Dawladda Itoobiya Oo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Kililka 5aad Kala Doorran-siiyey Saddex Qoddob Oo Ay Xal U Aragtay

0
1

Wararkii U Dembeeyey Ee Shir Illaa Habeen Badhkii Xalay Addis Ababa Uga Socday Dawladda Itoobiya & Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Kililka 5aad

 “Mid Ka Mid Ah Maamul Gobolleedyada Soomaaliya Oo Addis Ababa U Tegey Wada Tashi Uu Aby Ahmed Kala Yeellanayo Xaallada DDSI”

Addis ababa (Hubaal/BBCSomali)- Kulamo xidhiidh ah oo galabnimadii shalay  u bilowaday laba dhinac oo kala matalayay dawladda federaalka ah ee dalka Itoobiya iyo dad u badan siyaasiyiin, madax dhaqameedyo, aqoonayanno iyo   waxgaradka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu lafo guray waxa laga yeelayo xaallada cakiran ee dawlad deegaanka soomaalida kililka shanaad ee dalkaas, kadib qaskii iyo rabshadihii halkaas ka bilowday sabtidii la soo dhaafay ee sahayday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kaasi oo xallintiisu hal xidhaale ku noqotay dawladda iyo guud ahaanba dal weynaha Itoobiya. Kulamadan oo ilaa saacadihii dembe ee xalay saqdii dhexe lagu gaadhay ayaa ilo wareedyo u dhuun daloola shirkaasi ay tibaaxeen in dawladda dhexe ay miiska soo saartay qorshe si gaar ah uga hadlaya  maamulka dawlad deegaanka Jigjiga kadib is casilaadii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaana madaxweynaha cusub loo doortay maamulka, kaasi oo haatan ku sugan magaallada jigjiga.

Warku waxaa uu xusay saddex qoddob oo qorshaha ay dawladda federalka ahi miiska soo dhigtay  udub dhexaad u ah, kuwaas oo ay ka qayb galayaasha ka dalbatay lafagurkooda, iyada oo la kala doorransiiyey qodob kamid ah saddexdaas qodob in la qaato six al loogu helo xaaladan cakiran ee hadda la galay. Saddexdaas qoddob ayaa dawladda federaalka ah ee Itoobiya ay sheegtay in ay kala yihiin;

  1. In gebi ahaanba maamulka uu ka tegey Cabdi Maxamuud Cumar ee haatan jooga meesha laga saaro.
  2. In muddo kumeel gaadh ah la siiyo maamulkan iyo madaxweynahan cusub ee xisbiga ismaamulka Soomaalida jigjigi doortay, kaasi oo inta uu talada hayo xooga saari doona soo dhisida dawlad deegaan laga wada muuqdo oo doorasho ku yimaada ama magacaabis ku yimaada
  3. Iyo Qoddobka 3aad oo isna odhanaya in aan haba yaraatee waxba laga bedelin lana taaban maamulka iyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

Hase yeeshee, ilaa haatan wararkii ugu dembeeyey ee laga helay kulankaasi socday illaa xalay saacadihii dembe lama xaqiijin tallaabada ama qodobka laysla qaatay in la qaato iyada oo goobjoogayaashu tibaaxeen in badi  intii shirku socday waqtiga ugu badan lagu qaatay lafa gurka iyo falanqaynta qoddobadan iyo saamayntooda.

Geesta kale  mas’uuliyiin ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweynaha  maamul goboleedka Jubaland Mr. Axmed Maxamed Islaam ay tan iyo shalay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalkaasi itoobiya ee adis ababa iyaga oo la weriyey in ay halkaasi ku tageen la tashi uu raysal-wasaaraha dalkaasi Aby Axmed ka codsaday in uu kala sameeyo xaalada Soomaalida Itoobiya ee xilligan jaho wareerkak u sugan. Sidoo kale waxa la sheegay in uu jiro culayso raysal-wasaare Aby Ahmed kaga imanaya  caalamka, kuwaas oo ka dalbanaya in uu xaallada cagta u dhigo oo aanu ku degdegin go’aan lafjab ku noqon kara xasiloonida mandaqada. Xidhiidho dublumaasiyiin ajaanibi ay la soo sameeyeen hoggaanka dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa hogatusaaleeyey marxaladda uu gobolka Soomaalidu galay in uu saamayn ku yeelanayo guud ahaan mandaqada geeska afrika gaar ahaana dalwaynaha Itoobiya.

Wararkii U Dembeeyey Ee Xaalladda Madaxweyne Cabdi Iley Iyo Halka Uu Ilaa Haatan Ku Sugan Yahay

Warar is khilaafsan oo tan iyo markii uu is casilay   madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee  Cabdi Maxamuud Cumar kasoo baxayay dalka itoobiya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay kadib markii diyaarad millatarigu leeyahay jigjia kasoo qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu Cabdi Maxamuud Xidhan yahay halka kuwa kalena ay tibaaxayaan in uu xabsi guri ku jiro oo uu weli ku sugan yahay magaalada Adis ababa, sidaasi si ka duwanna warar kale ayaa sheegaya in madaxweyne Abdi iley aanu xidhnayn balse ay ciidammada ammaanka ee dawladda federaalku amnigiisa ku sugayaan guriga uu magaalada addis ababa qoyskiisu ka degenaa,halkaas oo ay ku sugan yihiin xaasaskiisa mid kamid ah iyo saraakiil kamid ah hoggaamadii bilayska ee DDSI. Dadweyanaha ku dhaqan magaalada Jijiga ayaa ku sugan xaalad hubaanti la’aan ah oo ay dhagaha u tagaayaan waxa dhici kara. Warar uu wargeyska HUBAAL Ka helay ilo wareedyo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa  sheegay in illaa xalay ilaa shalay galab hawada magaaladaasi lagu arkayay laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo jog hoose ku duulayay kuwaas oo ku wareegayay magaalada.

Geesta kale shir fiidnimadii xalay u bilaabmay maamulka dawlad deegaanka DDSI oo uu shirguddominayay madaxweynaha cusub ee la doortay  isla markaana ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga talada haya ee deegaankaas ayaa la sheegay in ay kaga hadleen xaallada magaallada iyo guud ahaanba gobolka Soomaalida sidii loo xaslin lahaa isla markaana maamulka cusubi u diyaarin lahaa qorshe uu ku abaaro shaqadiisii u horeysay.

Waxa kale oo wararka lahelayaa sheegeen in ay magaalooyinka waaweyn ee DDSI ay amnigooda gacanta ku hayaan lana wareegeen ciidamada millatariga ee gaashaaman kuwaas oo aan iyagu la hadlayn dadka balse kala didinaya wixii ka badan toban qof ee bar kulan isugu yimaada. Ciidamadan ayaa la sheegay inay xidheen labada wado ee magaalada Jigjiga uga baxa dhinaca Qarbi daharre iyo dhinaca Wajaale, iyaga oo cidii ka baxaysa magaallada ama baabuurta u socda labadaas deegaan u diidaya inay ka baxaan magaallada. Taasina waxa lagu macneeyey mid ciidanku kaga hortagayo in dadka ka qaxaya magaallada ee u socda magaallooyinka wajaale iyo Qarbi daharre ay muujin karto mid ka turjunta degenaansho la’aan iyo amni xumo ka jirta caasimaddii gobolka.  Ciidamada Liyuu boolis eek u sugnaa magaalada Jigjiga ayaa iyaguna gebi ahaanba ka baxay goobihii iyo xeryahoodii   iyaga oo isku urursaday  deegaanka Shilaabo.

SHARE
Article hore“Cilmiga Abaaraha [Maaraynta] Mashaakilaadka Maanta Bulshada Haystaa Wuxuu Mudan yahay In La Is Garab Taago”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here