Dahabshiil Oo Fursado Maal-galineed U Soo Bandhigay Shaqaalaha Dawladda Ee Mushaharka Ku Isticmaala Adeega Edahab Iyo Simcard-ka Somtel

0
3

Hargeysa (Hubaal) Shirkada Dahabshiil Group oo ka qeyb ahayd Xaflada Daahfurka Adeega eShiling oo ah adeeg uu soo bandhigay Baanka Dhexe ee Somaliland oo shaqaalaha Dowadda u suurtogalinaya inay mushaharkooda ku qaataan Simcard-ka Somtel iyo adeega eDahab. Waxaana Shirkada Dahabshiil Group ay Shaqaalaha Dowlada ee isticmaala adeegyada Somtel & eDahab ay u soo bandhigtay nidaam ay ku heli karaan Adeegyadda Maal-galineed ee Shirkadaha Dahabshiil iyo sidoo kale Mobile Smart Phone ah nooca Shirkadda Samsung kuwoodii ugu danbeeyay.

Fursadan dahabiga ayaa u saamaxaysa Shaqaalaha kala duwan ee Dowadda Somaliland ee lambarkooda Somel iyo adeega eDahab ku isticmaala Mushaharka Dowladda kuna xidha Xisaabahooda Baanka Dhexe inay heli karaan Mobile casriya oo wata Somtel 4G Internet Data + ku hadal aan xadi lahayn (unlimmited calls) taas oo ay shaqaaluhu ku bixin karaan hafto ahaan muddo sannad ah ama 12 Billood, Bill walbana laga jarayo mushaharkooda lacag kooban oo aan culays ku noqonayn qofka shaqaalaha ah.

Maareeye Kuxigeenka Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mudane Cabdirahman Cali Cbdi oo madashii daahfurka adeega eShiling kaga dhawaaqay fursadan dahabiga ayaa yidhi:

Maareeye-ku-xigeenka guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Iyo Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland oo Saxeexaya Mashruuc shirkaddu Ku Maalgalinayso Shaqaalaha Dawladda ee Adeega eDahab Mushaharka ku qaata

“Anaga Dahabshiil ahaan ama Somtel ahaan door weyn baanu ka qaadanay inuu hirgalo adeegan eShiling anagoo og faa’iidada uu adeegani u leeyahay wadanka iyo Shaqaalahaba, aad iyo aad baanu u dhiirigalinay wakhti badan iyo juhdi badan ayaanu galinay sidii uu u hirgali lahaa system-kani, imikana waxaanu rajaynaynaa inuu hirgalo oo ay aad uga faa’idaystaan shaqaalaha Dowladdu”.

Sidoo kale Maareeye ku xigeenka Guud ee Dahabshiil group Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi wuxuu sheegay in arrintani suurto-galinayso in shaqaalaha Dowaddu ay ka faa’iidaysan karaan Maalgelinaha Dahabshil Bank iyo Maalgelinaga yaryar (MicroFinance) ee Shirkadda Dahabshiil bixiso, iyada oo qofka shaqaalaha dowladda ah ee doonaya in la siiyo maalgelin ay caddayn u noqonayso dakhligiisa dhaqdhaqaaqa Xisaabtiisa eDahab iyo Simcard-ka Somtel oo marka la arko dakhliga soo gala bill walba iyo mushaharkiisa uu jaanis u heli karo in ay Shirkaddu siiso maalgelinta uu soo dalbaday.

SHARE
Article horeMadaxweynuhu Awood Sharci Ma U Leeyahay Kala Dirista Komishanka?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here