Dilalka Qorsheysan Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Oo Kordhay Xili Lagu Bisha Baraysan Ee Ramadaanta

0
1

Labo Dhalinyaro Ah Oo shalay Lagu Dilay Isgoyska Bakaaraha

Muqdisho (Hubaal) Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku toogteen Labo Wii loo dhalinyaro ah Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal,

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in kooxo hubeysan toogasho ku dileen Labo dhalinyaro ah kaddibna goobta ka baxsadeen

Waxaa ay xaqiijiyeen goobjoogayaal in dhalinyaradan ay ka shaqaysan jireen Busteejada Suuqa Bakaaraha oo gaadiidka BLka ay ka qaadi jireen lacagta Busteejada.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.

Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama sida muuqata maalin walba ay magaalada ka dhacaan dilal loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda ka tirsan.

SHARE
Article horeDAAWO: Dareenka Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Hargeysa Lagu Soo Celiyay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here