Dood Ka Taagan Ergooyinkii Ku Guuleystay Dejinta Qalalaasihii Siyaasadeed Ee Boorama Ka Dhacay?

0
19

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa deggen saddex toddobaad kaddib markii ay magaaladaasi hadheeyeen cadho siyaasadeed iyo bannaanbaxyo liddi ku ah qarannimada dalka Somaliland, kuwaas oo daba socday baaq ka soo yeedhay hoggaamiye-beeleed ka tirsan beelaha degaanka Boorama oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland. Bannaanbaxydan oo aanay cidi ku dhiman ayaa aakhirataankii sababay in xabsiga Madheera loo taxaabo tobannaan dhallinyaro ahaa iyo xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Boorama, loona haysto inay lug ku lahaayeen qalalaasaha dhacay.

Kuleylka siyaasadeed ee ka dhashay gobolka ayaa waxa demintiisa isku bahaystay ergooyin kala duwan oo isugu jiray masuuliyiin dawladeed, ganacsato ama baayac-mushtar, ergooyin madax bannaan, ciidammo sitay direys iyo hub kala duwan, hoggaamiye-dhaqmaeedyo iyo shacbiga magaalada Boorama.

Haddaba markaad eegto sida uu ku yimi deggenaanshaha magaalada Boorama ee wakhtigan, ayaa cid kastaa dib u xusuusanaysaa derejooyinka iyo tirada ergooyinkii ka qayb qaatay xiisaddaasi xallinteeda, siday u soo kala horreeyeen, siday u kala dambeeyeen iyo xitaa siday u gudo-galeen hawshaasi, ergeda ku guuleysatay iyo tan caawinaysay.

Laba ilaa saddex maalmood oo xaaladda magaaladu degi weyday, isla markaana ammaanku faraha ka bixi gaadhay ayaa ergedii u horreysay ee lagu soo tuuray qiiqa taayirada madoobeeyey jidadka burbursan ka mid ahaa laba masuul oo ka soo jeeda beelaha Suldaan Wabar ee Jibriil-Yoonis, kalana ahaa wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac abgaal, iyo wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Xasan Daahir Dhimbiil, waxana maalin kaddib lagu soo xoojiyey Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud iyo wasiirka Duulista, Maxamuud Xaashi, dhammaantoodna arrimaha dhacayey marka hore kala xidhiidhay Badhasaabka Gobolka Awdal, Cabdoo Aayir oo wakhtigaas ka soo laabtay dalka UK, Maayarka Boorama iyo taliyaha Booliska gobolka.

Culayska ugu weyn ee deggenaansho la’aanta siyaasadeed ayaa ku dhacay wasiir Abgaal iyo Xasan Daahir, waxayna markiiba wada-hadal iyo gacan ka hadal foodda isku dareen beelaha ay ka soo wada jeedaan iyaga iyo Suldaan Wabar, gaar ahaanna guddi-beeleedka Jibriil-yoonis, laba maalmood oo wada-hadal ahaana waxba ka socon waayeen in xaaladda la dejiyo, ayaa labada wasiirba markii u horreysay ka hadleen dareenkooda ku saabsan baaqa Suldaan Wabar kuna tilmaameen mid waxyeelo ku ah dalka iyo beelaha ay ka soo wada jeedaan, sidaas darteedna aanay aqbali doonin wax ka baxsan Somaliland-nimada, iyagoo dhinaca kalena eedeyn u direy qurba-joogga reer Awdal.

Intaas kaddib waxa ergeda soo galay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Suldaan Cilmi Kabaal, oo iyagu iskoodna iskugu xilqaamay wax ka qabashada xaaladda, toddobaad kaddibna heshiis qabyo ah lagu gaadhay ilaalinta amniga iyo in la keeno Suldaan Wabar, loona diray ergo beeshiisa ah, balse taas waxba kama socon, waxaana kaddib la wareegay Salaadiinta reer Awdal balse maalmo kaddib waxay sheegeen inay arrinta Suldaankaasi ka hadheen carqalad kaga timi dhinacyo badan awgeed, iyadoo kaddib tallaabo Suldaanku qaaday ay dhibsadeen beelaha haya kursiga ugu sarreeya ee gobolka Awdal, waxayna eedeyn dusha uga tuureen Suldaan Wabar iyo beeshiisa, kuna tilmaameen kuwo Somaliland-diid ah, hase yeeshee maalin kaddib waxa arrintaasi gaashaanka ku dhuftay oday-dhaqameedyo ka soo jeeda beesha Suldaan Wabar, sheegeyna inay Somaliland yihiin horena u ahaayeen, Suldaan Wabar-na aanay ku raacsanayn go’aanka uu qaatay.

Kadib xaaladda oo halkaas maraysa ayaa waxa ergeda ku soo biiray wefti uu horkacayey Madaxweyne Ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Saylci, laba maalmood kaddibna beelaha kale ee reer Awdal iyo beelaha uu ka soo jeedo Suldaan Wabarna kala tegeen, ayaa doodda haatan taagani tahay ma ergooyinkii hore u joogay gobolka ee lixda wasiir iyo maamulka gobolkaa ku guuleystay mise Madaxweyne ku-xigeenka?

Jawaabaha su’aashaasi weli doodbaa ka taagan. Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa ergeda wasiirada iyo tan madax bannaanaydba ku tilmaamay inay ahaayeen kuwii arrinta soo dhaweeyey, dheri ay 12 maalmood karinayeenna laba maalmood gudahood Madaxweyne Ku-xigeenku kagala wareegay xoog ciidan iyo xoog dhaqaale, halka dhinaca kale ee dadweynuhu aaminsan yihiin inaan arrinta Boorama dhammaateen hadii aanu Madaxweyne Ku-xigeenku soo gelin.

Si kastab ha ahaatee waxa meesha ku jira tallaabo horumar ah oo ay sameeyeen ergooyinkii madaxa bannaanaa, ee ay ka midka ahaayeen Mujaahid Cabdiraxmnaan Aw Cali, Salaadiintii, lixdii wasiir iyo maamulkii gobolka Awdal, loona baahnaa inaan laga masuugin, isla markaana ay ahayd in ergooyinkaasi iyo Madaxweyne Ku-xigeenku qabtaan xaflad dedaalka ergooyinkaasi lagu muujinayo, lana qiimeeyo kaalintii ay ka galeen deminta xiisaddaasi, Madaxweyne Ku-xigeenkuna ku ammaano dabkii ay demiyeen iyagoon biyo haysan niyaddana u dhiso cid kastoo waddaninimo ka muujisay arrinta Boorama.

Dejinta xiisaddan ayaa akhirataankii war-murtiyeed aan sidaa u taf-dheerayn keligii uu ku dhawaaqay wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here