Dhalashadii Iyo Dhimashadii Laybaraaliyadda Cusub

0
54

Qore: Sh. Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Qarnigii 20aad dunida waxa ka dhacay isbeddello siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa jiray in bulshooyinka dunida ku uummani la daalaadhacayeen dhibaatooyin dhaqaale oo salka ku haya fikrado lagu hirdamayey, fikradahaa oo waxtar iyo waxyeellaba lahaa.

Qormadeennan waxa aynu ku eeggi doonnaa mid ka mid ah fikradaha dhaqaale ee wakhti xaaddirkan dunidu aadka u isticmaasho. Fikraddaa oo aynu ka eegi doonno soo ifbaxeedii, saamaynta ay yeelatay, loollamadii ay gashay, iyo ugu dambayn khasaaraha lagala kulmay.

Fahamka guud ee fikraddan kaaga bixi karaa waa ogaanshaha in ay tahay fikrad dhaqaale oo shaqaysay, saamayn siyaasadeedna yeelatay. Taas oo ka duulaysa: habka wax-kala-lahaanshaha, xakamaynta dawladdu ku leedahay ganacsiga, yaraynta cashuuraha lagu soo rogo macaashmacaashka, farogelin la’aanta suuqyada iyo in waaxaha dhaqaale ee dawladdu gacanta ku hayso loo leexiyo waaxo gaar loo leeyahay.

Sannadkii 1947-kii odaygii Friedrich Hayek iyo lix iyo soddon aqoonyahan oo ay ka mid ahayeen; Ludwig Heinrich Edler von Mises, Karl Raimund Popper iyo Milton Friedman ayaa dhidibbada u taagay mac-had aqooneed aragtidooda faafiya, oo ay u bixiyeen  Mont Pelerin Society.

Isku imaadkooda waxa la sheega in ay ka dambaysay iyaga oo la yaabbanaa dagaalkii labaad ee dunida ka dib, qaabdhismeedka bulsheed ee dunidu u socoto iyo aragtida Shuuciyadda ee xoogaysanaysa, lana wareegtay suuqii aragtida, ilaa Yurubtii Bari ay saamaysay. Waxa ay  u baqeen Galbeedkii Yurub in aragtida shuuciyaddu la wareegto. Waxa ay isku taageen sidii ay u badbaadin lahayeen aragtidoodii ay aaminsanayeen; xorriyadda hadalka, suuqa xortaa iyo aragtidoodii siyaasadeed ee Dimuqraaddiyadda.

Si ay uga dhabeeyaan aragtidoodaa waxa ay bud-dhigeen yagleelidda laba gole aqooneed:

  • Institute of Economic Affairs (oo carro Ingiriis ka fureen.)
  • The Heritage Foundation (oo Maraykanka ka dhiseen.)

1974-kii ayaa bilad-sharafeedda dhaqaalaha ee loo yaqaanno Noble Prize la siiyey hoggaamiyahoodi Friedrich Hayek. 1976-kii ayaa isna Milton Friedman oo kooxdan ka tirsanaa lagu maamusay bilad-sharfeedka dhaqaalaha ee Noble Prize. Intaa kadib waxa aad u faafay aragtidoodii dhaqaalaha ay ka lahayeen. Arday badanna waa ay ku soo xidhmeen, waxana u hanaqaaday ujeedkoodii durugsanaa ee Laybaraaliyadda Cusub “Neoliberalism”.

Laybaraaliyadda Cusub waa aragti laga soo falkay Laybaraaliyadda oo ahayd aragti qarnigii lix iyo tobnaad qaaradda Yurub ku faaftay. Dhaqaalayahankii Adam Smith oo Scotish ahaa iyo aqoonyahanno kale ayaa gorfeeyey sidii loo soo afmeeri lahaa saamaynta dawladuhu ku leeyihiin suuqyada iyo ascaarta dunida. Waxa ay soo jeediyeen dhimista cashuurta, wax soosaarka waddamada hore-u-maray oo xuduud lahayn, taas oo ula muuqatay jidka kaliya ee waddamadu ku horumari karaan, sababtayna in shirkadihii waaweynaa helaan dhaqaale badan.

Laybaraaliyadda cusub waa hab-siyaasadeed laga soo dheegtay cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha, taas oo ay xakameeyaan qodobbo dhaqaale, iyada oo laga soo guurayo waaxaha dawladda loona beddelayo waaxo gaar loo leeyahay. Asal ahaan waxa laga soo minguuriyey mabaadi’da asaasiga ah ee barashada cilmiga dhaqaalaha duugga ah, ee isaga laftiisa beryo dambe la casriyeeyay, taas oo soo jeedinaysa in dawladdu xaddiddo kabka, dib-u-habayna lagu sameeyo shuruucda cashuuraha, la yareeyo kharashaadka, la xakameeyo xidhidhada ganacsi ee dawladaha. Waxa ay ku tacalluqdaa sidii dhaqaaluhu xor u noqon lahaa iyada oo meesha laga saarayo xeerarka iyo caqabadaha xakamaynaya. Ujeedka ugu weyn ee ay leeyihiin waa in la helo macaamiil xor ah oo ka dhexeeya waaxaha gaarka ah, isla markaana dawladdu ka dhawrto farogelinta, sida; xeerar, cashuuro, iyo kab lagu farogaliyo.

Maalintii ay dhiseen labadaa mac-had ilaa soddonkii sannadood ee xigay wax saamayn ah dunida kuma ay yeelan. Laba dhacdo oo dunida saamayn ku yeeshay ayey se ka faa’idaysteen; sicirbararkii saliidda iyo khatartii aragtida isballaadhisay ee Shuuciyadda.

Dhowr iyo labaatan sano ka hor, burburkii Soofiyetku waxa u kor u qaaday hanka qolyihii ka soo horjeeday shuuciyadda, waxa ayna cod dheer ku sheegeen in uu guuleystay mabda’oodii dhaqaale ee furfurnaa. Waxa kale oo ay ballanqaadeen suuq dhaqaale oo xor ah iyo Dimuquraaddiyad dunida ku baahda.

Dagaalkii qadhaadhaa ee Vietnam ee ay khibradda badan ka dhaxleen shacabka reer Maraykan, waxa uu salka ku hayay mabda’ dhaqaale. Vietnam oo ahayd mid laga fuliyay istaraatajiyaddii Soofiyetka intii ka dambeysay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa ay noqotay meel lagu hirdamo, aakhirkiina u kala qaybsantay Waqooyi iyo Koonfur: Maraykanka oo la safnaa Waqooyi iyo Soofiyetka oo mabda’ii shuuciyadda hore uga fushaday.

Madaxwayne Nixon oo lagu dhaliilo dagaalkii Vietnam, waxa uu la kulmay dhaqdhaqaaqyo xooggan oo kaga yimid garabkiisii Koongeraska ku jiray, laakiin aan waxba ka beddalin qaabkii iyo xeeladdii dagaal ee Vietnam lagu wajahayay.

Marka laga yimaaddo mabda’a siyaasadda dhaqaale ee Shuuciyadda oo Neoliberalism-ku uu ka soo horjeeday faafitaankiisa, waxa kale oo uu si weyn dagaal ugula jiray mabda’ii dhaqaalayahankiii John Mayranrd Keynes. Keynes wuxu ahaa dhaqaalayahankii waddamada reer Galbeedka ka samato-bixiyey aafadii dhaqaale xumo ee ugu weynayd abid soo marta sannadkii 1930-kii, ee ku caan baxday (Busaaraddii Weynayd—The Great Depression.)

Aragtida dhaqaale Keynesian-ku waxa uu aad uga duwanyahay aragtida dhaqaale ee Laybaraaliyadda Cusub. Aragtiyahan is hirdiyaya waa ta keenta in xisbiyada siyaasadda waddamada reer Galbeedku ku kala qaybsamaan. Tusaale ahaan, waddanka Maraykanka waxa hoggaamiya labada xisbi ee lagu kala magacaabo Republican oo aaminsan aragtida dhaqaale ee Neolibberalism-ka iyo Democratic oo aaminsan aragtida Kenyenisan.

Labadan aragtiyood laftoodu waxa ay ka kala turjumayaan laba fikradood oo aan shaqo isku lahayn xagga nidaaminta dhaqaale. Tusaale ahaan; aragtida maamuldhaqaale ee Laybaraaliyadda Cusub waxa ay aaminsanyihiin (Trickle Down Economic) oo ah; inta lacagta haysataa kolka wax u kordhaan ayaa bulshada inteeda kale wax u kordhayaan.

Aragtidan dhaqaale waxa ay dhiirigelinaysaa in cashuurdhimis loo sameeyo ganacsatada waaweyn, shuruucda dhaqaalena loo fudaydiyo, iyaga oo ku doodaya in arrintani ay kor u qaadi doonto awooddooda dhaqaale. Waxa ay yidhaahdaan, “Waxa ay dhiirigelinaysaa ganacsatada waaweyn in ay maalgelinweyn ku sameeyaan shirkadahooda, taasina ay kor u qaaddo wax soosaarkoodii iyaga oo shaqaalaha u shaqeeya kordhinaya, shaqaalahaa cusub oo dakhligoodu kordho kolka ay shaqo helaan, halkaa oo ay iskaga dheelitirmi doonaan haynta dhaqaale ee shaqeeyaha iyo loo shaqeeyahu, sida oo kale horumar dhaqaale waddanku helo.”

Waa arrinta labaad e’ aragtida Neoliberalism-ku waxa ay aaminsantahay in suuqa iyo ganacsiguba ka madax bannaanaado gacanta dawladda (Goverment intervention) oo suuqu xor noqdo. Aragtidani waxa ay tilmaamaysaa in haddii dhaqaale burbur yimaaddo ama dhaqaaluhu hoos u dhaco in dawladdu aanay soo farrogelin, si suuqa xorta ahi isagu iskii isku cammiro markale.

Tusaale ahaan, kolka dhaqaale burbur yimaaddo waxa sida caadiga ah dhacda in shaqaale dhimis wayni timaaddo. Arrintani waxa ay keentaa in dadka tirada badan ee shaqada waayey ay dhaqaale xumo ku timaaaddo, taas oo sababta in shirkadihii waxba laga iibsan waayo, sidaa daaraddeed mar kale dhaxalsiiso in shirkadihii iyo ganacsatadii shaqaale dhimis sameeyaan. Suuqaa hoos u dhacay waxa uu keenaa in alaabtii lacag lagu iibsado la waayey ay shirkaduhu qiimahooda dhimaan si looga iibsado alaabta badan ee dheeriga ah (surplus). Sicirkaa la jabiyey ayaa keena in dadku alaab badan iibsadaan ama sameeyaan dalab (demand). Intaa ka dib waxa dhacda in nolosha ama suuqa wax kala iibsigu ahaado mid dheellitiran (equilibriam), shirkadaha iyo ganacsatadana uu dhaqaale soo galo taasina keento in shaqaale cusub qaataan,  dhaqaalaha guudna mar kale ku soo noqdo halkiisii.

Aragtida maamuldhaqaale ee Keynesian Ecenomic Model ee aadka uga duwan ka kor ku xusani, waxa uu tilmaamayaa in dawladdu doorweyn ku yeelato maamulka dhaqaalaha waddanka. Haddii aynu soo qaadanno tusaalihii kor ku xusnay si aynu u fahanno farqiga u dhexeeya labada aragtiyood ee ahaa haddii waddanka dhaqaale burbur ku yimaaddo sidee looga baxayaa?

Aragtida Keynesian-ku waxa ay sheegaysaa in dawladdu ay maalgeliso dhaqaalaha waddanka si looga baxo dhaqaale burburka. Tusaale ahaan dawladdu wakhtiyadan oo kale waxa ay abuurtaa mashruucyo shaqo abuur ah, iyada oo dhista ama dayactirta waddooyinka maalgelisa horumarka technologyadda, mashaariic kale oo lagu horumarinayo deegaanka fulisa. Mashruucyadan oo dhami waxa ay abuuraan shaqooyin tiro badan, taas oo keenta in dakhliga lacagta ee bulshadu kor u kaco. Tanina waxa ay dhiirigelisaa iibsiga alaabaha kala duwan iyo wax soosaarka shirkadaha ganacsiga iyaga oo qaadanaya shaqaale tiro badan. Keynesian-ku waxa uu aad uga duwanyahay aragtida kor ku cad ee Neoliberalism-ka. Aragtidani waxa ay xoojisaa shuruucda difaacaysa xuquuqda shaqaalaha iyo macaamiisha.

Aragtida ugu weyn oo loo aasaasay Laybaraaliyadda Cusub waxa ay ahayd mid lagula dagaalameyey aragtiyihii dhaqaale ee Shuuciyadda iyo Keynesian-ka oo wakhtiyadii 1930-kii ilaa 1980-kii aad looga tixgelinjiray waddamada galbeedka. Balse waxa Neoliberalism-ka horumariyey si weyna ay u tisqaadday xilliyadii Roneld Regean iyo Margrert Tatcher oo aaminsanaa fikirka kooxdan ay hoggaanka u qabteen Maraykan iyo Ingiriis, aragtidoodii buugaagta ku qornaydna u beddeleen siyaasad hirgasha.

Wakhtigeedii waxa uu soo idlaaday aragtidii Neoliberalism-ka  sannadkii 2008-dii, markii dhaqaale burburkii labaad ee ugu ballaadhnaa soo maray waddamada reer galbeedka. Kaas oo curyaamiyey kobocii dhaqaale ee waddamadaa, tobankii sano ee ugu dambeeyey. Asalka dhaqaale burburkan oo ay kentay aragtidii Neoliberalism-ka ku wajahnayd in shuruucdii dhaqaale la fududeeyo si ayna caqabad ugu noqon horumarka dhaqaale ee waddanka.

Aragtidani waxa ay keentay in bangiyadii waaweynaa ay daymo badan u xambaariyaan shicibka; mid dayntaa soo celinkara iyo mid aan qaadi karayn, iyaga oo eeganaya faa’idooyinkooda gaarka ah. Bangiyadu lacagta ay hayaan ee dadka la sii ammaahinaya waa lacag bulshadu dhigatay.

Dadyowgii lacagaha la daymiyey kolkii ay soo celinkari waayeen bangiyadii albaabbadaa loo isugu dhuftay qaarna dawladdaa la wareegtay. Taasi waxa ay dhaxalsiisay in burburkaa dhaqaale ee dhacay soo afmeero oo uu fashilmo aragtidii dhaqaale ee Laybaraaliyadda Cusub.

Sababta ugu weyn ee loo aaneeyo in ay soo afmeeranto aragtidii mudddada shaqaysay waxa ay salka ku haysay markii ay majaraha u siibtay xakamayntii dawladeed, taas oo kalliftay in iyadu ascaarta suuqa jaan-gayso, isla jeerkaana dhaqaale burburkii ku yimid samatabixin kari wayday.

Xigasho

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here