Dagaal Iyo Wada-Hadal Meel Wada Galaan, Maxaase Sal U Ah Wada-Xaajood U Furma Laba Dhinac?

0
1

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Hadday Heshiisyo Hordhaca Ka Wada Gaadhaan Khilaafka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaaliya Ma Aqbali Doonaan Maamul Goboleedyada Somaaliya??

Ma Qaban Karaa Oo Ma U Taliyaa Madaxweyne Farmaajo Maamul Goboleedyada Somaaliya Oo Ma Haystaa Awood Uu Kaga Hor-Joogsan Karo Gefafkooda Xagga Siyaasadda Sida Gardarrooyinka Iyo Weerarrada Ay Ku Hayaan Maleeshiyaadka Puntland Gudaha Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland Si Wada-Hadalladu U Furmaa?

Qore:- A. A. Omar[Wayab]

 

Saddexdan su’aalood ee ku xusan xagga sare waxan isku dayayaa inaan jawaabahooda  si  kooban idiinku soo ururriyo qoraalkan, maadaama la hadal hayo in dhawaan fool ka fool mar labaad isku soo horfadhiistaan Madaxda Somaliland iyo Somaaliya. Geesta kale  maqaam kastaa waxa uu leeyahay waxyaabo lama dhaafaan u ah ama aasaasi u ah  hadduu yahay mid Aroos, Tacsi, Dagaal, Dood, Ciyaar, Marti-soor, Wada xaajood IWM.

Haddaan ku horreeyo su’aasha kowaad ee ah dagaal iyo wada-hadal meel wada galaan, maxaase sal u ah wada-xaajood u furma laba dhinac? Wada-hadalku waxa uu ka mid yahay arrimaha diblomaasiyadda loo adeegsado, waxayna u baahan tahay hawl badan iyo dhaqdhaqaaqyo dhinaca diblomaasiyadda ah oo labada geesood layskaga dab-qaado, si layskugu soo dhaweeyo labada dhinac, loona helo qodobo laga duulo oo heshiis ku yihiin labada geesood, isla markaana gun-dhig u noqda in hal miis laysku soo horfadhiisto oo lagu wada hadlo.

Qodobka ugu muhiimsan ee ka jawaabaya su’aasha ugu horreysa ee qormadan, waa in marka hore uu diyaar yahay jawigii ay suurtagal ku noqon lahayd, in labada geesood isa soo horfadhiistaan oo ka wada-hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, waxana kow ka ah in la joojiyo wixii gulufyo dagaal ah ee u dhaxeeya labada dhinac ka hor inta aanu wax wada-xaajood ahi dhexmarin labada dhinac, qodobkan la’aantiina suurtagal maaha wada-xaajood laba dhinac ahi.

Haddaba, waxa heshiiskii hore ahaa, in loo wada-hadlo sidii xuduudahoodu kala ahaayeen labadii dal ee xorriyaddooda ka kala qaatay dalalka Biriteyn iyo Talyaaniga ka hor intii aanay iskood isku raacin 1dii July 1960kii. Markay sidaa tahay, waxa lagama maarmaan ah in marka hore Madaxweyne Farmaajo laga helo inuu dhankiisa[Somaaliya] ka joojiyo dagaallada iyo weerarrada xadgudubka ah ee uu ka wado gudaha Somaliland, taas markuu fuliyo ayaa fure u noqoneysa in wada-xaajood u bilaabmo Somaliland iyo Somaaliya.

Sidoo kale tallaabadaasi hadday ka hirgasho dhinaca Farmaajo ee Somaaliya, laba xaajo oo hadda mugdi ku jiro ayaa si cad usoo baxaya oo  midka hore uu yahay ka dhab ahaanshaha Somaaliya ee xagga doonista wada-hadallada oo hadda la aaminsan yahay in aanay daacad ka ahayn iyo ta labaad oo ah, in la rumeysan karo in Madaxweyne Farmaajo go’aankiisu ka soconayo Maamul Goboleedyada oo iyagana shaki weyni ku jiro hadda in heshiisyada uu cid kale la soo galaa ka dhaqan geli karaan Maamul Goboleedyada ama uu ka noqo odhan karo amar uu hore u siiyey Maamullada sida kan dagaalka ee hadda Puntland ku xiiqday.

Geesta kale waxa ay fulinta arrintani jawaab lagu qanci karo u noqon kartaa su’aasha saddexaad ee mawduucan, inkastoo ay aad u adagtay in dikreetooyinka Farmaajo ka dhaqan geli karaan Maamul Goboleedyada siiba Puntland oo isku dhigta baar-qabka Maamullada kale oo dhan. Haddaba hadduu tahli kari  waayo fulinta tallaabada furaha u ah in la wada-hadlo oo ah joojinta dagaalka,inaan markaa wax wada hadal ah oo labada dhinac u bilaabmi karaan jirin.

Mida kale  doodda Puntland ee ah in lagu daro wada-xaajoodka Somaliland iyo Somaaliya, waxa ay iftiimineysaa in aanu Farmaajo kelidii heshiis la gaadhi Karin Somaliland, sidoo kalea marka si qoto dheer wax loo darso, waxa meesha kasoo baxaya in labadii dal ee 1dii July 1960kii iskood isku raacay ee wax isku darsaday la baxeen magac cusub oo ahaa Jamhuuriyadda Somaaliya, maanta magacii ma jiro oo ciddii Somaliland wax ku darsatay way ka baxday meeshii, dawlad dhexe oo Somaliland la xisaabtantaa ma jirto oo iyagii ayaaba la kala baxay wixii isugu jiray oo mid walba gaar u calaamadsaday Maamul-goboleed u gaar ah oo leh Madaxweyne, Baarlaman iyo Ciidan, markaa cidda go’aanka kama dembeysta leh ee Somaliland la hadlaysaa ma Farmaajaa mise waa Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada oo isku dhan?

Waxa ay ila tahay inaan meel cidlo ah ku daalin ee marka hore cid kasta oo ina dhexdhexaadineysaa marka hore si cad markhaati uga noqoto cidda wada-hadalka rasmi ahaan uga mas’uulka dhinaca Somaaliya, sidoo kalena waa in Somaaliya wada hadalka ka hor  ay cid kasta oo wax dhexdhexaadineysaa ku cadaadisaa inay dhinacooda ka joojiyaan dagaalka af iyo adinka ah ee ay ku hayaan Somaliland, isla markaana ku ekaadaan xuduudaha la aqoonsanyahay ee Somaaliya lahayd ka hor israacii.

SHARE
Article horeMasuuliyiinta wasaaradda waxbarashada oo manhajka dawliga ah gaadhsiisay dugsiyada Buuhoodle
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here