HUBAALMEDIA.COM
“Dadka In Badan Baa Igu Tidhaahda Markaad Ka Hadlayso Ardayga WHATS APP Waxa Ku Qisha Had Iyo Jeer Waad Ku Talax Tagtaa, Laakiin Waxaan Idiin Sheegayaa….”
June 8, 2017 - Written by Mustafe Faro

Wasiirka WAxbarashada Oo Hargeysa Ka Furay Shirweyne Lagu Dersayo Sidii Loola Dagaallami Lahaa Eegashada Imtixaannaadka Shahaadiga Ah [Qishka]

“Lixdanka Kun Ee Arday Ee Jaamacadaha Innooga Soo Baxay Haddii Aqoonta Ay Soo Barteen Ay Dhab Tahay Innamadan Kiiniyaatiga Ah Dalka Weynu Kasaari Lahayn” – Md. Cabdillaahi-dheere, Wasiirka WITS

+++++

“Dhibka Na Haystaa Waxa Weeye Mar Alla Marka Uu Imtixaanku Farahayaga Ka  Baxo Wuxuu Noqonayaa Casuumad Daboolkii Laga Qaaday Oo Cusbo Iyo Ciid Laga Buuxiyey” – Guddoomiyaha XGIQJSL

wasaaradda waxbarashada

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere) ayaa shalay  magaallada Hargeysa ka furay shirweyne qaran oo lagaga doodayo sidii loogahortegi lahaa habdhaqanka loo yaqaanno Qishka ee ay ardaydu ku sifoobaan xilliyada lagujiro imtixaanka shahaadiga ah kaasi oo wax u dhimaya garaadka ardayga iyo kalsoonida uunaftiisa ku qabo.

Shirweynahan oo hal ku dheg looga dhigay ‘Shirka Dooda qaran ee joojinta iyo la dagaalanka eegashada [Qishka] xilliyada imtixaannadka shahaadiga ah]   oo ay wasaaradda waxbarashadu soo qabanqaabisay ayaa shalay ka qabsoomay hotelka Maansoor ee magaallada Hargeysa.waxaana ka qayb galay badi hawlwadeennada iyo saraakiisha sare ee waxbarashada,aqoonyahannada dalka, macalimiinta iyo barayaasha jaamacadaha iyo haldoor kale.

Ugu horeyn furitaankii shirweynaha waxaa hadallo kooban oo khuseeya ajendaha shirweynaha halkaasi ka jeediyey afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo  bahweyntii kulankaasi uga mahad naqay soo ajibida aysoo ajiibeen shirkan. Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Cabdi Cali Jaamac. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay oo ka warramay sida uu shirweynahan natiijada laga soo saaraa u khusaynayo xafiiskiisa, guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka Md. Daauud Axmed Faarax Bile, isaga oo ku dheeraaday maraaxilkii ay xafiis ahaan soo mareen iyo sida ay dhibtu u taabanayso marka qishka laga hadlayo. “Aniga xusuus gaar ah ayay ii tahay waayo muddo badan baan kaligay ka qaylinayay oo wixii 2009 illaa 2010 ka dembeeyey wuu isa soo tarayay qishku” sidaas ayuu yidhi guddoomiye Daauud Axmed Faarax waxaanu intaa ku daray “ haddii aad ka war haysaan dalalkan jaarka in badan baa imtixaannaadku baxaanhaddana lagu celiyaa, tusaale ahaan dawladda Itoobiya immika imtixaannaadkii bay ku jiraan, inta uu socdana toban maalmood wax internet ahi kama shaqeeyo dalka iyaga oo danaynaya imtixaannaadka”. Guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadku waxaa uu sheegay in ay iyagu saddex bilood ka hor diyaariyeen imtixaannaadkii shahaadiga ahaa ee dhawaan ka bilaabmaya dalka “Immika annaga imtixaannaadkayagii saddex bilood ka hor baanu sii diyaarsanaa suuqna kuma jiro cid hesha iyo cid aragtaana kuma  ma jirto, laakiin dhibka na haystaa waxaa weeye mar alla marka uu imtixaannaadku ka baxo farahayaga ee uu goobaha imtixaannaadka tago. Wuxuu noqonayaa casuumad   daboolnayd oo markii daboolka laga qaaday ciid iyo cusbo laga buuxiyey”. Ayuuyidhi Md. Daauud, waxaanu sheegay in shirkani qorshihiisu noqonayo mid dawo u helaya  dhibkaasi ka haysta imtixaannaadka.

habane

Wasiirka wasaaradda waxbarashada oo isagu shirkaasi furay ayaa isagu geed ka go’an ku tilmaamay in shirkani saldhig u noqon doono sidii looga midho dhalin lahaa hanka iyo himillada qaranku ka leeyahay tacliin tayo leh iyo arday isku kalsoon inay kasoo baxaa gacantooda “run ahaan shirkan xafiiska imtixaanaadka iyo agaasimaha gud baa ka soo shaqeeyey waana mawduuc loo baahan yahay in laga wada hadlo weeye shirkani waana mid muhiim ah” ayuu yidhi wasiir Habanne, waxaanu intaa u daray “waxbarashadu wa aasaaska nolosha oo haddii ay ingga qaloocsanto waxbarashadu dee noloshuna way innaga qaloocsamaysaa, Arday qish ku soo baxay oo Whats App Loogu shaqeeyey oo jaamacadii galay oo jaamacadiina qishay marka aan anigu had iyo jeer ka hadlayo arrintaas dadka in badan baa igu yidhaahda waad ku yara talax tagtaa laakiin waxaan sheegayaa in lixdan kun oo arday oo illaa haddajaamacadaha innooga soo baxay , dee  lixdankaas kun haddii aqoonta ay soo barteen ay dhab tahay innadaman kiiniyaatiga ahi xafiisyada innoomay joogeen oo hay’ad kasta inan kiiniyaati ah baa fadhiyee haddii aqoontaasi dhab tahay waynu la tartami lahayn oo ka saari lahayn dalka” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews