Dawaladda Ingiriiska Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay Nin Ay Walaalo Yihiin Orodyahanka Caanka Ee Mo Faarax

0
3

London (Hubaal) – Dawladda Ingiriiska ayaa Dalkeeda ka Mastaafurisay Nin ay Walaalo yihiin Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah, kaasi oo Magaciisu yahay Axmed Faarax, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail. Ninka la Mastaafuriyey ayaa muddo 4 sanadood iyo Badh ah ku soo qaatay Jeelka oo uu galay sannadkii 2010-kii, ka dib markii lagu eedeeyay inuu Qof Tooray ku geliyey Galbeedka Magaalada London.

Ninkan oo da’diisu tahay 30 jir ayaa waajahay daruufo, waxaanu ka qoomameeyay khaladka uu sameeyay sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wargeyska Sunday Mirror  “Waxaan sameeyay Khalad weyn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Laakiin, maxaa labada jeer la iigu cibaaqayaa waxa aan sameeyay..” Wargeyska Daily Mail iyo Warbaahin kale ayaa sheegay in Ninkan ay Dawladda UK kala noqotay Sharcigii dhalashada isla-markaana loo Mastaafuriyey halkii uu ku dhashay. Axmed wuxuu sheegay oo kale inaanu Walaalkii Mo Farah aanu la hadlin muddo 10 sanadood, laakiin uu la yaaban yahay in Walaalkiisa sidaa caanka u ahi uu isaga ka soo horjeedo.

SHARE
Article horeNuxurka War-muriyeed Laga Soo Saaray Shirkii Isbeddelka Cimilada Adduunka Iyo Baaqa Oxfam
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here