Dawladda Hoose Oo Sababaysay Waddooyinka Lays Weydaariyey Ee Faras Magaalaha Caasimadda

0
77

 “Baabuurka Gabiley Ka Yimaadaa Aqalka Madax Madaxtooyada Ayuu  Hor Marayaa, Ka Berbera Ka Yimaadaana Dhakhtarka Ayuu Daba Marayaa”

hargeysa

Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ka hadashay asbaabta dhalisay in waddooyinka Caasimadda mar kale la kala baddalo. Cabdi-khadar Cabdilaahi Cali, oo ka mid ah Ingineerrada dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa, ayaa faahfaain ka bixiyay sababtaaas, Waxaanu timaamay in qorshani la keenay kadib markii ay soo bateen Shilalka gaadiidku, sidaas darteeda is-bedelkani danbe ay u jeedadiisu tahay in iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa shilalkaasi iyo cidhiidhiga baabuurta.  Eng. C/Khadar Cabdilaahi Cali, oo shalay u waramay warbaahinta dawladdu maamusho ee gaar ahaanna Wargeyska DAWAN, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wadooyinka caasimada waxa mar kale loo bedelay ama la isku waydaariyay, kadib markii shilalku bateen iyo gurac dhaliyay jaho-wareerka, hadda waxaa golaha degaanka caasimada Hargaysa isla qaatay fadhi ay yeesheen kadib in wadada koowaad ee caasimada gaadiidku u socdo dhinaca Barri halka wadadda labaad-na gaadiidku u soconayo dhanka Galbeedka.  Tusaale ahaan baabuurka ka yimaadda Gabiley, wuxuu si toos ah u marayaa wadadda koowaad, oo uu soo hormarayo aqolka madaxtooyada Somaliland. Kuwa wada Berbera ka imanayaana waxay marayaan wadadda labaad ee daba-marta cisbitaalka guud ee Hargaysa”.  Eng; Cabdikhadar, waxa cadeeyay in dowlad hoose ahaan ku rajo weyn yihiin in habkan dambe isku bdalka dariiqayada caasimada lagu sameeyay ka sah la naandoono xagga cidhiidhiga iyo shilalka gaadiidka habki hore waxaanu yidhi.  Sidoo kale Eng. C/khaddar waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan ku rejo weyn yihiin in habkan cusub ee isku bedelka lau sameeyay jidadka waaweyn ee caasimadda in ay wx badan ka tari doonto yaraaynta shilalka baaburta iyo cidiidhiga wadooyinka.  Waxaanu tilmaamay in ka hor intii aan la hirgelinin nidaamkan cusub ee la isugu bedelay wadooyinka in la sameeyay wacyigalin ku aadan sidii bulshada loo ogaysiin lahaa nidaamka cusub ee isku bedelka wadooyinka.  “U jeedada markii hore looga dhigay wadooyinka caasimada kuwo furan (one way) ah, iyo bedelkan dambeba waxay tahay sidii loo yarayn lahaa cidhiidhiga ka jira daqriiqyadda caasimada.  Ka hor intii aan la dhaqan gelin habkan cusub, waxaa la sameeyay wacyigelin badan oo laga sii daayay idaacada Radio Hargaysa, wargeysyadda lagu baahiyay sidii bulshadu u ogaan lahayd sharcigan cusub ee lagu sameeyay wadooyinka hal-bawlaha caasimadda. Sidda dariiqa koowaad iyo ka balaad” ayuu yidhi Injineer C/khaddar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here