Dhul Loogu Talo Galay in laga Dhiso Xarunta Cilmi-Baadhista Qaranka Oo Loogu Magac Daray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Oo Saq-Dhexe Boob Lagu Sameeyey+SAWIRRO

0
1

HARGEYSA: Dhul Loogu Talo Galay in laga Dhiso Xarunta Cilmi-Baadhista Qaranka Oo Loogu Magac Daray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Oo Saq-Dhexe Boob Lagu Sameeyey & Qaylo-dhaan Madaxweynaha La Gaadhsiiyey

Dhulkani wuxuu Kamid Yahay Laba Bogcadood Oo Loo Asteeyey Dhismaha Xarumo Waxbarasho oo Loogu Magac Daray Suld. Maxamed Suld. Faarax Iyo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Ayaa Midna la Hirgeliyey Midna La Fadhataystay
 

Hargeysa  (Hubaal)- kooxo ku mamay boobka danta guud ayaa habeen hore  saqdii dhexe isku dayay hawlgal ay ku bililiqaysanayaan Dhul ay lahayd wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo ku yaalla xaafadda masallaha ee degmada Axmed dhagax ee magaallada Hargeysa. Dhulkan oo cabirkiisu yahay hal bloog oo uu maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir uu sanadkii 2010-kii ku wareejiyey wasaaradda waxbarashada ayaa  loogu talay in laga hirgeliyo xarun cilmi baadhiseed oo qaranku leeyahay oo loogu magac daray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac [Garaad Cabdiqani National research Center] kaasi oo kamid ahaa laba bogcadood oo cahdigii uu wasiirkii hore ee  wasaaradda waxbarashada xilkeeda hayay Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi dheere) uu ugu talo galay in laga kala dhiso dugsi sare oo loogu magac daray suld. Maxamed Suld. Faarax [Dhismahaas oo la higeliyey] iyo xarun loogu magac daro Garaad cabdiqani Garaad JAamac [Garaad Cabdiqani National Reseach Center] ayaa kooxahan  oo in dhawaaleba u darbanaa sidii ay u booby lahaayeen dhulkani waxaa ay saqdii dhexe ee xalay iyaga oo sarabado iyo faashash ku hubaysani waxaa ay dhulka la simeen kaabado sumad ahaan looga dhisay halka dhulkaasi yahay iyaga oo gebi ahaanba burburiyey wax alla wixii astaan u ahaa dhulkaas marka laga reebo makhsin yar oo muunad ahaan halkaasi ugu yaallay iyo dhawr kaabadood oo shub ah oo iyaga uu waagu ka baryay.  Kooxahan ayaa sidoo kale waxaa ay fujiyeen isla markaana ay qaateen boodh uu ku xardhanaa magaca xaruntan la dhisi doono iyo sawirkii alla ha u naxriistee garaad Cabdiqani, kaasi oo sumad u ahaa dhulkan. Koox weriyeyaal ah oo shalay  kormeer ku tegey halka dhulkaasi ku yaallo oo aan weli laga hirgelin dhismihii loogu talo galay balse haatan qorshaha wasaaradda uu ugu jiray sida aanu warka ku helnay  ayaa markii ay gaadheen waxa ay dadka deegaanku u sheegeen in ay shalay nabad qab ku ogaayeen kaabadihii dhulkaasi summada u ahaa  balse ay  subaxnimadii markii waagu beryay ku war heleen  guluf habeennimadii xalay lagu miray dhulkii iyada oo sidoo kale waayeen boodhkii ku yaallay meeshay. Hooyo kamid ahayd dadkii deegaankaasi deganaa oo xilliga ay weriyayaashu booqdeen iyadu mayracaysay xayn adhi ah oo daaqayay agagaarka dhulkani ku yaallay ayaa iyagu walaac kamuujiyey mustaqbalka ubadkeeda  oo ay sheegtay in ay markii hore rejo weyn ka qabtay in mustaqbalkoodu wacnaan dono marka loo hirgeliyo xaruntan oo ay sheegtay in dhulka danta guud ah ee laga gooyay  uu kamid ahaa beer ay ehelkoodu lahaayeen oo markii la qorsheynayay loo asteeyey inta xaruntan loogu talo galay iyo inta dugsiga sare ee garaadka loogu magac daray laga dhisay “Wallaahi waxaan is lahaa ubadkiinu qayrkood ha la tallaabsadeen laakiin maxay kaaga taallaa waata sidaas loo galay meeshii dhamayd ee aanu is lahayn caruurtu wax ha idiin ku bartaan, cidda waxaasi samaysay waxay rabaan uun in ubadkayagu uu lamid noqdo xoollahaas aanu raacayno” ayay tidhi hooyadan oo warriyeyaashu wax ka weydiyeen waxa ay ka ogtahay burburka loo geystay kaabadahan, waxaana iyada oo wejigeeda walaac iyo murugo kamuuqdo ay doodeeda ku ladhay “shandad lacag lagu sito ayaa jejebiyey kaabadaha [iyada oo u jeeda in cidda dhulboobka samaynaysaa ay doonayaan in ay iibiyaan dhulkan oo xilligan bogcadaha lamidka ah ee xaafadaasi ku yaallo uu qiimo adag iibkiisu marayo”.

 

wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo waqti xaadirkan uu wasiir ka yahay Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xir [Faratoon) oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino waxa ay ka ogyihiin burburka kaabadahan loo geystay iyo cidda boodhka fujisatay ee ay dadka xaafaddu walaaca kamuujiyeen ayaanay noo suurto gelin.

 

Wararka aanu helnay ayaa geesta kale tibaaxaya in kasokow cadaynta uu maayar soltelco ku muujinayo in dhulkan ay wasaaraddu iska leedahay ay ku jirto dalab sharci oo xafiiska garyaqaanka guud lagaga codsanayo in uu sharciyadda ku ilaaliyo lahaanshiyaha dhulkan isla markaana faafin rasmi ah ku soo saaro, taasi oo illaa hadda aanu  garyaqaanka guud ee qaranku wax faahfaahin ah iyo faafin ah tona kasoo saarin,  isla markaana aanu kaalintiisii fulin maadaama oo u yahay masuulkii qaranka u qaabilsanaa arrimahan. Marka la barbar dhigo maayarka Caasimadda oo isagu door muhiim ah ka qaatay cadaynta dhulkan iyo sifooyinka sharci ee loo cuskaday lahaanshiyahiisa wasaaradda..

 

Garaad Cabdiqani garaad jaamac ayaa kamid ahaa rukumada miisaanka leh e eqaranka Somaliland lahaa ee doorka shariifka ah kasoo qaatay halgankii SNM iyo hubkadhigistii iyo weliba shirarkii nabadaynta ee qaranku soo maray, isaga oo ahaa garaadka guud ee beellaha gobolka Sool., waxaana damacan lagu boobayo dhulka laga dhisayo xarunta cilmi baadhista qaranka ee isaga loogu magac daray ay dhaawac ku noqonaysaa milgihii iyo maamuuskii uu qaranka ka mudnaa,  iyo meel ka dhac eexasho ku ladhan tahay oo look ala samaynayo haldoorkii dhaqanka, maadaama oo labada bogcadood ee wasiirkii hore ee waxbarashadu ugu talo galay in laga kala dhiso laba xarumood oo waxbarasho oo loogu kala magac daro Suldaan Maxamed Suldaan faarax iyo Garaad Cabdiqani garaad Jaamac midna la hirgeliyey dhismihiisii oo waxbarashadii kasocoto kii kale ee garaadka loogu magac darayna la boobayo.

 

Arrimahan ayaa ku soobeegmaya xilli uu qaranka hoggaamintiisa hayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aqoon fiican u lahaa garaad Cabdiqani garaad jaamac islamarkaana ay xilligii halganka hawlgo badan soo wada qabteen, waxaana la dhawrayaa tallaabada uu ka qaadi doono arrintan. Waxaana dadka deegaanku ay qaylodhaan u direen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay in uu sida ugu dhakhsaha badan arrintan wax uga qabto

op



A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here