Dharaaro Xusuustood: “25 Sanno Kadib Yoonis oo Weli Nabad Raadinaya!”

0
1
Mohamed Saeed Gees, Executive Director

Prof. Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Waa Ceerigaabo, waa bishii Ogost ee sannadkii 1993-kii, waa shirkii nabadaynta beelaha Gobolka Sanaag. Ergo ka timi bariga Sanaag ayaan u soo horreynaa, waxaanna laba xallaaf la noo dhigay qol ka mid ah hudheel dunsan oo xilligaas ku yaalay Ceerigaabo, waanna aniga iyo mujaahid Maxamuud Cabdi Cali Bayr. Gidaarada Hudheelka waxa ku qornaa; ‘Graffiti’ ama qoraalo lagu faygaray. Waxa mar caan ahayd hees uu qaado jiray marxuun Xaliimo Khaliif Magool oo ahayd ‘Jacayl dhiig ma lagu qoray.’ Hadda sheekada waxay ahayd; ‘Nacayb dhiig ma lagu qoray’

Qoraalada qaar ayaa dhiig ku qornaa oo aroor kasta aad ku xusuusanaysay godobta meesha taalay. Raashiinka iyo taakulada shirka waxa bixinaysay Hay’ad samofal ah oo la odhan jiray Somali Development and Relief Agency (SDRA) oo saldhiggeedu ahaa dalka Jabuuti oo ay wadeen xubno Reer Sanaag ah. Xiligaas hudheello cunto kama furnayn magaalada, haddii qoraxdu dhacdo meel wax laga iibsado iyo cunto ma jirin.

Cuntada bisil ee la heli jiray xilliyadaas waxay ahayd buskudka Abu Walad ee lagu samayn jiray dalka Yemen, kaasoo laga keeni jiray Bosaaso, buskudkaasna suuqiisu xaami ayuu ahaa oo daba-qabsi ayuu ahaa.

Yoonis-yare waa wiil 7 jir ah oo ilko dhacsaday, wuxuunna ka soo jeeda qoys reer Ceerigaabo ah oo caan ah, waanna laba qof oo kaalin mug leh ka qaatay nabadda degaannada Gobolka Sanaag. Yoonis-yare marka loo keeno buskudka oo lagu iibin jiray dukaan hooyadii ku lahayd gurigooda, ayuu dhawr xabbo noo soo qarin jiray aniga iyo Bayr, waxaannu odhan jiray; ‘Waar bahalkii aad ku noolaydeen ayaan idiin sidaa.’ KKKK.

Anaguna waxa aannu uga sheekayn jirnay sheeko xariireedkii Yoonis Tuug oo ku xanaakadayn jirnay. Yoonis-yare wuu garanayey qaxa, xabbadda iyo baro-kaca. Waxa uu ka sheekayn jiray islaan ay jaar ahaayeen oo saddex wiil lahayd oo laba ka mid ah ay ku dhinteen dagaaladii dhacay.

Sannadkan 2018 mar laga joogo saddex bilood ayaan warbaahinta ku arkay Yoonis oo shir Jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo oo ka hadlaya heshiiska Ceel-Afweyn oo ka dhigaya in la qodqodo. Warkaas ayaa xusuus igu kiciyey oo aan sheekadan dib u millicsaday. 25 sanno kadib ayuu Yoonis weli nabad ka raadinayaa Sanaag, isaga iyo kumanyaal la mid ihi. Maxaa dambi la iga galay oo hadda laga gelayaa carruurta soo koraysa. Waxa aan xasuustay heestii heestii Cabdi Muxumed.

Qolka huteelka waxa nagu soo booqan jiray odayaal badan oo garanayey Mujaahid Bayr oo Jabhadahii SSDF iyo SNM ka mid noqday oo caan ku ahaa. Waxa maalin noogu yimi Chief Caaqil Maxamed Xaaji Ducaale (Dhoolayare), waana Aabbaha dhalay Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo waqti dheer Wasiir ka ahaa Somaliland.

Waxa Caaqilku nooga sheekeeyey kaftan dhexmaray isaga iyo Maxamed Siyaad Barre, waxaannu yidhi; “Maxamed Siyaad Barre ayaan kulanay, markaas ayuu i weydiiyay waxa ka jira sheekada uu maqlay ee ah inaan caaqil u ahay dad ka soo kala jeeda beelo kala duwan oo Soomaali oo dhan ah oo HABAR-WADAAGTA la yidhaahdo. Waxaan u sheegay inay run tahay oo weliba uu Mareexaan ka mid yahay (waa ardaagii Siyaad Barre). Dabadeedna waxa uu igu yidhi oo sidee ayaad isugu waddaa anigu Soomaali isku wadi kari waayey eh? Waxa aan ugu jawaabay; sinnaan iyo caddaalad ayaa ii suurtageliyey. Waa igu qoslay.”

Waxa kale oo caaqil Maxamed Xaaji Ducaale nagu yidhi; “Waxa aan soo joogay calan-saarkii xorriyadda 1960, haddana waxaan joogay dib-ula-soo noqoshadii iyo ku-dhawaaqi madaxbannaanida Somaliland ee Burco sannadkii 1991. Maxaa lagala daalaa saw tala –xume siyaasi Somaliland ah kolay kala tuuri maayo.”

Maxamed Xaaji Ducaale waa ku af-gobaadsaday ee waxa uu u jeeday Siyaasi Soomaaliyeed ee aniga iyo Bayr ka mid ahayn ayaa kolay burburinaya waxa la dhiso!!. Nin oday ah oo reer Jabuuti caan ah oo waxtar badnaa oo la yidhaahdo Andiwaa (Masiixi Ah) ayaa hadal kaas u dhow isna igu yidhi mar aan Jabuuti kula kulmay; “Halkan waxa igu soo mara siyaasi reer Somaliland ah oo ku dhaaranaya, waqti yar ka dib isaga oo federaal ah. Mid kale oo Puntland u ololaynaya, wax yar kadib isaga oo federaal ah, waqti dabadeed isaga oo Somaliland ah. Garaadkayga (Intelligence) ayey meel kaga dhacayaan ee dadka maxay moodayaan?” ayuu igu yidhi ninkaas Reer Jabuuti.

Waxa aan ahay nin midabyeynaya oo maalinba muunad gooniya eh; Waa arrin dhab ah. Siyaasiga Soomaaliyeed waxa ku dhacda wax la yidhaahdo (Political Amnesia) oo ah hilmaam ama ilawsho wixii siyaasad ahaa ee uu u taagnaa ama uu u soo halgamay. Wixii xeer ahaa uu curiyey ama ka soo shaqeeyey ama uu wax ka soo dhisay marka uu iska dhex arki, waayo wixii uu dhisayey. Waxa uu u ekaadaa xalay dhalay. Waar waxan adiga ayaa soo dhisay oo adigaa curiyey oo adigaa u soo dagaalamay, bal adba ku kar.

Waqtigii magaalada Hargeysa laga furay shineema (Sinimoo) u horreysay, ayaa lala wareegi jiray boodh lagu xayeysiinayo filimka habeenkaas socda. Marmar ayey sawirka ay boodhka ku dejiyaan iyo filimka socdaa uu kala kala-jaad noqon jiray oo filim ay hore u dhigeen ku soo celin jireen.

Marka taasi dhacdo ayaa ciyaalku foodhi isku dari jireen oo wada oogsan jireen oo foodhyi jireen. Ma is-tidhi waxa Somaliland u baahan tahay cid ku foodhida siyaasiinta ku kaca hab-dhaqankaas ay ku daadefaynayaan wixii ay hore u qabteen ama u ololayn jireen ama siyaasiyiinta guur-guurta ee kolba dhinac ka soo jeedsada.

SHARE
Article horeBulshada Ku dhaqan Magaalada Boorama Oo Cabsi Badan Ka Muujiyey Biyo Qulqulaya Oo Dumiyay Guryaha Qaar
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here