“Dadka Caqliga Leh Iyo Duniduba Way Innala Yaabayaan Oo Haddii Aynu Seexanay Waxay Odhanayaan……”

0
1

W/Q:  Prof Cabdi Cali Jaamac

Waxaan daawaday xalay [habeen hore]  Barnaamij Tv-ga ka baxay oo lagu daahfurayay diiwaangalinta hantida maguurtada ah ee dawladda; waa ceeb innagoo dawlad ahayn 27 sano in aynu soo hambabarro oo nidhaahno maantaan diiwangalinaynaa hanitdii maguurtada ahayd ee dawladda. Dee haddii aynu ka seexanay, hoos u sameeya hawsha oo yaan laga baahin TV-yada; illeyn dadka caqliga leh iyo duniduba way yaabayaan oo waxa la odhanayaa oo maxay qabanyeen muddada intaa le’eg? . Tani waxay tusaale fiican u tahay cashar aynu maalin hore soo qaadanay oo aynu nidhi, haddii la dhisi waayo institutions-ka, waxba ma jirayaan; kan baa ah tusaale fiican, maxaa yeelay 27 sano ka dib, haddii aynaan hayn tiro-koobka hantida dawladda; taasi waa dhaxalka laga helo marka aad dhisan waydo insttitutions, isla markaana aad u taqaan dawladda golaha wasiirada iyo madaxweynahooda (dawladda muuqata), ka dib marka aad meesha ka saarto oo aad korin waydo dawladda aasan (deep state), oo ka bilaabanto Dg-ga; maxaa kuu aasan ee kuu hooseeya? Waxba; waadigaa maanta bilaabaya tirokoobka hantida, adiga oo dawlad aahaa 27 sano!!!!!

Maalin horena waxa la lahaa baabuurta dawladda ayaa la diiwangalinaynaa? Su’aashu waxa weeye oo maba garanayno tirada baabuurteena miyaa, innagoo dawlad ahayn 27 sano?!!!!!

Waxa iyana jirtay mashruuc 10 milyan oo dollar ku baxday oo World Banku innagu caawiyay oo ay soo saxeexeen Sacad Cali Shire iyo Haya’adda shaqaaluhu oo la yidhi shaqaalaha dawladdaa lagu horumarinayaa; illaa immika mashruucaas waxqabadkiisa kale ha inoo joogee waxaynu maqalay shaqaalihii dawladda ayaa la tiro koobay! oo mabaynaan garayn shaqaalaha dawladda innagoo dhisnayn 27 sano, miyaa?!!!!! Kaaga darane lagu lahaa tiradii shaqaaluhu waxay noqotay 14,000; waa hawl aad u yar si loo tirokoobo 14,000 qof, manay ahayn in la inaga caawiyo!!!! ceebay tacaal; waxa ka sii daran waa waxqabad lagu faano!!! hadduu sii go’ay!!!

Talo soo jeedin:

Waar haddii ay jirto in aynu immika hambabaray, dee Tv-yada haka sii daynina, ee hoos u qabta hawsha; maah-maah Somaliyeed baa tidhaa: faro geel jire hoos baa loo dhaqaa; maahmaah kale oo ingiriisi ah ayaa macnaheedu ahaa,haddii dharkaagu aad u uskagoobaan, laguma maydho shaarica!!!! madaxeynahana ha ku sawirina ee kala fogaada!!! Ileyn ceebtu meel innaga tagi mayso’e.

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

SHARE
Article hore“Dhalinyarada Qal-qaalinimmada Ku Jirta & Kuwa Hawlaha Kale Ku Jiraba Waxay Arki Doonnaan Is-bedal Ballaadhan”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here