Dagaal Maanta Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
1

Tukaraq(Hubaal) ciidamada somaliland ee ku sugan jiida hore ee deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool  ayaa maanta barqadii waxa weerer gaadmo ah ku soo qaaday ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolleedka  Puntland.

Ciidamadaas weerarka gaadmadda ah ku soo qaaday Ciidamada Somaliland ayaa kala kulmay iska caabin xoogan, sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo si dhaw ula socday gaadmadaas ay Ciidanka Maamul Gobolleedka Puntland ku soo qaadeen ayaa noo sheegay in aanay dhinaca ciidanka somaliland wax khasaaro ahi soo gaadhin.

Waxa ay wararku sheegayaan in Ciidankii weerarka soo qaaday laga gubay hal gaadhi oo tikniko ah iyo lagana dilay hal askari ka tirsanaa.

Waxa bilihii ugu dambeyeey isa soo tarayey dhaqdhaaqyo ay  Ciidanka Maamul Gobolleedka Puntland ay si gaadmo ah ka wadeen deegaanka Tukaraq ee Ciidanka Somaliland fadhiisimada u ah, taas oo ay dhawr jeer ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Ciidanka Somaliland.

Dagaalkani waxa uu ku soo beegmayaa wakhti ay somaliland ku jirto diyaar garawga Xuska maalinta Qaranimaddeedi ay la soo noqotay.

Wixii ka soo kordha dagaalkaas kala soco HUBAALMEDIA.NET

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here