayaa, waxa lagu tartamayaa Murashax soo saaristii ayaa lagu tartamayaa, ciddii ku hoggaamin lahayd ayaa lagu tartamayaa, waxaan leeyahay aynnu u qalab aruursanno taasaa tartan loogu jiraaye.”

Si aynnu ugu hiillinno Murashaxeenna Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waa in aynnu qaadannaa Kaadhka codbixinta, waxaan maqlaayay oo aan Warbaahintanna la soo geliyay dad la baayacay Kaadhadhkoodda, waxaan idin leeyahay taasnna ka feejignaadda, coddowgiinnu wuxuu ku dedaalayaa inuu idinka saarro doorashadda oo dad aan Wakiilladooda dirran idinka dhigo, oo dabadeedna aad noqotaan dad aan qaranka wax-ba ku lahayn, qofkii shallin siista Kaadhkiisa ha ogaaddo waa qof aayihiisa iibiyay oo Mustaqbalkiisii cid kale siiyay  ee ha laga feejignaaddo.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Annagu haddii aynnu Hargaysa joogno iyo haddii aynnu Baligubadle joogno waynu ka simanahay sida halkan (Baligubadle), loogu Biyo la’a yahay ayaa Hargaysanna loogu Biyo la’a yahay,sow taas kama war qabtaan, sidii dalka loo soo galay cid-baa cabaysay, sidii dalka loo soo galay-nna cid-baa Biyo la’aanni haysay, markay sidaas tahay waxa la yidhaahdaa Muumin laba goor god lagama wada qanniino, haddaad cid-ba ku eegto taladdaada, oo aad ka eegto innuu wax kuu qabto, oo aad wixii ka waydo, haddaad mar labaad tidhaahdo waan ugu celinnayaa waa godkii laba jeer ha lagaa qanniino ayay ka dhiggan tahay.”

Mudane, Xuseen Axmed Caydiid waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “Balanteennu waxa weeye in aynnu Xisbigaas WADDANI soo saarno, balankeennu waa in aynnu Horumarka ummadda la qaybsanno, balankeennu waa in aynnu qayrkeen wax la qaybsanno. Kalmad yar oo kale ayaan idin sheegayaa waxaad ka war haysaan inaan Wasiir ahaan jirey oo aan iskaga tagey, waxaan uga tagayna waad garanaysaan. Markii la diidday in deegaankani ka dhex tartammo Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ayaan ka tagay. Ninka ii waydaartay Aniga (Xuseen Axmed Caydiid), garbo diirri Nin daguugan ma waydee inaanu wax-ba ka soo hellayn taasna ogaadda, meeshaan anigu wax ka keenni waayay, wax-ba kama keenayaan ee ogaadda, dad Xilal loo magacaabay ayaa dayn halkaas taagan oo waxay kaga tagaan iyo waxay ugu jiraan mid-nna garan la’a oo guryahoodda la xaraashayaa, saddexdaa bilood markay dhammaadaanna lagaga guurayaa, sidaasaa innoo balan ah ee qof weliba ha gaadh-siiyo dadka aynnu guryaha kaga nimid, halgankaasna aynnu u diyaar garowno.” Ayuu yidhi Mudane, Xuseen Axmed Caydiid

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews