HUBAALMEDIA.COM
Dagaal Gaalkacyo Ku Dhexmaray Puntland Iyo Galmudug
October 7, 2016 - Written by admin

gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka uu dagaal ka qarxay dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidammo la sheegay in ay kala taabacsan yihiin Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa inta badan ka dhacay duleedka magaalada, iyadoo dhawaaqa rasaastana laga maqlayay xaafaddaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo saacdo socday balse hadda istaagay ayaan la kala caddeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale, ma cadda sida uu ku billowday dagaalkan iyo waxa sababay balse labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu rasasata billaabay.

Puntland ayaa ku doodday in ciidammo ka tirsan Galmudug ay soo weerareen meel laga dhisayo maxjarka xoolaha ee magaalada Gaalkacyo. Balse Duqa magaalada Gaalkacyo ee mamulka Glamudug, Xirsi Yusuf Bare Ayaa BBC-da u sheegay in Puntland ay dagaalku billowday, ciidammo dheeraad ahna geysay galbeedka Gaalkacyo.

Xirsi wuxuu intaasi ku daray in dedaal lagu doonayay in khilaafka ku saabsan lahaanshaha dhulka laga dhisayo maxjarka ay diiday Punland oo door biday buu yiri inay isku dayaan inay xoog ku qaataan dhulkaasi.

Xiisadda labada maamul ayaa meel xun gaartay bishii la soo dhaafay ka dib markii Maraykanka uu duqeeyay xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 22 ka mid ah ciidammadooda. Waxayna Galmudug ku eedaysay Puntland inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Marykanka ayaa ku adkeysanaya in weerarkaasi uu ku dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

xigasho: bbcsomali

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews