“Dadkii Sow Tan Haadkiyo, Haanraawe Boobeen”……..Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
34

“Daarihii burburay shalay,

  Waxa maanta kaga daran,

 Iimaan-darraantiyo,

 Nabaad-guurka Diintiyo,

 Kaga dhacay damiirkoo,

 Dal waxaan ku noolahay,

 Saddexdii dalaaqood,

 Lagu furay dadnimadii,”

Maansada Daba-taxan ee Gaarriye, 5/1/1997kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 21/3/2015ka,

Xukuumaddeenna Kadeed-badan Kacaan-u-eg la-ye waa Kal-ceebeed

“Meyd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido.” Waa odhaah Soomaaliyeed oo hal-hays iska noqotay aadna loo soo xigto. Ma maqasheen beyd ku jiray Maansada Gudgude ee Hadraawi oo ah: “Miyaan Geeddi-baabbuu arladu, gelinba waayaynin.” Ta aynu aragnaaba tii hore ka daran.

 corruption

Maanta dal ahaan iyo dad ahaanba tii oo kale ayaa ina haysata, waxay Xukuumaddeennan Isku-boga Isku-filan meelo badan ka sawaabisa ama ka shaabahdaaba ‘Kadeedkii Oktoobar’ ee aan la mahadin. Faanka iyo tookha waa ay ka siman yihiin. Weliba teenna ayaa baro-dheeraysay. Kadeedkii Oktoobar waxa lagu yaqaannay in ay dabo-gasho cid kasta oo xidhiidh la yeelata qof kasta oo wax ka sheega ama siyaasaddeeda naqdiya. Xukuumaddan ammaan-jecel dhaqankii caynkaas ahaa ayay yeelatay oo dadka dab-gal aan bir-ma-geydo lahayn ayay ku haysaa. Nin aad ii qiimaynayay, aniguna aan aad u qaddariyo oo aannaan beryahaa is-arag ayaa maalin dhaweyd igu yidhi: “In aan ku arko ayaan jeclahay oo haddana aan la isku keen arag.” Ma gacmihii iyo dhabannadii ayaa isku kiin dhegay. Annagii soo halgannay, ayaa ninkii halganka keligi sheegtay sidaa noola dhaqmayaa. Macnihii ereygii shariifka ahaa ee Halgan ayaa la meydhaamay oo immika cid kale sheegataa. Tolow ma erey ay leeyihiin ayay samaysan kari waayeen oo sidaas ayay curinta uga arradan yihiin.

Waxyaabaha kale ee ay ka siman yihiin waxa ka mid ah magacan Siilaanyo ee aad mooddo in uu wardiba u noqday xil-ma-dhaadka dal iyo dadba la ambaday ee xilalka booliga ah ku-ragga ah. Bac dabayshu ood sudhay haddii ay haleelaan oo inta ay ka damqadaan ka gooyaan, TV-yada ayay u yeedhanayaan, markaas ayay odhanayaan: “Maanta bac dabeyli sidato oo ay ood sudhay ayaanu ka goynay, annaga oo ka shidaal-qaadnayna tusmooyinkii iyo tusaalooyinkii Madaxweynaheenna amran ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan, Siilaanyo.” Hadda Macallinkii dalkan beryaha qaar ka talin jiray looma dhaafin jirin Siyaad Barre. Alleylehe ‘Kacaan-u-egtan’ inagu habsatay ayaa baro dheeraysay. Kuwii sidaa ugu wardiyayay ayaa warraaqoodii laga fadhiyi waayay markii uu Ninka weyni warqadda u qoray oo saaxiibnimo iyo waxaan loo fadhiyin ku meeraystay. Hadda annagu lama aannaan yabin annaga oo ilaa 1976kii naqaannay. Xataa xilalkan ragga qaar u ooyayaan annaga ayaa ka codsannay in uu naga qaado oo weliba uga mahad-celinnay.

Intaasi, ha ii noqoto arar dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego. Dufan-jecesha ururtay iyo dibna-leefta tarantay ee doorkan maanta soo baxday aan ku daaddego. Horto nidaamkii aynu ka adkaannay ee burburay ninkii hoggaamin jiray naaneysihii badnaa ee uu lahaa, waxa ka soo hadhay oo keliya Macallinkii. Show innaga ayaan dhaadin e’, boqol ama kuman ayaa ku dabo-jiray oo maalinba mid inagu soo baxayaa.

Wax kale oo dhanba dhiga oo Sabtiilahan aan isku koobno Dufan-jecesha ururtiyo Dibna-leefta tarantay ee doorkan maanta soo baxay, sida aan ka soo dheegtay Deelleeydii Cabdi Iidaan Faarax. Dhaqammadii aan la mahadin ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre waxa ka mid ahaa iyada oo hadba qof qoyskiisa ka mid ah loo xidho il dhaqaale oo uu keligii maalo, dadweynuhuna meel ay joogaanba dhabarka iyo xanjaadka kaga jabaan.

Tusaale nool miyaad doonaysan oo la taaban karo oo maanta ka jira Somaliland? Ma run baa dee? Mise waad kaftamaysaan. Intaa haddii aan dhigay ayay halkan ka soo burqadeen Bah-weyntii Macraddada Baabuurta oo xanaaqa aburka saydhaysa. Ku-ye, noo sheeg tusaale nool oo la taaban karo. Aniguna is-maba dhibin e’ waxaan ku idhi waa kan idinka idin haysta ee loogu wan-qalay Ilaalinta Tayada Baabuurta ee dabinka looga samaystay Dekedda Berbera. Sacabkaa la wada tumay.

‘Kacaan-u-eg’ iyada oo ka shidaal-qaadanaysa duruustii dhaxal-galka ahayd ee Macallinkii weynaa ka tegay, illeyn curin iyo hal-abuur waa ka hungo qaawan e’, ayay hadba faal rogaysaa….hadba baal rogaysaa……hadba taar diraysaa oo leedahay: “Maantana maxaa cusub? Halkeen cuud ka doonnaa?” Waxay hadba aleesha daadisaba oo koobka bunka ah guntiisa daalacataba, waxa u soo baxay in ay qoyska ku naas-nuujiso mashruuc ma-dhalays ah oo la yidhaahdo Xafiiska Ilaalinta Tayada Baabuurta. Ubadkeeda booli-daaqa ahi meel fog ma ay tagaan e’, kambalka ayay hadba mid war-mooge ah ka soo dabtaan. Markanna faalku wuxu qabtay hindi-baaniyaal ama carab-bunjaabi. Adigu mid laga soo qabtay Khaliijkan aan inagaba fogayn. Daasado inta uu soo urursaday ayuu ku leeyahay Baabuurta soo degta ayaan ku eegaynaa hufnaantooda. Oo ka dibna? Dee midkiiba 80 ilaa 100 doollar oo keliya ayuu bixinayaa. Intaa waxay ku daraan marka ay iidhehda samaynayaan: “Waa qiime aan ku eryayn.” Dab liqaanu idin nidhi.

Madaxweynuhu iyo Xukuumaddiisuba waxay ka dheregsan yihiin in aanu dalkaba iman oo aanu dekeddaba ka soo degin baabuur cusubi. Xeerkii Gaadiidka ee Golaha Wakiilladu oggolaaday wuxu qorayaa in la maro dhinaca midigta, shukaantuna bidixda ku taallo. Haddii aanay baabuur cusubiba inoo soo degin, maxaynu tayadoda eegaynaa? Dawlad iyo dadweyne cidina baabuur cusub lama soo degto. Malaha wax cusub Hay’adaha oo keliya ayaa soo iibsada. Iimaan-la’aantooda baabuurtaa gacan-labaadkii ah ayay mishiinno tayadooda baadha ula soo degayaan. Hay’addaa dhami Xeer iyo Xaagaan ay ku fadhidaa ama ku dhisan tahay ma jirto oo aan ahayn, dabinka Wasaaradda Hawlaha Guud ee shir-qoollada caynkan ah saldhigga u ah. Waa boob cad oo aan geedna loogu soo gabban. Waa dhac iyo boob aan garowshiiyo lahayn, oo tusaale nool u ah rajo-xumida Xukuumaddeennan aan sidii ayaxa waxba hanbaynayn.

La-ye tayada baabuurta ayaa la eegayaa. Tafantoof idin dil oo tagoogaha ka jaba. Maxay kaga tageen dalkii sow kuwaa feentay ee lafihiina dhuuxay ma aha. Ma wax baa u hadhay! Hadba mid ay noolaynayso oo qoyska ah ayay meel u xidhaa. Ma tigidh baasaboor lagu dhejiyaa! Ma qandaraasyada madarrada ee naas-nuujinta loo bixiyaa! Ma liisannada soo socda ee qoyska qaar ka mid ah lagu xoolaynayaa! Dee wada uun ilaa inta aad ka daalaysaan, ma cid baa idin ku qabsanaysa.

Maanso la yidhaado Seetadii oo Timacadde lahaa ayaa waxa ku jira beyd odhanaya: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay dumiyaan.” Wuxu ka hadlayay gumeysigii Afrika barriinsaday. Aniguna maanta waxaan odhan lahaa: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay sarrifaan.” Waa Xukuumaddeenna ‘Kacaan-u-eg’ oo habeen oo dhan toosh la meeraysanaysa si ay u hesho baloodh yar oo la iibiyo. Aan ku soo xidho tuduc uu Timacadde lahaa oo ku saabsan sida dhulka loo dhisho ee loo dhaxal-wareejiyo isaga oo ka hadlayay maamulladii rayidka ahaa, waxaanu yidhi:

“Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

 Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,

 Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay,”

 Timacadde, berigaa wuxu dhaaday ama dareemayba in Soomaalinnimadii la iibsaday isaga oo garan la’aa qiimaha la siistay. Hadda taa teedii ayaynu taagan nahay oo waxaynu la dheygagsannahay Somalilandnimadii waxan la dhaafsaday inta uu qiime ahaan joogo. Hadda in la iibsaday caad inagama saarna oo waa tan xaalba noqday naas-nuujinta, bal se ilaa maanta qiimaha ayaynaan garanayn.

 Aan kaga baxo: “Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax  isu geygeyso.” Waa beyd Gudgude ku jiray.

 Dhammaad, waa inoo Sabtida dambe, haddii Eebbe idmo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here