Diyaarad Air bus Ah Oo Ay Saarnaayeen 162 Qof Oo Ka Soo Duushay Indonisa Kuna Socotay Singapore Oo La La’ Yahay Jaan Iyo Cidhib meel ay dhigtay(DAAWO)

0
19

Diyaarad Airbus ah oo kuwa rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Air Asia oo ay saarnaayeen 162 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, kaddib markii mar kaliya laga waayay khadkii isgaadhsiinta.

Diyaaradan oo flight, Numbarkeedu ahaa QZ8501, ayaa markii la waayay hawada ku jirtay Laba iyo Afartan daqiiqo oo kalya, waxa ay ka soo duushay magaalada Surabaya, oo ku taalla dalka Indonisia, waxaanay ku socotay wadanka Singapore, waxaana lagu soo waramayaa in khadka sgaadhsiinta ee lagu hago diyaaradaha ay ka baxday Todobadii saac ee subaxnimo wakhtiga wadamadaas, waxaana socda hawl-gallo baaxad leh oo lagu baadi goobayo diyaaradan.

maab rakaab

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here