HUBAALMEDIA.COM
Dadku Sheeko Kalle Daa!!!!! Qalinkii: Mustafa Sh. Cumar Macalin Geedi
June 18, 2017 - Written by Mustafe Faro

 “Markii Weysaaqu Ka Dhacay Muqdisho, Ayaa Qasaawasalankii   Hafiyay Xadiyo, Waxaana Isu Ekaaday Kurdaddii Ay Xidhnayd Oo Ka Weynaatay Iyo Jidhkeedii Maarka U Dhashay Haatanse   Duruuftu Rinji Madow Marisay”

Xaddiyo waxa da’deedu baarka ka goysay 30 sanaddood. Mudaddaa nolosheedu soo taxneyd inta maalmood ee dareen faraxdeed wajigeeda laga dheehday-ba waa ay tirsan-yihiin. Sababtuna waa wehel la’aan bariinsatay iyo asal ahaan tarankeedu meesha uu ku arrooro oo ay garan la’ayd todobaadkan ka hor. Sanadihii hore ee nolosheeda, 1987-kii aan idhaahdo’e, ayaa Abaheed ka mid-noqday boqolaal rag ah oo goor habeenimo laga ururiyay guryahoodii. waa magaaladda Muqdisho xaafado ka mid ahe garro, Islamarkaana dib raq iyo ruux wax sheegaya ninkaas lama arrag. Sidoo kale, hooyadeed billo ka dib marka aabeheed lala guddayo ayaa xaqii u yimi oo ay geeriyootay, Xadiyo ayaan-daran xiligu kaday oo dhiban iyo qumayo reerka ba’iisa habeen darran u dhalatay mid loo arkay-ba, waxay noqotay Laba Jir kaligeed ah oo aan ehel loo geeyo iyo cid korinteeda lagu haleeyo mid-na loo aqoon. Haweenkii xaafaddaha jaarka la ah guriga Xaddiyo ku kaliyaysatay midkood ayaa todobaadkii tacsida hooyadeed  lagu jiray isku xilqaantay oo  haysay Ilmahan yar, maadaama qayska inantan yar dhalay ee iska daba-tagay ay gurrigan muddo kooban ku jireen waxa dariskii ku adkaatay inay aqoonsadaan ama hellaan ehelkii iyo qaraabadii reerkan Xadiyo ka tagay si ay ugu geeyaan xogta qoyskaa daaha loo rogay, islamarkaana ugu dhiibaan inanta yar ee ka hadhay. Sidaa darteed, markii danbe waxa xaafadihii dariska ahaa go’aansadeen in la geeyo xeryaha dawladu ubaddka ku koriso,

Dhacdooyinkan oo dhan dan kama laha Xaddiyo, taasina waa garteed oo waa dhalaan dareenkii tabaalaha haysta is weydiin lahaa ka madhan. Ogaal la’aantaase kumma sii jirin, waqtigaasina ma noqon xiligii ugu danbeeyay ee duruufo kalli-nimo hadheeyaan nolosheedda, laakiin sanaddo ka dib waxa burburtay dawladii gacanta loo geliyay ee korinteeda lagu haleeyay.  Waa 1991-kii, waa sanadkii shanaad ee ay tirsato, hadda ayuunbay kala baratay magacyadda carruurta ay la joogto iyo kuwa ay yihiin, waxay dareentay inay ka duwan-tahay Ubadka kale ee guryaha qoysasku caadiyan ugu dhaqan-yihiin ka soo toosay, laakiin taasi lur kumma hayso, waayo waxa loo sheegay in ay yihiin ubaxii Kacaanka, wax intaa dhaafsana iyana isma weydiin karrto cid kalana kuma wargelin oo umma bisla, waxa xiisaynaysaa ciyaaraha ay la waddaagto caruurta ay xaradda ku wadda jiraan oo lagu wacdiyo inay ehel iyo aqrababa isu yihiin, laakiin taasi ma dhaqi karrto ilmo ku nool deegaan Af-soomaali lagaga haddlo, magaaladii camirayd shalay ayaa maanta colku is weydaaranayaa, caasimaddii dalka ayaa isu rogaysa xaruntii Tuuga iyo Dilaaga.

h_6Reero iyo Beello ayaa loo kala baxayaa, markaa Xaddiyo haddii aanay hellin reer ay ku faysho, waxa kala goosanaya dugaaga is weydaaranaya ee maryaha ay xidhan-yihiin uun Aadamaha ka shabaha dhaqan ahaanse ka jiitay.   Waa tii ku dhacday, waa tii magaaladdii Muqdisho Madfaca, Rasaasta iyo qiiqu cadceedda ka qariyay xiligii maalinimo, Habeenkiina Taraysadda iyo Ololku gudcurkii u rogay Iftiinka.

Waxa jirta murti tidhaahda, ‘Ayax Tag eelse reeb, sidaa darteed,’ astaamaha xusuusta dabka ku sii afuufa ee laga dhaxlay nidaam liitay oo tagay, waa soo bixi doonaan maalin walba. Saacad kastana waxaa dhici karrta inay inaga hor muuqdaan oo aynu indhaha saaro ama dhagta ka maqalo foolxumo lagu garrto nimaadkii midabayn jiray ee Siyaad Barre hormoodka ka ahaa. Haa. Dhibaatooyinku illaa hadda waa socdaan, dhacdooyinkaa hore ka sokowna Eelka uu dhigay iyo gunaadyadda ku qarxaya waqtiga ee marka xiligiisu buuxsamo sida Miinadda saacaddaha loo qabto mar kali ah dayaankiisa la wadda maqlayaa ma dhawa. Welli dadbaan la axmin intii ay ka tageena war ka hayn, dhacdada Gabadhanina waxay ka mid ahayd mudooyinkan ka hor xaaladdo badan oo qaar inaga mid ahi la darisyihiin, balse aan weli duruufihii ay ku soo shaacbaxayeen u bislaan. La arrkee in la is weydiiyo, maxaa gabadh yar iyo dawladd iska galay, jawaabta oo kooban ka sokow dilka Xaddiyo Aabeheed, waxa iska galay haddii nimaadka ummadu ku heshiisay sidiisa u dhisan-yahay oo aan qof ama kooxi iskeed u maroorsan waxa ku asturraanaya in baddan oo aan awoodin inay waajahaan qaska iyo qalalaasaha ka dhasha kalli tooxsiga.

Sanadkan ayay Xadiyo intii u xigtay la kullantay, ka dib sanaddo badan oo silic iyo saxariir ah.

Haddii dib loo milicsaddo xusuusaha ku dhereran Taariikhda Xaddiyo laga gayoon mayo. Sababo badan dartoodna loo wadda shaacin maayo. Laakiin, haddii aynu tusaalayaal ka soo qaadano, tan iyo maalintii xarrunta xanaaneynta Ubaddka ee Muqdisho ay ugu soo gashay Balaayaddii Soomaaliya oo dhan hadhaysay dhamaadkii qarnigii tagay (1991), illaa maanta waxay la deris ahayd xaaladdo aanay maareyntooda awood u lahayn.

Maalintii hooyaddeed laba jirka ku dhimatay dad baaba jiray la jaar ahaa, laakiin maalmahaa dawladu burburtay waa ka duwanaayeen waqtigaa hore ee ay soo martay. Waayo, qoys walba waxa culays ku ah intii ay dhaleen ama u dhaweyd oo ay tamar iyo taagba u la’yihiin, dhalashadoodiina qoomameynayaan. Dadbaa ubaddkoodii oo ka baxay gurriga intii ay soo laabanayeen sugi karri waayay oo intii gacanta ugu jirtay uun la qaxay. Maxaad u malayn Gabadh-yar oo agoon ah oo aan ehelkeed aqoon. Siduu doonaba xaalkeedu ha ahaado, waa caruur Xaddiyo waqtigaa, waxayna u haysataa waxan dhacaya ciyaar (xaraabe) iyo ruwaayad dayaanka madaafiica lagu xoojinayo, waxase ugu darran marka gaajo halleesho oo aanay helli karrin ciirsi ay u cabato.

Markii weysaaqu ka dhacay Muqdisho, ayay ka baxday xarruntii ay ku jirtay. Haa qasaawasalankii ayaa hafiyay, markii caruur baddan oo ay taqaaney laga kaxeeyay xaruntii ay ku noolaydna waa ay iska dabayl raacday, haddba jidadka aafeysan dhan ha u raacdo, haddba mawjado qaxootiya oo dhan ay u socdaan iyaga laftoodu garaneyn ha iska daba-gasho. Ruux ishu qabanayso maaha waagaas, dhawrkii habeen ee horeba dhayladdii caruurnimo waa ka dhacday, xaqiiqdii dhibtaa toos u taabatay, laakiin marka ay caloosha wax ay u cunto hesho haddana waa dhalaan iyo caadkeede waa hilmaamaysaa Bellaayadda dhacaysa. Kurdaddii ay xidhnayd Xaddiyo oo ka weynaatey iyo jidhkeedii maarka u dhashay haatanse madoobaaday ayaa isu ekaaday oo duruufto rinji madow ah marisay.

Ma garan karrto hallista nafteeda ugu sugan jidadkan ay rassaasta raacaysa isku weydaaranayaan. Ma saadaalin karrto waxa dhacaya doorka ay ku leeyihiin nolosheedda guud ahaan.

Markii ay todobaadyo qaabkan ka’kan u nooleyd ee ay talax gabtay, ayaa dadku isku mid ma aha, waayaha addag ayaana lagu kala baxaaye, waxa Ilaahay u bixiyay Hooyo da’ ah oo gurri lagaga tagay.

Waa xaajiyo Nuurto haweenayda yarta dalanbaabiga ahi nafta kula soo eeratay. Mudadii Xaddiyo mushkiladdan kala guurka ah ku jirtay, haddba meeshii ay bini’aadmi ku aragto ayay is geynaysay maalintana sidaas oo kale ayay dhaq-dhaqaaqa haweenaydan duqda ah ugu soo hiratay.

Xaddiyo,  ruux raashin-yar siiya mooyee intii hore ee ay dad la soo kullantay qof u jiidh dabca oo qowleysatadda meeraysa ka hooya may arrag Nuurtaasi noqotay qofkii koowaad ee yartan shanjirka ah ee daranyaddu 3-jirka le’ekaysiisay boga geliya.

Hooyo Nuurto, lafteeda dhibaatadda Magaaladda ka aloosan ayaa siyaabo kalla duwan u taabatey, ugu yaraana affar jeer ayaa tirraba gurigeeda rasaas seeraaro (habow) ahi ku soo dhacday, waxasse ugu darraa Madfac qayb-dhan oo gurrigaas ka mid ahaa qabuuro u ekaysiiyay, sidaasoo ay tahay Nuurto waxa ay ku niyad san-tahay in Xaaladduhu ku socdaan Qoraal Eebe, Islamarkaana mar uun laga bixi doono mushkillada Intii nolol ku gaadhaana arrki doonto nabad.

Gurrigan dumay qaybaha ka hadhay oo aad u liita qaab ahaan ruux baahanse dan u ah ayay Nuurto ku soo dhaweysay Xaddiyo. Ka sokow dareenka Waalidnimo ee Nuurto ku abuuran, waxay u baahan-tahay Xaajiyadu ruux yar oo Waysadda u soo biyeeya. Taasna Xaddiyo waa ugu filaatay, hallkan ayay bogog cusub oo Taariikhda nolosha is bed-bedelka badan ee Xaddiyo ahi ka bilaabmaysaa illaa ay ku qaangaadhay.

Haddii ay heshay wehel iyo waayeel iska xilsaara korinteeda, ma u fuddudahay dhoolacadeyntu Xaddiyo. Xaasha, dagaaladda marka laga yimaado, sanad kasta oo ku kordha da’deeda waxa ku sii siyaadaya walbahaarka. Waxay dareemaysaa culays aanay sababtiisa garaneyn, waxay ku eedaysantahay danbi aanay gellin oo ah Wecelad aan ablahayn, caruurta da’deeda ah ayaana ugu darran oo afxumo joogta ah iyo quudhsi ku bahdilay. Dadka waaweyn laftoodu dhagaha ugama du’waan af-lagaaddada dhaawacyadda xun gaadhsiiyay koritaankeeda nafsi ahaan iyo jidh ahaanba.

Mar haddii dhaqan ahaan Soomaalidu ku xuntahay qaabilaada ruuxa ay u aqoonsadaan qof qalaad oo billaa Isir Ah, Islamarkaana taasi gayaysiisay Xaddiyo inay isu arragto qof aan xaq u lahayn inay noolaataba, waxay ku khasbanaatay baadi-doonka cidii ay ahayd.

Maalin-maalmaha ka mid ah ayay dib ugu laabatay Xaruntii ay dhawrka sanadood ku soo noolayd ee Caruurta agoogta ah, waxa dib loo baadhay diiwaan-kii magacyadda ubaddkan oo laga helay raad-raaca ciddii keentay Xerradda. Waxay raacdday tilmaantii gurriga waalidkeed lagu sheegay iyo Jaarkii ka soo qaaday, waxay markaa ka dib ogaatay in aanay ahayn sidda la moodayo ee ay jirto cidd si hufan uga masuul ahayd dhalashadeeda. waxay baafin la daba-gashay magacyaddii lagu taxay Abtirsiinteeda oo markii koowaad ay dhawr oday ka heshay. Dareen ahaan tibaaxda taariikheed ee ay heshay wax badan ayay ka dajiyeen gubtaanyaddii caloosheeda walaaqeysay.

Todobaadyaddii aynu soo dhaafney oo Xaddiyo 30-sanaddood Baarka ka geysay ayaa loogu wanqalay mar kale Hargeysa oo ay ku guulaysatay inay indhaha saarto xigaalkeed, laakiin muddadaa wixii ka horeeyay waxay dugsi waxbarasho iyo wiil guursadaba ku weyday dafiraadda Jiritaankeedda Xaqiiqdda ah.

Maxaynu caruurteena Ciilka iyo collaada ugu abuuraynaa Bullshooy.?

Maxaynu ugu damqan la’anahay dib-jirkan duruufaha addag la nool ee dillku u dheer-yahay?

Ma waxaynu ku eegaynaa Hay’addahan boqolka calan iyo baabuurta quruxda badan ee dhalanteedka ah ku suntadday magaca dhalaanka dayacan ee darbi-jiifka ah,? Ilaahay waa danbi dhaafe, Daryeelka Ubadkana inaga ayuu ina saraye dullmiga aynu ka dhawro Ubadka.

FG: Haddii aad doonayso inaad arragti ama faallo amuurtan la xidhiidha u gudbiso qoraha waxaad kala xidhiidhi karrtaa. Ciwaankamustafa@gmail.com

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews