Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo Ka Jawaabtay Eedo Xisbiga UCID U jeediyey

0
1

Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa oo soo bandhigay Sharciyad Mayor Jiciir Bixiyey iyo Map-ka waddada 150-ka degmada ee Maxamed Mooge

 

Hargeysa(Hubaal)-Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka jawaabay eedo Xisbiga UCID ku eedeeyey Dawlada Hoose ee Hargeysa, eedaas oo ahayd in masuuliyiinta dawlada hoose Hargeysa iibiyeen dhul wado ah oo ku yaala wadada 150-ka ee degmada Maxamed Mooge .

Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) oo ugu horeyn arintaasi ka hadlaayey ayaa waxa uu bayaamiyey in aanay waxba ka jirin eedaasi iyo warkaas Xisbiga UCID ka baahiyeen Dawlada Hoose, isla markaasina dhulka laga dhisaayo dhismahaasi aanu kamid ahayn wadada 150-ka, dhul kalena ka xigo oo u dhaxeeyo wadada 150-ka iyo d hulkan dhismaha laga wado,

Agaasime C/salaan Gacan-jalab oo sidoo kale ka hadlaayey goorta la bixiyey dhulkan dhismuhu ka socdo ayaa waxa uu cadeeyey in mulkiilaha dhulkani qoladii beerta lahayd ka iibsaday sanadkii 2001-dii isla markaasina loo sharciyeeyey sanadkii 2003-dii oo ay joogeen Golahii Deegaanka ee hore ee uu Gudoomiyaha u ahaa Mayor Jiciir, Golahan Deegaanka ee hada joogaana aanay haba-yaraatee wax shaqo ah ku lahayn bixintiisa iyo sharciyn-tiisaba,qof muwaadin ahina mudadaas labaatan-ka sano ku dhaw uu sharci ku lahaa mulkiyadiisa cashuurtana ku bixinaayey.

Gaba-gabadii ayaa Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng. C/salaan Maxamed Daahir (C/salaan Gacan-jilib) ayaa waxa uu goobta kusoo bandhigay sharciga Mayor Jiciir ku bixiyey iyo Mapka guud ee halka ay marto wada 150-ka degmada Maxamed Mooge ,Isagoo sidoo kalena tibaaxay in wax laga xumaado ay tahay in rag masuuliyiin Xisbi Qaran sheeganayaa ay warka noocaasa umadda la hor-yimaadaan, Dhinaca kale Agaasime C/salaan Gacan-jalab ayaa waxa uu xusay in ay haayadaha sharciga la-tiigsan doonaan, Maxkamadana kiis uga furan-doonaan masuuliyiintaas Xisbiga UCID ee falkaasi ku kacay

SHARE
Article horeMeel-Ka-Soo Jeedka Axmed-Guray
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here