Dhiig Yaraanta. (W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”)

0
1

Dhiig yaraantu waa xaalad caafimaad oo unugyada cascas ee dhiiggu ay ka yaraadaan intii caadiga ahayd. Unugyada cascas ee dhiigga oo la odhan karo waa shidaalkii jidhka qofku ku shaqaynayey, waxa ay innoo qabtaan shaqooyin noolaanshaha qofka daruuri u ah. Waxa ay qaadaan oo ay jidhka u qaybiyaan ogsajiinta si cuntada tamar looga dhaliyo, waxa kale oo ay jidhka ka saaraan wasakhda cuntada ka hadhay sida kaarboon dayogsaaydka. Haddaba yaraanta ka timaadda unugyadan cascas ee dhiiggu waxa ay hoos u dhigtaa ogsajiintii xubnaha kala duwan ee jidhka la gayn lahaa, taa soo aad u khatar badan haddii unugyada qaarkood ogsajiintoodu hoos u dhacdo, xataa muddo kooban.

Dhiig yaraanta oo keeni karta dhimasho degdeg ah marka unugyada cascas aad hoos ugu dhacaan, waxa ay ku iman kartaa saddex nooc.

  1. Dhiigbax

Dhiig baxu waa marka uu qofka  lumiyo xaddi badan oo dhiig ah oo waxyeello u geysan karta. Dhiigbaxu waxa uu noqon karaa mid degdeg ah sida nabar ama qoon qofka soo gaadhay, iyo mid muddo dheer qaata. Dhiig baxa oo ah xaaladaha ugu badan ee keenta dhiig yaraantu, da’aha kala duwan waxa uu ugu yimaaddaa siyaabo kala duwan. Dadka kontonka sano korka uga weyn waxa uu ugu iman karaa kansarro ku dhaca marinka dheefshiidka, sida midhicirrada iyo caloosha. Dadka da’ dhexaadka ah na inta badan waxa ku keeni karta boog caloosha ama midhicirrada ku taalla oo dhiig samaynaysa. Dhiiggan aan ka hadlaynaa waxa uu noqon karaa mid muuqda oo la matago ama saxarrada lagu arko, iyo mid ili ma qabatay ah oo saxarrada raaca. Si gaara dhiig baxu waxa uu ku badan yahay dumarku ku jira xilliga ilmo qaadka, kaa soo uu kaga lumo dhiiggu xilliga caadada ama dhalmada.

  1. Soosaaridda dhiigga oo yaraata

Qofka mudda karka ah dhiigga waxa lagu sameeyaa lagana soo saaraa lafaha. Hoos u dhaca soosaaridda dhiigga ee lafuhu waxa ay u dhici kartaa laba midkood. Waa mide waxa ay noqon kartaa waxyeello ka jirta lafaha. Waxyeelladan lafaha ka jirta ee yaraynaysa soo saarka unugyada cascas ee dhiigga sida badan lama yaqaanno waxa keena, laakiin waxa fududayn kara fayrasyada iyo dawooyinka qaarkood, mararna waxa keena kansar lafaha ku dhaca. Marka labaad soosaaridda dhiigga waxa yarayn karta walxihii dhiiggu ka samaysnaa oo yaraada ama la waayo. Walxahan samaynta unugydada cascas ee dhiigga lama huraanka u ah waxa ka mid ah, birta ayroonta, faytammiinnada sida B12, B9 (foolayd), iyo borootiinka golobiinta. Walxahani waxa ay sameeyaan maaddada loo yaqaanno hemagolobiinta, taasoo ogsajiinta xambaarta. Noocani waa ka ugu caansan ee dunida oo dhan sababa dhiig yaraanta. Dhiig yaraanta oo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunku ku qiyaasatay in ay la nool yiihiin ku dhawaad saddex meeloodoow hal meel dadka uunka korkiisa saaran, nooca ugu badani waa ka ay keento marka ay yaraato maadda ayroontu.

  1. Burburinta dhiigga oo badata

Sida caadiga ah unugyada cascas ee dhiigga afartii biloodba mar ayaa la beddelaa oo kuwa cusub la soo saaraa. Habkan badashada burburinta dhiiggu waa qaab aan caadi ahayn oo loo burburiya unugyo cascas oo aan cimrigoodhii dhammaysan, shaqadoodana jidhku u baahnaa. Labada xaaladood ee ugu caansan ee badiya burburinta unugyada cascas ee dhiiggu waa mar difaaca jidhku burburiyo iyo mar ay keento xaalado la dhaxlo oo lala soo dhashaa. Xaaladaha difaaca jidhku burburiyo unugyada cascas ee dhiigga waxa ka mid ah marka qofka dhiig aan kii sii la mid ahayn lagu shibo. Dhiigga cusub jidhku waxa uu u aqoonsadaa shay qalaad oo ku soo qaldamay dabeedna habka difaaca ayaa weerar iyo burburin ku bilaaba. Mar kale waxa ay u dhacdaa haddii hooyadu ilamaha ay uurka ku siddaa ka dhiig nooc duwan yahay. Arrintani waa arrin aan badnayn laakiin dhaqan ahaan Soomaalidu taqaanno. Waata keenta in hooyadu ilamaha u horreeya maahee kuwa kale oo dhammi bakhti ku soo dhashaan

Xaaladaha la dhaxlo ee badiya burburinta dhiigga wax aka mid ah kuwa loo yaqaanno sikal sal aneemiya, hiriditari isfiirasaytoosis iyo qaar kale oo la mida.  Sidoo kale burburinta dhiigga waxa badin kara xanuunnada qaar sida kuwa kaneecadu ay keento ee duumada.

Habkii la doonaba ha u dhacdo, wixii doonaana ha sababo e, waxa jira calaamado guud oo lagu yaqaanno dhiig yaraanta. Hooyoo bal iska hubi in aad caalamahadan isku aragtay. Daal iyo awood darri, neef qabatow iyo laab xanuun, indhomadoobaad iyo indhaha halka hoose ee cas oo caddaata, madax xanuun,  dawakhaad iyo garaaca wadnaha oo bata. Calaamadahani maaha qaar u gaar ah dhiig yaraanta, laakiin haddiiba aad isku aragtay la xidhiidh dhakhtarka, si xal looga gaadho.

W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Ubaxle959@gmail.com

SHARE
Article horeMadaxweynaha Oo ka Hadlay Shakhsiyada Xildhibaan Isku Darsaday Hibooyin Kala Duwan Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here