HUBAALMEDIA.COM
Dawladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Waaxda Dab-demiska Oo Dariiq Jid-cade Ah Ka Samaystay Goobo Xabaallo ah
August 26, 2016 - Written by admin

Lafihii  Meydadka Xabaallahan Oo Daadadka Roobku Soo Faqeen

q-2-696x463Hargeysa:(Hubaal)-Taliska ciidanka Dab-demiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo is-kaashanaya, ayaa si indho la’aan ah waddo gaadiidku isticmaalo uga sameeyey goobo xabaalo ah oo ku hareeraysan xarunta guud ee dab-demisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

 Xabaalahan oo marxuumiinta ku jira lagu aasay  dhammaadkii siddeetamaadkii intii aan dalka laga qaxin ilaa horraantii sagaashamaadkii markii dib loosoo noqday, isla-markaana si fiican loo wada garanayo dadka ku aasan, ayaa ahaa qaar marka horeba dayac badan qabay, isla-markaana tiin badan iyo xashiish lagu shubi jirey, waxase haatan ay hoggaanka dab-demisku ku dhiirradeen inay dariiq ay xaruntooda u maraan ka dhigtaan.

Goobaha xabaalaha ah ee haatan dab-demisku dariiqa ka dhigteen, ayaa ah waddada carro-tuulka ah ee dhawaan laga sameeyey inta u dhaxaysa xarunta dab-demiska iyo waddada weyn ee wadnaha ee Hay’adda shaqaalaha hormarta, taas oo dhawaan daad soo rogmaday kasoo saareen lafaha dadkii halkaas ku xabaalnaa ee ay hoyga u ahayd.

Sidoo kale waxa jira goobo xabaalo ahaan jirey oo dhismaha goobta go’doonka ah ku yaalla ee dab-demiska loo dhisay soo galay, iyadoo baaqigii xabaalaha ahaa ee soo galayna haatan laga dhigay waddo dhinac waqooyi uga baxda xaruntaas.

Dadweyne tiro badan oo xogo badan ka hayey inay goobahaasi xabaalo yihiin, ayaa la sheegay inay madaxda dawladda hoose iyo hoggaanka ciidanka dab-demiska arrintan kala hadleen, balse kuma ay qancin madaxdaasi warkaas loo geeyey, waxana ay ku dhaqaaqeen go’aankoodii hore ee ahaa inay halkaas waddo ka dhigtaan.

Dhismaha weyn ee dhawaan loo bineeyey dab-demiska Somaliland, ayaa ku yaalla goob go’doon ah oo aan haba yaraatee wax dariiq ah lahayn, waxana taasi ay keentay in goob xabaalo ah si ka baxsan milgaha islaamiga ah iyo damiirka bani’aadamnidaba loogu dhiirrado in dhul xabaalo ah waddo laga dhigo, taas oo keentay halkaas lagu arko lafo dad oo daadadkii soo rogmaday dibadda usoo saareen.

Dhibaatada ugu weyn ee gaadiidka dab-demiska dhinaca waddooyinka ka haysata, ayaa ah mid ka bilaabanta xarunta ay deggen yihiin, waxana gaadiidkaasi ay saacado badan ku qaataan inay dariiqa weyn ee waddada halbawlaha ku dhacaan, ka hor inta aanay gaadhin goobaha dhibaatada laga soo sheego, maadaama dhismahoodu yahay mid aan wax dariiq ah lahayn.

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo iyagu bulshada masuul uga ah inay dhulka danta guud ee dhismayaasha uu dam-demisku ka mid yahay laga binaynayaa ka mid yahay bixiso, ayaa arrintaas ku guuldarraysatay, waxana dhulweynaha uu haatan ku yaallo dab-demisku hore uga dhacay muran badan, iyadoo la xidhxidhay dadweyne sheeganayey inay dhulkaas leeyihiin oo sifo xoog ah lagaga qaaday.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews