HUBAALMEDIA.COM
Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Noqotay Xarun Xoolaha Maatida Loogu Cuuro Cid Gaar ah Iyo Fadeexado Naas-nuujineed Oo Soo Baxay
April 5, 2017 - Written by Mustafe Faro

Caddaymo Madaxda Dawladda Hoose Mudane Baarlamaan Ugu Iibisay 22-Taayir Oo iyo Agab Kale Oo Qaali ah

 warqad

Hargeysa:(Hubaal)-Fadeexad iyo ceeb laxaad leh ayaa dul hoganaysa dawladda Hoose ee Hargeysa, kadib markii warbaahintu heshay nuqullada Amarro maayar Soltelco iyo mid kamid ah xoghayeyaashii lasoo shaqeeyey xoolihii umadda ugu cuureen mid kamid ah mudaneyaasha aqalka wakiillada oo aanay wax sabab ahi ka muuqanin.

Qoraalka amarka ah ee Maayar soltelco iyo xoghayihiisii hore kasoo baxay, ayaa  ah mid ku socda mid kamid ah meheradaha ganacsiga magaalada Hargeysa, waxana la faray inuu siiyo 22-taayir oo nooca Baabuurta ZUZUKI-da loo yaqaanno iyo hal dirays siiyo xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waaye oo katirsan aqalka wakiiladda, isla markaana uu biilka ama kharashka kusoo dallaco isla dawladda Hoose ee Hargeysa.

Fadeexaddan oo dhacday sanadihii ugu dambeeyey, ayaa marag ka noqotay in kharyaadka umadda bakhtigu xalaasha u yahay lagu laaluushayo mudaneyaal dano gaar ah laga leeyahay, isla markaana si aan xisaab lahayn loogu kiishayo shakhsiyaad aan umadda wax hawl ah u qabanin, balse loo tirinayo hagardaamooyin badan oo dhinaca shuruucda ah.

Warqadda lagu bixinayo agabkan ee loo qoray meheradda magaalada Hargeysa ku taalla, ayaa waxa  ku saxeexan Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(solctelco) iyo xoghayihii hore ee dawladda hoose Ibraahin Raabi oo saaxiib dhaw ahaa, balse melena laguma sheegin sababta mudanahaas aan dawladda Hoose shaqada ku lahayn loo siinayo agabka intaas qiimihiisu dhan yahay ee qasnadda umadda laga bixinayo.

Agabka loo amray in la siiyo xildhibaan Waabeeye, ayaa wax aka dhex muuqda taayirro tiradooda lagu sheegay 22-xabbo, kuwaas oo bulshada intii warqadda amarka ah aragtayba su’aalo badan ka keeneen, isla markaana aamineen inuu Taayirradaas ganacsi ahaan uga sii baayac-mushtaraynayo, maadaama ay tiro ahaan ka badan yihiin inta uu baabuurkiisu u baahan yahay.

Ma aha tan oo kali ah fadeexadaha xoolaha umadda lagu lunsanayo ee sida maalin laha ah uga dhex dhaca xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa, waxase jira kumanaan dhacdo oo si qarsoodi ah loogu xado xoolaha danyarta, isla markaana lagu naas nuujiyo shakhsiyaad xidhiidho hoose lala leeyahay.

Bulshada reer Somaliland ayaa si weyn uga qoomamoota dedaalkii ay geliyeen doorashada mudaneyaasha da’da yar ee golaha deegaanka Hargeysa, maadaama oo hoy u noqdeen musuq iyo wax isdaba marin xad-dhaaf ah oo ay xoolihii umadda kula kaceen, waxana bulshadu muujinaysaa inay khasare ka taagan yihiin halgankii dheeraa ee ay u galeen inay mar uun hoggaan ka dhigtaan dhallinyaro hore loo tuhmayey, balse lagu hungoobay.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews