HUBAALMEDIA.COM
“Dhulkii Uu Qaranku Lahaa Faraha Ayuu Ka Baxay, Dadkana Iimaanka Ayaa Kasii Tegeya Marka Uu Hiktor U Biiraba”
October 15, 2016 - Written by admin

guddoomiyaha-maxkamada-sare-aadan-xaaji-cali

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha maxkamadda saree e Somaliland prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka xog-warramay guud ahaan kiisaska bahda caddaaladda horyaalla ee dacwadaha ah, waxana uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey dhibaatada muranka dhulku ku hayo bahdooda iyo weliba weriyayaal xidhxidhan oo dacwado lagu soo oogay.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer u warramay weriye Keyse Axmed Digaale oo katirsan HCTV, ayaa ugu horrayn ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sababta keentay in weriyayaal muddo dheer xabsiyada ku jiraan iyada oo maxkamaddu hore u shaacisay inaan weliyaha la xidhi doonin, waxana uu si gaar ah uga hadlay kiiska weriye Axmed Muuse Sakaaro oo toddobaadyo ku xidhan xabsiga Burco, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “mushkulado xagga xeerka ah baa jira, laakiin siyaasaddii cusbayd aanu soo saarnay ee ahayd in weriyuhu isaga oo dibadda joogo uu is-difaaco waa sideedii, laakiin kiiska weriye Sakaaro, isagu wuu ku duwan waxa lagu eedeeyeyna fal saxaafadda la xidhiidha ma ahee waxa lagu eedeeyey waa fal-ciqaabeed, waxa lagu eedeeyey kicin dadweyne iyo amniga inuu khatar ku yahay, maxkamad ahaanna annaga waxa nala gudboon inuu garnaq caddaaladeed helo.”

Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay in weriye Sakaaro lagu eedeeyey kiis la xidhiidh kicin, balse uu garsoor caddaaalad ah heli doono, isaga oo carrabka ku adkeeyey kiis kale oo magaalada Hargeysa loogu haysto qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo dheer xabsi ku jira,“maxkamadda gobolka waxa la horkeenay kicin, laakiin waxa uu heli doonaa difaac iyo maxkamad xor ah oo uu isku difaaco, keligiina ma ahee Hargeysa wax aka socda dacwadda nin kale oo Siciid Gahayr la yidhaahdo, isagana waa la eedeeyey oo fal amnidaro oo madaarka Hargeysa la xidhiidha ayaa lagu eedeeyey maxkamaddiisuna way u furnayd cidkasta.” Ayuu yidhi guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Dhinaca kale guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ugu badan ee bahda caddaaladu kala kulmaan muranka bulshada, waxana uu hoosta ka xarriiqay in doodaha lahaanshaha dhulka ka taagani yihiin caqabada ugu weyn ee hortaagan, waxana uu yidhi,“Cabashada ugu badan ee dalka oo dhan ka jirtaa waa Dhulka, dhibkuna waa qarankii dhulka lahaa ayuu dhulkii farihiisii ka baxay, dabadeedna shicib baa isku haysta oo ku dagaallamaya, dadkiina maalin walba way sii iimaan beelayaan, marka uu Hictor u biirana Iimaankaa kasii tegaya”

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u carrabaabay dhibka dhulka ku yaalla magaalada Burco ku hayo bahda garsoorka, isaga oo xusay in ay Burco soo socoto meelo ay caasimaddu hore usoo dhaaftay,“Burco waxa ay maraysaa halkii ay Hargeysa maraysay 2002,2003,2004-tii, sababtuna wax kale ma ahee magaaladii baa fidaysa, dhulkiina wuu sii qaaliyoobaysaa, imika Hargeysa dadkii way isla daaleen dhulkiina wuu dhammaaday.” Ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews