DEG-DEG: Xukuumadda Oo Saqdii Dhexe ee CAAWA Weerar ku Qaaday Guriga Wasiir ku xigeenkii Hore Ee Amniga+RRU Iyo Boolis Rasaas Oodda Kaga Qaaday Ilaallada Guriga Oo Difaac Galay+Jaarka Oo Sakati La Seexan La.

0
35

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ayaa Goor dhawayd weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Wasiir ku xiggeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdillaahi Abokor Yoonis, halkaas oo la dul dhigay Ciidammo Isugu Jira Bilays iyo RRU kuwaas oo rasaas oodda kaga qaaday Ag-agaarka guriga wasiirka oo ku yaalla Hotel-ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa .
rruCiidammada oo rasaas iska horeysiiyey ayaa daqiiqado ka hor weerar ku qaaday guriga Wasiirka, iyaga oo damcay inay hurdada ku qabtaan isla markaana soo qafaashaan hase yeeshee weli way u suurti geli la’dahay kadib markii ay difaac ka hor yimaadeen.
Warar degdeg ah oo Hubaal Media soo gaadhaya ayaa xaqiijinaya weerarkaas oo rasaasta dhacaysaa ay hurdada ka toosisay isla markaa dibada u soo wada saartay.

Xabado Ka mid ah Rasaasta ay Ciidammadu ridayaan ayaa ku dhacday Masjidka Salaaxu-diin ee ku yaalla agagaarka Guriga Wasiirka.

Ma jiro wax waaran ah oo maanta ilaa caawa loo keenay Cabdillaahi Abokor, hase yeeshee weerarkan ayaa u muuqda mid xukuumaddu kaga war celinayso warar ay ka damqatay oo Cabdillaahi Abokor Maalmihii u dembeeyey Warbaahinta siiyey kuwaas oo uu ku durayay Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal wadaado ah oo xukuumadda ku dhex jira.
Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday hase yeeshee Weerarkan ayaa laf jab ku ah xasilloonidda xukuumadda loo igmaday inay ummaddii dooratay u ilaaliso, isla markaana muujinaysa xukuumad dadkeedii dagaalkula jirta.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Wasiir ku xigeenka oo xubno ka mid ah jaarkiisu ugu baaqeen in uu raaco ciidanka uu diiday isla markaana uu sheegay in aanu is dhiibayn isaga oo ku dooday in aanu garanayn ciddan soo weerartay haddii ay xukuumada tahayna uu subaxa ka war heli doono.

Hase yeeshee Ciidammada ayaa Xoog ku galay guriga isla markaana soo qabtay Wasiir ku xigeenka iyo Guud ahaanba dadkii guriga ku wehelinayay oo ay ku jiraan Ilaalladiisii, rasaasta ridaysay, mana jiro wax khasaare ah oo dhacay,

War kale ayaa tibaaxaya in wasiirka iyo dadka wehelinayaa ay wada tashi kadib go’aaansadeen inay is dhiibaan,  halka xubo kamid ah ilaalidiisu diideen kana fara baxsadeen ciidanka.

HubaalMedia Oo isku dayday inay la xidhiidho Wasiirka ayaa ay u suurto geli weyday kadib markii uu xidhnaa telefoonkiisa gacantu. Mana jiro illaa hadda wax khasaare ah oo ka dhacay halkaasi.
Wixii warar kasoo kordha la soco…

Halkan Hoose  ka daawo Warka Wasiir ku xigeenku ku naqdiyey Xubno xukuumadda ku jira, kaasi oo sababay weerarka caawa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here