HUBAALMEDIA.COM
Donald Trump Oo Ugu Dambeyn Xisbul-Jamhuurigiisu Ugu Dhawaaqay Inuu Yahay Musharraxa Xisbiga Ee Doorashada Madaxweynaha
July 19, 2016 - Written by Mustafe Faro

TRUMWashington (Hubaal) – Munaasabad ballaadhan oo wufuud kala duwan ay ka qayb-galeen oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka OHIO ee dalka Mareykanka ayaa lagu Caleemo-saaray Donald Trump.

Xisbiga Jamhuuriga ee Waddanka Mareykanka ayaa kulanka ku caleemmo-saaray Donald Trump inuu noqdo Murashaxooda ku meteleyo Doorashada Madaxweynaha ee Dalka Mareykanka ka dhici doonta Bisha November ee Sannadkan 2016-ka.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Tageerayaasha Musharrax Donald Trump ay farxad ka muujinayeen goobta Munaasabaddu ka dhacday, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan Trump.

Sidoo kale, Dadweyne kala duwan oo goobta ka hadlay ayaa khudbooyinkooda diirada ku saaray waxa laga filan karo Murashax Donald Trump iyo is-beddelka uu kusoo kordhin karo Mareykanka haddii uu ku guleysto Doorashada madaxdatinimo Mareyanka.

Duqii hore ee Magalada New York, Rudolph W. Giuliani oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Mareykanka ay mideysnadaan, wuxuuna dhanka kale ku amaanay booliiska dalka Mareykanka hawsha ay hayaan, isagoo carabka ku dhuftay in looga baahan yahay inay shacabka Mareykanka midab ku kala soocin, balse ay badbaadiyaan.

Murashax Donald Trump, ayaa Munaasabada kusoo dhaweeyay xaaskiisa oo uu ku sheegay inay tahay Marwada 1-aad ee dalka Mareykanka ee la filayo dhawaan marka ay doorashadu dhacdo November ee Sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Marwada Donald Trump oo lagu Magacaabo Melania Trump ayaa xustay in odaygeeda uu yahay Hoggaamiya Cajiib ah, isla markaana Niyad-jabin weligiis, iyadoo ka Codsatay Dadweynaha Mareykanka inay kalsooni buuxda ku qabaan Trump, isla markaana ay codkooda siiyaan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews