HUBAALMEDIA.COM
Dawladda Denmark Oo Ka Hadashay Xukun Ay Maxakamadda Gobolka Hargeysi Ku Riday Eedaysane Loo Haystay Dil Ka Dhacay Copenhagen
August 5, 2016 - Written by Mustafe Faro

Booliiska Copenhagen  Oo Lagu Eedeeyay  Inay ku Guul-daraysteen Inay u Gudbiyaan  Somaliland Caddeymo  La  Xidhiidha Kiiskan +   Macluumaadkii  Loo Cuskaday Xukunka Ay  Maxkamadda Hargeysa Ku Riday Ninkan Oo Ay Denmark Ka Xumaatay Dil Ka  Soo Geystay  Copenhagen

Denmark-310x110Copenhagen-(Hubaal):- Xukuumadda dalka Denmark, ayaa sheegtay in maxkamadda Gobolka Hargeysa xukun gaadhaya labaatan sannadood iyo 33 iyo badh neef oo geel ah ku xukuntay eedeysane loo haystay inuu geystay dil ka dhacay Denmark sannadkii 2012. Garyaqaan Dorit Borgaard oo ka tirsan  ciidanka booliiska magaalada Copenhagen, ayaa u xaqiijiyey wargeyska Ritzau ee ka soo baxa dalkiisa in eedaysanaha oo lagu magacaabo Cumar Xasan Cumar 28 bishii hore ee July, maxkamadda Gobolka Hargeysa xukunka ku riday, isla markaana sheegay in magta geella la siin doono qoyskii marxuumkii geeryooday. Booliiska dalka Denmark ayaa sheegay in ninkan xukunka lagu riday lagu eedeynayey inuu qeyb ka ahaa dilka  Arday  sharciga dhigan jiray jaamacad oo la odhan jiray  Jonas Thomsen Sekyere, oo u dhintay dhaawacyo loogu geystay mindi. Ciidamada Denmark, ayaa sheegay inay ku guulaysteen qabashada saddex nin oo eedeysane u ahaa kiiskaas dilka ahaa, halka ninkii afraad u baxsaday Somaliland oo ah dalka lagu maxkamadeeyay. “Sannado badan oo aanu ku mashquulsanayn  baadigoobkiisa, waxaan ogaanay inuu joogo Somaliland, halkaa soo lagu xidhay, balse dastuurka wadanka Somaliland ayaa mamnuucaya in loo mustaafuriyo muwaadin u dhashay wadan labaad, waxaanay bilaabeen inay maxkamad dhegaysato eedaha loo haysto, sidaanu ka codsanay,” ayuu u sheegay Garyaqaan Borgaard, wargeyska Ritzau. Garyaqaanka ayaa xaqiijiyey in ciidanka booliiska Copenhagen ku guul-daraysteen inay u gudbiyaan xukuumadda Somaliland wax caddeymo ah oo la xidhiidha eedaha kiiska, markaa aanay hubin caddeymaha dhegaysiga kiiska iyo eedaha xukunka lagu saleeyey.

Xeer ilaaliyeyaasha Copenhagen ayaa xilligan darsaya qoraalka xukunka maxkamadda, sidoo kale waxa la eegi doonaa inay ku qancaan go’aanka, ama inay mustaqbalka u hawl-galaan sidii ninkaa loogu mustaafurin lahaa Denmark si loogu maxkamadeeyo.

Geela magta ah ayaa la filayaa in loo lacageeyo qoyskii marxuum Jonas Thomsen Sekyere, sidii loo ballan-qaaday, looguna soo diro Denmark.

Dhinaca kale, Maxamed Abokor oo ah qareenka  u doodayey muwaadinkan Cumar Xasan Cumar oo Shabakadda Hagias Press,  khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadanayo oo xukunkan ku dhacay sharci darro yahay, maadaama oo cidii dacwaynaysay aanay joogin balse xeer ilaalintu Somaliland uun dacwadda ku soo oogtay.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews