Dalays ‘Ileyskii’ Fanka Soomaaliyeed Oo Ifka Ka Hoyatay

0
78

Fanaanadii Soomaaliyeed Faadumo Cabdullaahi Dalays ayaa ku geeriyootay dalka Canada kadib muddo ay xanuun la jiiftay.

Khadiijo oo lagu garan ogyahay Dalays oo ahaa magaceeduu kalkoolinta fanka ayaa ka mid ahayd hobaladii Waaberi kuwii ugu caansanaa, waxayna taariikhda ku gashay in ay ahayd haweenaydii ugu horeysay oo hees qaada gobolada Koonfureed, halka Waqooyiga ay kaga horeysay Guduudo Carwo.

Waa xiddigii labaad oo ka baxa fanka soojireenka ee Soomaaliyeed muddo bilo gudahood ah, iyada oo muddo dhow ay geeriyootay Fanaanadii Guduudo Carwo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Dalays, waxaana tacsida madaxda lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

 

Dalays waxaa aad loogu xusuustaa heestii looga soo horjeeday midabtakoorkii dalalka Afrikada Koonfureed, ee ‘Midab gumeysi diida’ taas oo la qaaday sanadii 1970yeedii, waxayna la qaaday Cabdi Bacalwaan, halka uu heesta Alifay Abwaan Singub.

Xigasho: bbc Somali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here