“Dal Kale Oo Soomaaliyeed Oo Dunida Laga Aqoonsan Yahay Guul Weyn Ayay U Tahay Ummadda Soomaaliyeed”

0
1

Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo Aqoonsi Ay Somaliland Ka Hesho Caalamka Ku Macneeyay Guul Ummadda Soomaaliyeed Usoo Hoyatay

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa si weyn u taageeray aqoonsi ay somaliland ka hesho caalamka. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggaga uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter waxa uu ku sheegay in dadka soomaalida ah ay guul u tahay in la aqoonsado somaliland, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-

“Walaaleheen Somaliland inay dunida la macaamilaan kana helaan aqoonsi aad baannu ugu faraxsanahay, dal kale oo somaliyeed oo dunida laga aqoonsan yahay Guul weyn ayay u tahay umada somaliyeed”

Xafiiska madaxweynaha

Somali State

Mustafe Mohumed Omer

(mustafe cagjar)

SHARE
Article horeMaamulka Heer Gobol iYO Degmo ee Sool Maxay Ka Yidhaahdeen Safarka Madaxweynaha ee Dalka Gini?.
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here