Dawladda Uu Madaxweynaha Ka Yahay Farmaajo Ee Soomaaliya Oo Safka Hore Kaga Jirta Liiska Dalalka Musuqmaasuqay Mucaawimada caalamku siiyo

0
1

Akhri Warbixin Iftiimisay Xaddiga Lacageed ee UK siiso 20-ka Dal ee Ugu Musuqmaasuqa Badan Adduunka

 

Hargeysa (Hubaal) Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London, ayaa  daabacay shalay in Ingiriisku uu siiyo kaalmada dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaana isa soo taraya  walaaca laga qabo  in  mucaawimadaasi ay  noqoto wax khasaara, qaybo la lunsado, mid  u gacan gasha kooxaha Argagixisada.

Dadka wax Falanqeeya  ayaa  xaqiijiyey in UK  ay lacag ka badan £1.53 Bilyan Ginni gacanta kaga riday labaatanka Waddan ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaanay lacagta deeqaha Ingiriisku siiyey sannadkan ay ka badan tahay tii sannadkii hore Boqolkiiba Laba iyo Toban (12%, iyadoo  UK sannadkii hore siisay dalalkaas musuqmaasuqu naafeeyey £1.36 Bilyan oo Gini.

Warbixinta Wargeyska Daily Mail, waxay caddeysay in lacagaha deeqaha ah ee ay UK ugu yaboohday dalalka Musmaasuqu aafeeyey ay laba jibaarantay shantii sannadood ee la soo dhaafay.

Dalalka Warbixintu xustay ee qaadhaanka Ingiriisku siiyo la musuqmaasuqo waxa safka hore kaga jira Suuriya, Soomaaliya, Afganistaan, Yeman, Suudaanta Koonfureed, Dr Congo, Ciraaq, Suudaan, Liibiya iyo Cambodia.

Afhayeen u hadlay  Hay’adda Kaalmada dibadda  ee DFID, ayaa ku dooday in aanay dalalka musuqmaasuqu ku jiridaystay aanay si toos ah u siinin dawladahooda kaalmada, hase yeeshee ay  u sii mariyaan hay’ado ay wada shaqeyn leeyihiin oo aamin ah isla markaana kula tacaalaya deeqaha dhibaatooyinka jira ee loogu talogalay.

Warbixintan waxa soo turjumay weriye Cumar Maxamed Faarax, agaasimaha wakaalada wararka Somaliland ee Solna

SHARE
Article horeBuugga Xildhibaan Dheeg Wuxuu La Mid Yahay Kii Guri-Barwaaqo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here