Dawladda Qatar Oo Ka Masayrtay Heshiiskii Maalgelinta Dekedaha Ee Uu Raysal-wasaaraha Itoobiya La Galay Farmaajo

0
1

Raysal-wasaaraha Xamar Oo Qaabilay Wefti Maalgelin-gelinaya dekedaha Soomaaliya Oo Ay Dawladda QATAR Shalay U Soo Dirtay Muqdisho

Qorshahan uu Raysal-wasaare Kheyre Sheegay Inay Dawladda QATAR Wadato Oo Ku Soo Beegmay Xilli Uu Madaxweyne Farmaajo Heshiis Horumarinaya Dekedaha Soomaaliya Uu la saxeexday Raysal-wasaaraha Itoobiya

 

Muqdisho(Hubaal)–Wefti ka socda dawladda Qatar,ayaa  shalay booqasho ku tegey Muqdisho, kuwaas oo la kulmay  Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Wefdiga Dalka Qadar, ayaa Ra’iisal wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre kala hadlay sidii loo horumarin lahaa dekeddaha Soomaaliya. Wasiirka dekeddaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo kulanka  Wefdiga Qadar ka qeyb gashay,  ayaa sheegtay  in ujeedada wefdiga Qadar ay ahayd in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan dekadda magaalada muqdisho iyo dekeddaha kale ee Soomaaliya si loo ogaado dekeddaha dayactirka u baahan iyo dekeddaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.  Sida uu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska  Ra’iisal Wasaare Khayre  Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wefdiga Qatar ee  Muqdisho ay fursad wanaagsan oo dhinaca shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga faa’iideysto. Booqashada wefdiga Qatar ka socda ay ku tageen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa dhowaan, iyadoo dawladda Qadar dawladda Federaalka u balanqaaday in ay Soomaaliya ka fulinayso Mashaariic lagu horumarinayo dekeddaha Soomaaliya . Dhinaca kale wefdiga  ka socda dawladda Qatar ayaa mudada ay joogaan Soomaaliya waxay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada Soomaaliya  si ay qiimayn ugu sameeyaan Dekeddaha Soomaaliya. Dekedda magaalada muqdisho, ayaa hore loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga, taas oo gacanta ku haysa dekedda iyo madaarka, waxayna arrintan kusoo beegantay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey Magaalada Muqdisho sheegay in Afar dekedood oo ku yaal Soomaaliya ay maalgashi ku samayn doonaan.

SHARE
Article horeMadaxweyne Muuse Oo Qaabiley Arday Jaamacado Dibadeed Wax Ku Soo Bartay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here