Dawladda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay War-Saxaafadeed lagu soo daray oo QM Iyo Beesha Caalamka Kaga Hadleen Doorashooyinka Somalia

0
1

“Dawladda Somaliland Waxay Daneeyayaasha Doorashooyinka Somalia uga digaysaa inay ku xadgudbaan madax-bannaanida qaranamidda Somaliland, sidoo kale waxay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Somalia” war-saxaafadeed ka soo  baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL

Hargeysa(Hubaal)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay war-saxaafadeed ay wadjir u soo saareen Xafiiska Qarammada Midoobay iyo daneeyeyaasha caalamka ee Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxa ay caddaysay in aanay qeyb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya, hase yeeshee ay tahay dal dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ka tisqaadeen oo goobjoogeyaashii ka socday beesha caalamku qireen. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo  baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, war-saxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Hubaal waxa uu u dhignaa sidan:-

“WAR-SAXAAFADEED: Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya. War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa laga ga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay ‘’Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somaliland’’. Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan Somaliland ka qabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimid ka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland.

Ugu dambayn, Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahay in isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here