Deg Deg: Ciidamo Mar-kale Gudaha U Galay Jigjiga

0
1

Jigjiga (Hubaal) Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Jigjiga ee xarrunta ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Sida ay baahisay idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana, wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi, ayaa ku warantay in gelidda ciidamada ee magaalada ay ku timid codsi uga yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya. Waxay Fana sheegtay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo.

Ma jiro war ka soo baxay maamulka Soomaalida oo ku saabsan ciidamadan cusub ee soo galay Jigjiga.

Arrimahani waxay imanayaan xilli Sabtidii ay magaalada ka dhaceen qalalaase, kadib markii ciidamada federaaalka Itoobiya ay gudaha u galeen.

Qalalaasahaasi, ayay maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegeen inay ku dhinteen dad 29 qof, sida uu sheegey Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarrunta xisbiga ka taliya ismaamulka Soomaalida.

SHARE
Article horeMadaxweynaha Iyo Weftigiisii Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyo Deegaannada Ku Hareeraysan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here