“Dawladdu Maaha In Marka Dhaliisheeda Loo Sheego Ay Boodhka Isku Qasto, xadhiga abwaan Cabdiraxmaan waa khalad [Waayo] Waxa Uu ka hadlay ee uu Sheegay Waa Wax Sax Ah oo jira”

0
1

Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Xadhiga nin Abwaan ah oo Gabayo Uu Kaga Hadlayay Xaaladda Dalka Ku Soo Bandhigay Hudheel Hargeysa Ku Yaal

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo gabay ka sameeyay dhacdo uu arkay oo ka jirta saldhigyada booliska qaarkood

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah Nin dhalinyaro ah oo hal abuura, kaasoo habeen hore Bandhig-suugaaneed ku soo bandhigay Magaalada Hargeysa.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo kamid ah dadkii ka qayb galay Bandhig-suugaaneedka, ayaa xadhiga abwaanka u sibir-saaray Gabay uu tidhiyey oo ku saabsan dhibaatooyinka ka jira Saldhigyada Booliska, waxaanu ku tilmaamay xadhig Sharci daro ah. “In gabayaa la xidho, waxaan u arkaa arrin dhaqanka dawladnimada labada ka soo horjeeda. Qofka in wuu hadlay lagu xidho waa ayaan-darro aad u weyn, abwaan Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay xaaladda saldhigyada ee imika jirta, xaaladda uu ka hadlayna dee xaalad jirta oo sugan bay ahayd. Haddii la leeyahay waxa aad sheegtay waa been, dee isagana cadaynteeda uun baa laga rabay, wax cadna way ahayd, dadka iyo Alleba ogaayeen, Anigaygan [Weedhsame] ah baa ogayn in saldhigaasu ay dhacdadaa uu ka hadlay ay ka dhacday iyo kuwo kale oo badaniba, se maaha in dawladdu ay tidhaahdo, cidkasta oo ceeb aragtay waa la xidhayaa, dee taasi caqli noqon mayso, sidanina waxa u eekaanaysaa inay dawladdu dagaal kula jirto dadka, waxaanan leeyahay xadhiga Cabdiraxmaan waa khalad.” Ayuu yidhi Abwaan Weedhsame oo shalay warbaahinta la hadlay. “dawladdu maaha in marka dhaliisheeda loo sheego ay ka gubato, ee waa inay qaadataa oo isa saxdaa, waxaa uu sheegayna waa wax sax ah, saldhigyada intaa in lee goo ka xumiba way ka jirtaa.” Ayuu sii raaciyay

Ma jiro wax war ah oo ay Boolisku ka soo saareen Xadhiga Abwaanka, hase ahaatee ilo-wareedyo ayaa sheegaya in la sii ogaa inay Boolisku xadhig u qorsheeyeen Abwaanka, isla habeenkii ee markii uu suugaanta soo bandhigay.

Maaha markii ugu horaysay ee ay Dawladdu xidho muwaadin dareenkiisa ku cabiray suugaan, hase ahaatee waa dhacdooyin soo noqnoqday dhowr jeer sanadihii u dambeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here