Daraasad Sharci oo lagu falanqaynayo Aasaasida Shirkada Maalgalinta ee Somaliland [Somaliland Investment Company Ltd] ee Dowlada Somaliland aasaastay.

0
180

Akhri: Daraasaddan Sharci Oo Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan Ku Falanqeeyey Sababaha Loo Cuskaday Shirkaddan Ay Dawladda Somaliland U Aasaastay…Waxa Diyaariyey: Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan.

 

Daraasadan sharci waxaan ku falanaqaynayaa Asaasida Shirkada Maalgalinta ee Somaliland [Somaliland Investment Company] ee ay Dowlada Somaliland sheegtay in ay si rasmi ah uga furtay Dalka Imaraadka 08/02/2018, lagana diwaan-geliyey Suuqa Ganacsi ee Caalamiga ah ee Dubai, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay Shirkada Qaranku leeyahay saamiyadeeda 100%. Hadal-haynta shirkadan cusub oo warbaahinta wadanka guud ahaan ay aad uga hadashay, iyadoo xisbiyada mucaaridkuna sharci darro ku tilmaameen aasaasida shirkadan, halkan xubno golaha wasiirada ka mid ahina ay si adag u difaaceen aasaasida shirkadan.

Hadaba, si aynu jawaab sharciga waafaqsan ugu helno su’aashan ah aasaasida shirkadani miyey sharciga dalka waafaqsan tahay, mise ma waafaqsana?, waxaynu ugu horeyn u baahanay in aynu su’aalahan hoos ku xusan ka jawaabno:

  1. Maxay ka qabaan Shuruucda Dalku in Qaranku yeesho shirkado Ganacsi oo uu gaar u leedahay?
  2. Marka Shirkada Ganacsi oo Qaranku leeyahay la aasaasayo, ugu horayn ma dalka gudihiisa ayaa aasaaskeeda ayaa laga bilaabayaa oo laga diwaan-galinayaa, mise dal dibadeed ayaa laga aasaasayaa?
  3. Waa maxay shuruudaha looga baahan yahay marka ay Dowladu aasaasayso shirka ganacsi oo qaranku leeyahay?
  4. Yaa awood u leh inuu magacaabo xubnaha ka mid noqonaya Guddida Sare ee maamulka shirkadan Qaranku leeyahay?
  5. Waa maxay doorka Wasaarada Maalgalintu ay ku leedahay maamulka shirkadan maalgalinta ee Somaliland?
  6. Waa maxay doorka Wasaarada Maaliyadu ay ku leedahay maamulka shirkadan maalgalinta ee Somaliland?
  7. Waa maxay faa’iida shirkadan maalgalintu u leedahay qaranka?
  8. Waa maxay khasaaraha shirkadan maalgalintu u leedahay qaranka?
  9. Wadamada kale ee dunidu ma leeyihiin shirkado ganacsi oo Dowladu leedahay?
  10. Goorma ayey shirkad ganacsi oo dal leeyahay ka howlgalaysaa suuqyada ganacsi ee dunida?.


Su’aalahan jawaabahooduna waa sidan hoos ku cad:

 

  1. Xeerka Shirkadaha ee Somaliland {Companies Act of Somaliland} ee Lambarkiisu yahay 25 ee soo baxay 2004, Qodobkiisa 57aad ayaa si cad u sheegaya in dowladu ay aasaasi karto shirkad ganacsi oo qaranku leeyahay saamiyadeeda.
  2. Marka la aasaasayo Shirkad Ganacsi ee Qaranku leeyahay ugu horayn waxa laga diwaan-galinayaa Dalka si waafaqsan Xeerka Shirkada ee Somaliland {Companies Act of Somaliland} ee Lambarkiisu yahay 25 ee soo baxay 2004, sida ku cad Qodobka 57aad faqradiisa 1aad ee xeerka, taasoo sheegaysa in aan shirkadan ganacsi ee qaranku leeyahay aanay samayn Karin wax xidhiidh ganacsi ah ilaa Diwaan-galiyaha Guud uu diwaangaliyo siiyana Liisanka Ganacsi ee Shirkada.
  3. Shuruudaha looga baahan yahay marka Dowladu ay aasaasayso shirka ganacsi oo qaranku leeyahay, waa sidan:
  1. Ugu horeyn, waxay Wasaarada Maalgashigu soo saaraysaa siyaasadii shirkadan oo ay ku muujinayso ujeedada aasaaska shirkadan looga gol-leeyahay, faa’iidada Qaranka ugu jirta, hiigsaga shirkada iyo wasaarada siyaasad ahaan qaranka uga masuul noqonaysa ka warhaynta & la socodka howlaha shirkadu qaranka u hayso, waxaana siyaasadaasi laga ansixinayaa Golaha Wasiirada,
  2. kadib Wasaarada Maalgashigu waxay diyaarinaysaa xeer-hoosaadkii shirkadaasi lagu aasaasayo, kaasoo si cad loogu tilmaamayo cida ka mid noqonaysa Hogaanka sare ee Shirkada iyo tiradooda, cida awood u leh in ay magacowdo xubnaha Hogaanka sare ee Shirkada, xadiga saamiyada shirkada, noocyada saamiyada shirkada iyo cida awood leh in ay iibiso saamiyada shirkada, Cidda awood leh magacaabida Maamulka Shirkada [Executive Management of the Company] Awoodaha maamulka shirkada, sida loo maamulayo hantida shirkada IWM.

 

  1. Cidda awood u leh inay magacaabo xubnaha ka mid noqonaya Guddida Hogaanka Sare ee maamulka shirkada Qaranku leeyahay waxa lagu caddeynayaa xeerka Aasaaska Shirkada.
  2. Doorka Wasaarada Maalgalintu ay ku leedahay maamulka shirkadan maalgalinta ee Somaliland, waa in wasaaradu ku ilaaliso in aanay shirkadu ka bixin xayn-daabkii sharci iyo siyaasadii qaranku ka lahaa shirkada, si aanay u dhicin in cid gaar ahi uga dhigan weel ay si gaar ah ugu adeegato.
  3. Doorka Wasaarada Maaliyadu ay ku leedahay maamulka shirkadan maalgalinta ee Somaliland, waa in ay Wasaaradu ilaaliso sida hantida shirkada loo isticmaalayo,
  4. Shirkadan maalgalinta Somaliland waxay qaranka u leedahay faa’iido, haddii hantida shirkada si haboon loo maamulo, waxayna qaranka u keenaysaa in ay samayso maalgalin balaadhan iyadoo wadda jir ula fulinaysa mashaariic shirkado shisheeye oo waa weyn [Joint Venture].
  5. Shirkadan maalgalintu waxay sababi kartaa in ay wadanka soo gaadhaan khasaare dhaqaale iyo mid hantiyeed labadaba, haddi maamulka shirkadu si wanaagsan u maamuli waayo dhaqaalaha shirkada, maadama dhamaan wixii deymo ee ay shirkadu ka deynsato bangiyada aduunka ay masuul ka tahay dowladu, iyadoo haddii ay deymahaasi bixin weydo dowlada dusha laga saarayo, sidoo kale shirkadaha kale ee ay xidhiidhka ganacsi iyo wadda shaqayneed la yeelanayso habka ay ku dooranayso haddii aanu noqon mid daah-furan waxay sababi kartaa in shirkado ay heshiis la gasho si ay maalgalin wadanka ugu sameeyaan, kuwaasoo inta ay hantidii qaranka qaataan aan waxba kusoo celin wadanka.
  6. Wadamada kale ee dunidu way leeyihiin shirkado ganacsi oo Dowladu leedahay, waxaana wadamadaasi ka mid ah Shirkadaha Ganacsi ee Shidaalka & Gaaska ee magacoodu yahay Gazprom, Rosneft & Lukoil ee uu leeyahay wadanka Ruushku; Shirkadaha Ganacsi ee Shidaalka & Gaaska ee magacoodu yahay Sinopec Group, China National Petroleum, China National Offshore Oil (CNOOC) ee uu leeyahay wadanka Shiinaha; Shirkadaha Ganacsi ee Shidaalka & Gaaska ee magacoodu yahay ARAMCO ee uu leeyahay wadanka Sucuudigu; Shirkadaha Ganacsi ee Shidaalka & Gaaska ee magacoodu yahay QATAR Petroleum ee uu leeyahay wadanka Qadar.
  7. Shirkada ganacsi ee dal leeyahay waxay suuqyada ganacsi ee dunida ka howlgalaysaa marka aasaaskeedu sharci ahaan uu waafaqsan yahay xeerarka dalka iska leh, markaa ayay suuqyada dunida ka howlgalaysaa, isla markaana la waafajinayaa xeerarka ganacsi ee caalamiga ah.

 

 

Ugu danbayntii, waxa inoo cadaatay in sharciyan aanay dowladu u marin aasaasida shirkadan maalgalinta si waafaqsan xeerarka dalka, gaar ahaan Xeerka Shirkada ee Somaliland {Companies Act of Somaliland} ee Lambarkiisu yahay 25 ee soo baxay 2004, waxaanan tallo ahaan Madaxweynaha Somaliland ugu soo jeedinayaa in ay aasaasida shirkadan maalgalinta ee Somaliland ay waafajiyaan xeerarka dalka gaar ahaan Xeerka Shirkada, sidoo kalena ay raacaan dhamaan talaaboyinka sharci ee aan kor kusoo tilmaamay si ay shirkadani u noqoto mid daahfuran maamul ahaan & maaliyad ahaanba, qarankuna si wanaagsan uga faa’iidaysto, iyadoo bulshadu weli ka dhursagayso fulinta balanqaadkaagi ahaa ‘Sarreynta Sharci’ [Supremacy of Rule of Law].

 

Allaa Mahad Leh.

 

Waxa Diyaariyey:

Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan.

Email: hamzemo7@gmail.com

Tel: 0634422450

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here