DEG DEG: Fanaannada Caanka Ah Ee SAHRA-HALGAN Oo Goor Dhawayd  Iska Casishay Xubinnimadii Xisbiga WADDANI iyo Sababaha Ay Ku Dhererisay

0
189

Hargeysa (Hubaal)- Fanaannada caanka ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) oo ka mid ahayd xubnaha miisaanka leh ku jira xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi ayaa shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba iska casishay xubinimadii iyo ka mid ahaanshihii xisbiga WADDANI.

Fanaannada Caanka Ah Ee SAHRA-HALGAN Oo Goor Dhawayd  Iska Casishay Xubinnimadii Xisbiga WADDANI iyo Sababaha Ay Ku DhererisayMuj. Sahra-Halgan oo goor dhawayd soo saartay War qoraal ah oo ay ku saxeexan tahay oo ay ku socodsiisay guddoomiyaha WADDANi waxa ay sheegtay in maanta laga bilaabo ay ka baxday xisbiga WADDANI sababo iyada u gaar ah awgeed. Qoraalka Marwo Sahra Halgan oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

 “Anigoo Ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) waxaan maanta oo ay  taariikhdu tahay 25/07/2015 halkan ku cadaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay xubinnimadii iyo ka mid ahaansihii xisbiga WADDANI.

WAxaan halkan ku cadaynayaa in is casilaadaydu ay ku qotonto arrimo shaqsi ah oo aniga ii gaar ah isla markaana aan doonayo in aan ka madax banaanaado arrimaha siyaasadda iyo  hawlaha xisbiga.

Allaa Mahad leh

Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan).

Horraantii bishii September ee sanadkii ina dhaafay ee 2014-kii oo ay  Marwo Sahra Halgan ku soo biirtay saaxadda Siyaasadda ayay kamid noqotay Xisbiga WADDANi oo ay iyada iyo taageerayaal taabacsanaa ku biireen.

Sahra Halgan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here