“Dadka Waxa Aannu Uga Digyanaa In Aan Wax Dhisme Fooq Ah Laga Dhisi Karin Ilaa 500m Isku Wareeg Ah Dhismaha Cusub Ee Madaxtooyadda Laga Dhisayo”

0
1

Xukuumada Somaliland Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Dadka Degen Agagaarka dhismaha Madaxtooyada Cusu laga dhisayo

“Runta markaynu ka hadlayno, waxay ahayd dadba inaanu dhul sheegan, laakiin imika Dhul aan beer, ceel iyo dhisme midtoona ahayn bay dadkii leeyihiin annagaa leh, halkaa madaxtoooyadda cusub lafteedu, ay cidlaa bay ahayd, haddana waxa jirtay, dad Illaahay ka sokow dhulkaasi sheeganayay, dawladduna ma aanay daadafayn ee wixii ka galay”

, qofku dhul uu beer ka falay, ceel uu ka qotay, guri ka dhistay ama waxkale ka samaystay, inuu sheegto ayay ahayd, laakiin imika waad aragteen oo dadkii dhulkii iyagaa leh oo Illaahayba uga sokeeya, dawladduna ma farogalisee,

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland iyo Maayarka caasimada Hargeysa ayaa soo saaray Amaro ku saabsan madaxtooyada cusub ee Somaliland looga dhisaayo galbeedka magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Masuulyiintan ayaa sheegay in madaxtooyada cusub dayr keeda aan loo dhawaan Karin 500M isla markaana aan laga ag dhisi Karin wax fooq ah.

Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo shalay shir jaraa’id oo wadajir u qabteen wasiirka hawlaha guud, ayaa bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa, gaar ahaan degmada Koodbuur uga digay in dhsme dabaq ama fooq ah laga dhiso agagaarka dhulka madaxtooyadda cusub laga samaynayo.

“dadka degan agagaarka dhismaha cusub ee madaxtooyadda laga dhisayo, waxa looga digayaa, in ilaa 500m isku wareeg ah aan wax dhisme ah oo fooq ah laga dhisi Karin, waa inay sidaas u ogaadaan dagmada ay khusayso ee Koodbuur iyo dadweynuhuba. Qodobka labaad oo ah; Galbeed wixii ka xiga in dib u nashqadayn cusub lagu samaynayo, in aan wax dhisme oo ka dhici karaa aanu jirin, iyadoo hawlaha guud iyo dawladda hoose ay samaynayaan inay dib u nashqadeeyaan. Waxaan leeyahay dadweynaha in sidaas u la socdaan.” Sidaasi waxa yidhi duqa caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Wasiirka hawlaha guud, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isna geestiisa sheegay inay dib u habayn balaadhan ku samaynayaan waddada gasha madaxtooyadda cusub ee laga waddo Galbeed Caasimada Hargeysa, waxaana uu ka dhawaajiyay inay dhamayn doonaan ka wasaarad ahaan cabshada dad iyagu ka cabanayay waddadaasi la samaynayo, waxanu uu yidhi;

“Waddada madaxtooyadda cusub soo galaysa ee ka imanaysa kaalinta Gaafane, iyada lafteeda waa la hagaajinayaa, hadday wax ka qaloocan yihiina waanu samaynayaa. Waddaasna dad baa ka cabanayay, markaa sida ugu haboon baanu iyada u saxaynaa, sidaas daraadeed dadweynaha degan aagaas, degmada Koodbuur iyo dawladda hoose, waxaanu ogaysiinaynaa, inay sidaasi ula socdaan, wax damboo laga odhanayo oo qabyo ahi ma jiraan.” Ayuu yidhi wasiir Qambi

“dhulka dawladda masuul ka ah, haddana dadweynuhu wixii dhulka ay sheegtaan, dawladdu wuxuun bay u qorshaysaa, wixii dan guud ah way ka goysaa. Waxa aanad moodaa, in dadweynuhu ay dawladda xukumaan, sidaas daraadeedna dhibaato ay xukuumaddu gaysataa way yar tahay, waayo xaqiiqda  markay tahay, waxay ahayd dadba inaanu dhul sheegan, qofku dhul uu beer ka falay, ceel uu ka qotay, guri ka dhistay ama waxkale ka samaystay, inuu sheegto ayay ahayd, laakiin imika waad aragteen oo dadkii dhulkii iyagaa leh oo Illaahayba uga sokeeya, dawladduna ma farogalisee, wixii dan guud ah ee kolba loo goyn karayo uun baa loo gooyaa. Dhul aan beer, ceel iyo dhisme midtoona aan ahayn bay dadkii leeyihiin annagaa leh, halkaa madaxtoooyadda cusub lafteedu, ay bay ahayd, haddana waxa jirtay, dad ka booday oo dhulkaasi Illaahay ka sokow sheeganayay, dawladduna ma aanay daadafayn ee wixii ka galay, feelalkoodiina waa yaalaan, waxaana u balanqaadaynaa, inaanu beddel u samayno oo waxoogu ku dhamaystirmo.” Ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here