Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Laba Heshiis Oo Ay Dubai Ku Gashay

0
28

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay laba heshiis ku gashay dalka Imaaraadka, halkaasoo ay booqasho kaga soo laabteen wefti Wasiirro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

Labada heshiis ayaa kala ah mid saddex geesood ah oo ay wada galeen Shirkadda DPWorld, Dawladda Somaliland iyo dalka Itoobiya, kuwaasoo dhamaantood saamiyo ku leh Mashruuca Maal-gelinta Dekedda Berbera.

DAAWO:

Heshiiska labaad ayaa ah mid isna ay wada gaadheen Shirkadda DPWorld iyo Dawladda Somaliland, kaasoo lagu yagleelayo Suuqa Xorta ah ee Magaalada Berbera (Free Zone in Berbera), sida uu sharaxay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr.  Sacad Cali Shire oo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo weftigiisu ka soo degeen Jimcaha Maanta.

Maalmihii la soo dhaafay, ayaa waxa dubai kulamo uga socdeen Madax ka kala socda Dawladda Somaliland, Shirkadda DP World iyo Dalka Itoobiya, waxaana kulamadaas lagu saxeexay Heshiisyada Maal-gashi ee Dekedda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here