Dawladda Kenya oo Danaynaysa Iskaashi dhex-mara Magaalooyinka Marsada Leh Ee MOMBASA & BERBERA

0
1

Warbixin Uu Shalay Daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi Oo wax ka qorey Himillooyin Iskaashi Oo Mustaqbalka u Qorsheysan In Somaliland Iyo Kenya Ay Yeeshaan

Wasiirka Ganacsiga Kenya Md Peter Munya oo Khamiistii xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda xafiiska Safaarada ay ku leedahay dalkaas iyo arrimaha laga wada hadlay

Hargeysa (Hubaal) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, ayaa baahiyey in Dowladaha Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeynayaan sidii ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad adag oo dhinaca ganacsiga ah. Warka Wargeyska Daily Nation uu daabacay shalay waxa lagu sheegay in labada dal ay dhiirigelinayaan maalgashiga xudduudaha iskaga gudba, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:- asiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Kenya Mr. Peter Munya ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay Khamiistii danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, waxaanay labada dhinac falanqeeyeen fursadaha maalgashi ee labada dalba ugu jirto danaha dhaqaale. Waxa kaloo Kenya iyo Somaliland ay sheegeen inuu socdo qorshe lagu bilaabayo duulimaadyo toos ah oo iskaga goosha Hargeysa iyo Nairobi. Waxa kaloo ay intaas ku dareen in himiladda labada Waddan ay ka mid tahay inay iskaashi yeeshaan dekedaha magaalooyinka Berbera iyo Mombasa. Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Kenya, Peter Munya wuxuu tilmaamay in dalkiisa iyo Somaliland ay wax badan wada qabsan karaan, waxaanu xusay inay Somaliland u soo bandhigtay maalgshadeyaasha Kenya fursado badan oo maalgashi. Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inay Wasiirka Ganacsiga Kenya isla soo qaadeen sidoo loo taabogelin lahaa iskaashiga masaalixdu ugu jirto labada dowladood. Safiir Baashe Cawil wuxuu caddeeyey in Somaliland ay iskaashiga ganacsi la leedahay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isla markaana ay albaabada u furayaan ganacsatada reer Kiiniya. Wasiirka Ganacsiga Kenya, ayaa hore booqasho ugu yimid Somaliland xiligii uu ahaa Badhasaabka Gobolka Meru, waxaanu suuq u qalqaalinayey sidii Jaadka Miirooga loo keeni lahaa Somaliland. Dhinaca kale   Qoraal uu Safiir-Xigeenka xafiiska JSL ee Kenya Md Ayaanle Salaad Diiriye kaga hadlay arrimahan kaga hadlay kaasoo u dhignaa sidan: “Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Md Peter Munya oo maanta [shalay] xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan.  Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena. Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa. Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay, Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL. Kulankan dhexmaray madaxda Safaarada JSL ee Kenya & Madaxda Kenya ayaa qeyb ka noqonaya firfircooni dublamaasiyadeed oo la bilaabmay mudadii ka dambaysay magacaabistii Safiirka cusub ee dalka Kenya u fadhiya JSL Md Baashe Cawil Cumar oo xilligan laga joogo muddo saddex bilood ah

SHARE
Article horeDahabshiil Group oo Abaal mariyey Macaamiil Ku Guulaysatay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here